Ma Bannaana in Marin-habaabin Lagu Sameeyo Shuruucda iyo Ra'yul-caamka Bulshada. Faallo Suxufi Maxamed Cirro.

0
Sunday October 11, 2020 - 20:15:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ma Bannaana in Marin-habaabin Lagu Sameeyo Shuruucda iyo Ra'yul-caamka Bulshada. Faallo Suxufi Maxamed Cirro.

    Ma Bannaana in Marin-habaabin Lagu Sameeyo Shuruucda iyo Ra'yul-caamka Bulshada. Faallo Suxufi Maxamed Cirro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Bannaana in Marin-habaabin Lagu Sameeyo Shuruucda iyo Ra'yul-caamka Bulshada. Faallo Suxufi Maxamed Cirro.
Hargeysa(Xogreebnews)- Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka kale ee dalku si cad ay u kala saareen Xukuumadda (waaxda fulinta) ama Hay'adaha Xukuumiga ah ah ee hoos taga waaxda fulinta iyo Hay'addaha dowladda ee sida tooska ah uga madaxbannaan Xukuumadda, waxaanna arrintaas si cad loogu qeexay qodobka 81-aad ee dastuurka oo ka hadla Waaxda Fulinta ama Xukuumadda, qodobka 90-aad oo ka hadla awoodaha Madaxweynaha Somaliland iyo qodobka 113-aad oo qeexay Hay'adaha dowladda ee gaarka ah oo ay ka mid yihiin; Xeer-ilaaliyaha Guud, BĂ anka dhexe, Hay'adda shaqaalaha dowladda iyo Hanti-dhawraha Guud, iyadoo ay Hay'adahan iyo madaxdooduba ka madaxbannaan yihiin Xukuumadda ama waaxda fulinta.
Haddaba, aniga oo aan ahayn sharciyaqaan bartay qaanuunka, balse ah sharci-akhriye, waxa aan halkan kaga fal-celinayaa qoraal uu facebook-ga soo dhigay garyaqaan Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela oo uu ku sheegay in Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Hay'adda qaxootiga & Barokacayaashu ay yihiin shaqaale dowladeed, sidaa darteedna aanay xaq u lahayn inay xubin firfircoon ka  noqdaan xisbi qaran ama xubin ka noqdaan Golaha dhexe ee KULMIYE, isagoo soo daliishaday qodobka 88-aad ee xeerka nidaamka Xukuumadda iyo Hay'adaha madaxabannaan, waxaannu garyaqaanku il-duufay inuu qodobkan uu soo daliishaday la akhriyo qodobbada 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ee isla xeerkan oo qeexaya xeerkan, cidda lagu dhaqayo iyo eray-bixinnaha lagu soo bandhigay waxyaabaha loola jeedo Xukuumad, Hay'adaha Xukuumiga ah iyo madaxda Hay'adaha Xukuumadda hoos yimaadda.
Waxa kaloo uu il-duufay inuu soo akhriyo qodobka 1-aad ee xeerka shaqaalaha dowladda, gaar ahaan qeexidda waxa loola jeedo madaxa Wasaarad ama Hay'ad, waxaanna muuqata haddii uu sharciyaqaanku intaas oo dhan isla soo akhriyi lahaa in aannu isku khaldeen madaxda Hay'adaha Xukuumadda iyo Hay'adaha dowladda ee ka madaxabannaan Xukuumadda, haddii aanay ka ahaynba arrin uu u badheedhay oo uu ugu talogalay in lagu marin-habaabiyo bulshada reer Somaliland oo intooda badan aanay akhriyin, wax aqoon ahna u lahayn dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaal.
Toddobaadkii hore ayaan qoraal kooban ka diyaariyey Agaasimayaasha Guud ee ka qaybgalay shirkii KULMIYE oo aniga oo soo xigtay hadallo uu jeediyey Madaxweyne Biixi oo sheegay in Agaasimayaasha guud ay yihiin shaqaale dowladeed, sidaa darteedna aanay u bannaanayn inay xubin firfircoon ka  noqdaan xisbiyada qaranka, waxaanna arrintaas ka jawaabay Guddoomiyaha Hay'adda shaqaalaha dowladda Md. Farhan Haibe oo sheegay in ay sharci-darro tahay in shaqaalaha dowladdu xubno ka noqdaan Golaha Dhexe ee KULMIYE, balse waxa uu caddeeyey in aannu jirin sharci Agaasimayaasha Guud u diidaya inay xubno ka noqdaan Golaha Dhexe ee KULMIYE,  ilaa inta laga ansixinayo wax-ka-beddelka xeerka shaqaalaha dowladda oo hadda gacanta lagu hayo, iyadoo uu wax-ka-beddelka xeerkani ka mamnuucayo Agaasimayaasha Guud inay galaan xisbiyada qaranka, loona aqoonsanayo shaqaale dowladeed (civil servants).
Waxa muhiim ah in si qoto dheer loo baadho liiska xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE ee la soo bandhigay, lagana baadho inay  xubno ka yihiin shaqaale dowladeed, sida Agaasime-waaxeedyada, madaxda Hay'adaha Xukuumiga ah ee xeerarku sida cad uga reebeen ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadda, haddii ay dhacdo in xubno ka mid ah laga helo liiska waa in si rasmi ah dacwad looga gudbiyo KULMIYE iyo xubnaha shaqaalaha ah ee ka mid noqday Golaha dhexe ee KULMIYE, balse ma fiicna in dadka sharciyaqaannada ah ay marin-habaabin ku sameeyaan shuruucda dalka iyo ra'yi caamka bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured