Macallinkii Medrasaddii Maadda Iyo Murtida:Cabdillaahi Cabdi Shube (Bullo-xaar 1926kii – Hargeysa 1978kii). Qaybtii 2aad!

0
Thursday October 08, 2020 - 00:56:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallinkii Medrasaddii Maadda Iyo Murtida:Cabdillaahi Cabdi Shube (Bullo-xaar 1926kii – Hargeysa 1978kii). Qaybtii 2aad!

    Macallinkii Medrasaddii Maadda Iyo Murtida:Cabdillaahi Cabdi Shube (Bullo-xaar 1926kii – Hargeysa 1978kii). Qaybtii 2aad!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macallinkii Medrasaddii Maadda Iyo Murtida:Cabdillaahi Cabdi Shube (Bullo-xaar 1926kii – Hargeysa 1978kii). Qaybtii 2aad!

Qalinkii Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale.

Waa dhaqan ay Soomaalidu leedahay in ay maansayahanka iyo kuhaanka isla xidhiidhiyaan. Haddaad suugaanta Soomaalida dhex qaaddo tusaalayaal faro badan ayaad soo helaysaa.

 

 

Waxa ka mid aha geeridii naxdinta lahayd ee Maxamed Mooge Liibaan ku timid bishii Juun 4dii 1984kii oo jid-gooyo lagu dilay taas oo mararka qaarkeed loo nisbeeyo hees uu qaadi jiray oo Hadraawi lahaa oo tidhaahda:

"Waxyeello halkay u taallo,

Naftayda maxaan ka waanshay,

Walaalkay nimaan u haystay,

Muxuu waddo ii fadhiistay,

Qof aan wehelkayga mooday,

Ka qayb-galay weerarkayga,

Ruux aan la wadaagay oontu,

Ku wiirsaday dhiilladayda,”

Tusaalayaal kale oo badan ayaynu soo qaadan karnaa. Waxaan xusuustaa Deelleydii oo la tiriyay intii ka horreysay halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd, ayaa waxa ku jirtay maanso uu lahaa Cismaan Askari oo tuduc ku jiray uu ahaa:

"Deeblaanu joognaa,

Duryaa laga warramayaa,

Subulaha dushoodaa,

Dabku nooga baxayaa,”

Marka uu heestaa tirinayo Cismaan Aadan (Askari), saldhiggii ugu horreeyay ee SNM ee Durya lama furin, Hargeysa lagama qixin oo dadkii deggenaa Geed-deeble iskuma urursan markii duqayntii dadnimo-ka-baxa ahayd ee nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre bilaabantay. Dhinaca kale SNM ma degin Jigjiga oo waa marka uu leeyahay: "Subulaha dushoodaa, Dabku nooga baxayaa.” Subuluhu waa gunburaha yar yare e xagga Itoobiya kaaga muuqda marka aad Tog-wajaale joogto ama aad xadka ka tallowdaba.

Tusaalayaal badan ayaynu soo qaadan karnaaye aan maanta halkaa kaga hadho.

Aynu ku noqonno mowduuceennii la xidhiidhay noloshii iyo curintii Cabdillaahi Cabdi Shube oo suugaanta Soomaaliyeed suulkiisii iyo saxeexiisii oo aan tirmayn kaga tegay.

Qamar oo ah xaaskii Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu wax ka weydiinnay murtidii odeygeeda, ayaa noo sheegtay heestan oo uu habeenkii calanka ee 26kii juun tiriyay, waxaanu yidhi:

"Maalintii aynu caddaannay,

Kolna aynu casaannay,

Ee ay caynba cayn noqotay,

Calankeenna la saarayee,

Cirradii igu taallaayee,

Nuuraddaa ka caddayd,

Culaygaa noqotayee,

Innammadii canbe weeye,

Dumarkii waa canbaruud,

Ka dib waa isku cun,

Haddii ciidda dhulkiyo,

Buuraha la isku cajiimo,

Caawa caawo ka weyn,

Waageedba ii ma caddaanine,

Alla waa cawadayda oo,

Calan Soomaaliya weeye.”

Mar ay Qamar ka sheekaynaysay Cabdillaahi Cabdi Shube iyo hawlihii uu inta badan qaban jiray, waxay tidhi: "Cabdillaahi farsamo-yaqaan ayuu ahaa. Kabaha wuu toli jiray, birtana waa uu tumi jiray. Beryo uu xamaam lahaana waa ay jirtay oo uu aad ugu cammirnaa.”

Aynu dib ugu noqonno Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo soo xusuustay maanso gaaban oo kale oo la magac-baxday Duco oo aabbihii lahaa, waxaanu yidhi:

Duco:

"Islaan baa loogu duceeyay,

Daaco goor walba joogtiyo,

Wuxu doonayo saarkiyo,

Wuxuu diidayo saarku,

Nin baa loogu duceeyay,

Calan dheer dusha saar oo,

Dawarsoo ha fadhiisan,

Mid baa loogu duceeyay,

Markuu waagu dillaaco,

Dubbe weyn degta saar oo,

Dhagaxuun dil-dillaaci,

Mid baa loogu duceeyay,

Dibbir oo iska seexo,

Inan baa loogu duceeyay,

Mar habeen dem yidhaahdo,

Daaraddiinna ka bood oo,

Suuqa soo daddawaaf.”

Dhooddi-meer:

Dhooddi waxa la yidhaahdaa Banka Nugaaleed, Taleexna waxay xarun u ahaan jirtay Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Waxaan filayaa in fardihii Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwii ugu mudnaa ee uu ku dhaadan jiray mid ka mid ahaa la odhan jiray Dhooddi. Wuxu ahaa faras qurux iyo dheraynba caan ku ahaa; Sayid Maxamed Cabdille Xasan hortiina waxa lahaa Xirsi Cartan Boos oo hadiyad Sayidka ugu keenay. (Ciise, Aw Jaamac, Diiwaankii Gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan, CERD, Jabuuti, 2005tii).

Miyaanu Sayidku ku odhan maansadiisii caanka ahayd ee Gudban:

"Waar ma Dhooddi baa gaammuroo, garabku weynaaday,

Ma galaasyo miidaan ku shubay, gama’shigii deyrta,

Gorgor kacay la moodyow durduro, ma igu gooraamay,”

Cali Bucul oo degaammada Awdal ku noolaan jiray ayaa isaguna ka mid ahaa dadka looga dambeeyo ammaanta faraska. Haddaan tuduc ka soo qaatana waa kii lahaa:

"Helmiyay oo helmiyay,

Oo ammaantii heli waayee,

Hoosiisow midabkaagu,

Ma habeenkiyo waagoo,

Kala haayirayaa,”

Cabdillaahi Suldaan oo loo yaqaannay Timacadde mar uu isaguna ka hadlayay faras la odhan jiray Dan-seeg oo jiidda Gebilay caan ka ahaa, sow kii isaguna lahaa:

Sidii neefkii Dan-seegoo,

Dirayskii Madgaskaar,

Dahabkii Iglan yaallay,

Ilaa daa’in abiid,

Daw wuxuu u lahaa,

Dem intoo lagu siiyay,

Sitaacii dalmanaayoo,

Dawankii ka ciyaayoo,

Koorihii la dul-saarayoo,

Wiilashii dul-yaqaannay,

Degtiisaa u baxeenoo,

Dixda Aw Barkhadle,

Ku dabbaal-degayaan,

Rakaabkii deldellaa baad,

Daf siisaa bidixdaada,

Darbataa midigtaada,

Dushiisaad u baxdaa,

Markaasuu dirgadaayoo,

Sidii haadda didaayoo,

Dad jin oon la arkayn iyo,

Dabayshuu af yaqaanne,

Digtoonaa ma tukaa?

Cabdillaahi Cabdi Shube nin bulshaawiya oo kaftan badan ayuu ahaa. 26kii Juun 1960kii ayaa subaxnimadii la isugu soo baxay garoonkii ‘Polo’-ga oo ahaan jiray halkan maanta uu ku yaallo Istaadiyamka Hargeysa oo beryahaa bannaankaasi ka tirsanaa xeradii ciidammada ee maanta loo yaqaanno Bir-jeex. Ingiriiskii ayaa garoonlaa ‘Polo’-ga ku ciyaari jiray fardaha oo ul dheer kubbad lagu eryan jiray goolalna la iskaga dhalin jiray. Fardo la shaaximay oo wixii faras qurux lahaa lagu soo bilay ayaa bannaankii la isugu keenay. Cabdillaahi Cabdi Shube is-na maalintaa wuxu soo kaxaystay dameer uu ka soo lulay daasado iyo qalab wada sanqadhaya. Gees marka aad ka eegto Cabdillaahi Cabdi Shube wuu dabbaal-degayaa. Gees kale marka aad ka eegtana waxa ay ka ahayd "Ninba ceesaantii ceel keen.”

La soco……




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured