WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO...2014-kii, Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu noqday, oo loogu doortay magaalada Taleex ee gobolka Sool jagada Madaxweynaha Maamul markaas bilow ahaa oo loo bixiyay Khaatumo. Qalinkii Muxamed Dhimbiil
Cali Khaliif Galaydh waxa uu hormood ka noqday nabad ka dhalata Jamhuuriyada Somaliland iyo maamulkii khaatumo, waxaana uu heshiis la gallay Jamhuuriyada Somaliland, halkaasi oo uu ku sugnaa sadexdii sanadood ee ugu dambaysay kana waday barnaamij loo bixiyey tabliiq siyaasi ( Somaliland lawada leeyahay ).
PROF CALI KHALIIF GALAYDH ( 1942 ilaa 2020 )
Cali waxa uu ku dhashay gobolka Sool,Laas Caanood taariikh lagu sheegay 1942kii , halkaas ayuuna qeybta hore ee noloshiisa kusoo qaatay inteeda badneed, ilaa uu dhameystay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd.
markii dambe waxa uu Dugsigiisa Sare ku idleystay degmada Shiikh, Waa aqoonyahan darajada tacliinta maadiga ah ka gaadhay Ph.D. waa Macalin iyo qof muddo dheer soo ahaa shaqaale dowladeed, oo qeybo kale duwan dowladnimada ah kasoo shaqeeyay.
Dr. Cali Qaliif Galaydh waxa uu in mudda ah kasoo shaqeynayay qeybaha waxbarashada Soomaaliya, isaga oo macalin iyo bare kasoo ahaa machadkii Somali Institute of Public Administration (SIPA) ee Maamulka Dowliga ah lagu baran jiray, halkaas oo uu markii dambe ka noqday agaasime.
Cali Khaliif waxaa lagu xasuustaa agaasimidda barnaamijyo hormarineed oo Soomaaliya ka socday 1970-aadkii ilaa 1980-aadkii, isaga oo si gaar ahaa u maamulayay Mashruucii Sokorta ee Jubba.
Cali Khaliif Galaydh waxa uu ahaa dadkii ka qayb qaatay aasaaskii qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee joogay shirarkii lagu yagleelayey, inkasta oo uu markii dambe xagaa somalia tagay.
Galeydh waxa uu sanadkii 2000 noqday xildhibaan somalia ah, iyada oo uu isla waqtigaas noqday Reysal Wasaarihii ugu horeeyay ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Cali Khaliif Galeydh waxaa 2014-kii loo doortay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo .
Waxbarashada
1962-kii ayuu Cali Khaliif Galeyr dhameeyay Dugsigiisii Sare ee Sheekh.
1965-kii, waxa uu Cali dhameeyay Waxbarashadiisii Jaamacadda ee Heerka 1-aad, taas oo uu ku qaatay Jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka.
1969-kii, Cali waxa uu Jaamacadda Syracuse University ee magaalada Newyork, Dalka Mareykanka ku diyaariyay Darajadiisii 2-aad ee Jaamacadda.
1972-kii ayuu Galeydh Ph.D-diisa ku diyaariyay isla Jaamacadda Syracuse University ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku gaaray aqoonta tacliin maadiya tan ugu sareysa aduunkan.
Waaya-aragnimada iyo Shaqada
1970-1973-kii, Cali waxa uu sarkaal ka tirsanaa Machadkii Barashada Maamulka Dowliga ee Somali Institute of Public Administration (SIPA), qeybtiisa Tababarka Cilmi Baarista.
1973-1974-kii ayuu soo ahaa Agaasimaha Guud Machadka Barashada Maamulka Dowliga ah ee SIPA.
1974-1976-kii waxa uu soo ahaa Agaasimaha Guud ee Warshaddii Sokorta Jowhar ee SNAI.
1976-1980-kii Cali waxa uu ahaa Guddoomiyaha Fulinta ee Mashruucii Sokorta Jubba.
1980-1982-kii, Cali Khaliif Galeydh waxa uu ahaa Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya, xiligaas oo ay si weyn uga socdeen dalka mashruucyo ay ka mid ahaayeen warshadeynta dalka.
1982-1984-kii waxa uu saaxiib fiican la ahaa Xarunta Arrimaha Caalamiga ah ee Jaamacadda Harvard.
1984-1986-kii, Waxa uu sidoo kale lahaa saaxiib fiican ee Xarunta Daraasadaha Bariga Dhexe ee Jaamacadda Harvard.
1986-1989-kii, waxa uu Lataliye u ahaa Shirkado gaar loo leeyahay oo Mareykanka ka jira, Hay’adda Gargaarka ee Mareykanka (USAID), iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Hormarinta .
1989-1991-kii, Galeydh waxa uu Caawiye Professor kasoo ahaa qaar ka mid ah jaamacadaha Mareykanka ku yaala.
1991-1994-kii Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu ahaa Ku Lamaane Professor, qeybta Maamulka Dowliga ah ee Syracuse University ee magaalada Newyork, dalka Mareykanka.
1994-1996-kii, waxa uu Cali ka ahaa Jaamacadda Syracuse University Professor dhiga Maamulka Dowliga ah iyo Xiriirka Caalamiga ah.
1996- 2000, waxa uu ahaa Guddoomiyaha iyo Madaxda ugu sareeya ee Shirkadda SOMTEL, taas oo uu u joogay magaalada Sharjah, UAE.
2000 – 2001-dii, Dr. Galeydh waxa uu ahaa Reysal Wasaaraha Soomaaliya, xiligaas oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.
2002 – 2006-dii, waxa uu Galeydh Professor ka ahaa Machadka Arrimaha Dowliga ah ee ee Hubert H. Humphrey iyo Jaamacadda Minnesota ee dalka Mareykanka.
2012-dii Cali Khaliif Galeyr waxa uu noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale isla waqtigaas isu soo sharaxay jagada Guddoomiyaha/Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.
2014-kii, Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu noqday, oo loogu doortay magaalada Taleex ee gobolka Sool jagada Madaxweynaha Maamul markaas bilow ahaa oo loo bixiyay Khaatumo,
Cali Khaliif Galaydh waxa uu hormood ka noqday nabad ka dhalata Jamhuuriyada Somaliland iyo maamulkii khaatumo, waxaana uu heshiis la gallay Jamhuuriyada Somaliland, halkaasi oo uu ku sugnaa sadexdii sanadood ee ugu dambaysay kana waday barnaamij loo bixiyey tabliiq siyaasi ( Somaliland lawada leeyahay ).
Cali Khaliif Galaydh Alle ha u naxariisto waxa uu si kadis ah ugu geeriyooday magaalada Jigjiga ee Dawlada Somalida Ethiopia 08 -Oct-2020 , oo shalay ahayd.
Cali khaliif Galaydh Alle ha u naxariisto e waxa uu ahaa codkar cabqariya oo aad u aqoon badan dhaqanka iyo dadka soomaaliyeed na aad u kala yaqaana, waxa uu ahaa ruug cadaa siyaasadeed oo aad u aragti dheer, isla markaana ahaa waayo arag gaamuray.
Alle ha u naxariisto ehelkii iyo qaraabadiisii, qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan umada soomaaliyeed ee uu ka baxayba Alle samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Muxamed Dhimbiil Leave a comment |
|
WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO...2014-kii, Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu noqday, oo loogu doortay magaalada Taleex ee gobolka Sool jagada Madaxweynaha Maamul markaas bilow ahaa oo loo bixiyay Khaatumo. Qalinkii Muxamed Dhimbiil
Cali Khaliif Galaydh waxa uu hormood ka noqday nabad ka dhalata Jamhuuriyada Somaliland iyo maamulkii khaatumo, waxaana uu heshiis la gallay Jamhuuriyada Somaliland, halkaasi oo uu ku sugnaa sadexdii sanadood ee ugu dambaysay kana waday barnaamij l