Dalabkii Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud iyo Dareenkii Madaxweyne Muuse Biixi. Warbixin Suxufi Maxamed Cirro.

0
Saturday October 10, 2020 - 23:57:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalabkii Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud iyo Dareenkii Madaxweyne Muuse Biixi. Warbixin Suxufi Maxamed Cirro.

    Dalabkii Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud iyo Dareenkii Madaxweyne Muuse Biixi. Warbixin Suxufi Maxamed Cirro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalabkii Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud iyo Dareenkii Madaxweyne Muuse Biixi. Warbixin Suxufi Maxamed Cirro.
Boorama(Xogreebnews)-Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuuleed oo khudbad ka jeediyey qallin-jabinta dufcadda 19-aad ee Jaamacadda Cammuud, ayaa soo bandhigay dalab ah inuu doonayo sidii uu uga fadhiisan lahaa, isla markaana uga nasan lahaa xilka Guddoomiyenimo ee Jaamacadda ee uu soo hayey muddo gaadhaysa 23 sanno, isagoo soo jeediyey in lagala shaqeeyo sidii xilkaas culus ee Jaamacadda looga wareejin lahaa, loona soo diyaariyo cid ku habboon oo xilkaas loo dhiibo, waxaannu sheegay inuu diyaar u yahay sidii uu qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ugu shaqayn lahaa, kadib marka uu wareejiyo Guddoomiyaha Jaamacadda.
Geesta kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo isna munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa soo gudbiyey dareenkiisa khuseeya dalabka Guddoomiyaha Cammuud, waxaannu soo dhaweeyey in Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo macallinkiisa ahaa, muddo dheerna caynaanka u soo hayey Jaamacadda Cammuud, uu hadda xilkaas ka nasto, iskana wareejiyo, si uu ugu madaxbannaanaado hawlaha kale ee qaranka Somaliland.
Prof. Saleebaan Axmed Guuleed waa khabiir dedaal xooggan geliyey Horumarinta waxbarashada iyo aqoonta dalka Somaliland, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Jaamacadda Cammuud, waxaannu mudan yahay in lagu bogaadiyo, loogana mahadceliyo dedaalkaas naf-hurnimada ah ee uu dalkiisa geliyey, una soo saaray aqoonyahanno meelo badan ka gufeeyey baahiyaha kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured