Kulankii Madaxweyne Biixi Iyo Madax-Dhaqameedka Gobolka Gabiley Oo Waji Kale Yeeshay, Kamid Markii Madaxwaynuhu Ku Wargaliyay In Uu Beel Gaar Ah La Shirayo+Dareenka Ka Dhashay!.

0
Tuesday October 13, 2020 - 01:31:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Madaxweyne Biixi Iyo Madax-Dhaqameedka Gobolka Gabiley Oo Waji Kale Yeeshay, Kamid Markii Madaxwaynuhu Ku Wargaliyay In Uu Beel Gaar Ah La Shirayo+Dareenka Ka Dhashay!.

    Kulankii Madaxweyne Biixi Iyo Madax-Dhaqameedka Gobolka Gabiley Oo Waji Kale Yeeshay, Kamid Markii Madaxwaynuhu Ku Wargaliyay In Uu Beel Gaar Ah La Shirayo+Dareenka Ka Dhashay!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii Madaxweyne Biixi Iyo Madax-Dhaqameedka Gobolka Gabiley Oo Waji Kale Yeeshay, Kamid Markii Madaxwaynuhu Ku Wargaliyay In Uu Beel Gaar Ah La Shirayo+Dareenka Ka Dhashay!.

Gabiley(Xogreebnews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo Ku Sugan Magaalada Gabiley, kadib Markii uu kasoo laabtey Socdaal uu indhawaale ku joogay Magaalada Boorama, ayaa Caweyskii Caawa Shir gaar ah kula Galey Gabiley Duqey ito odoyaal Kasoo jeeda Beesha Samaroon ee Gabiley Degan.

 

 

Wararka laga helayo kulankii Maanta Galinkii Danbe ilaa Caawa Uu madaxwayne biixi la lahaa Madaxdhaqmeedka Gobolka Gabiley Oo ka socdy hoolka dawlada hoose ee gabiley ayaa sheegaya in markii uu kulanka Madaxwaynaha iyo Madhaxqameed gobolka ka koobani bilowday islamarkaana ay hadleen dhowr qof oo kamid ah odoyaashii  shirka ka qaybgalayay Ayaa waxaa markaliya waji kale  isku badalay shirkii kadib markii uu hadlay caaqil kamid beelaha samaroon oo tabasho ka muujiyay saamiga ay ku leeyihiin gobolka gabiley,

Sidoo kale wararka laga helayo qaarkamid ah madax-dhaqameedkii goobta fadhiyay oo ka cudur daartay in magacooda la xuso ayaa sheegay in madaxwaynuhu markaliya shirkii joojiyay isagoo wixii sacad muuse ah ee shirka fadhiyay Amase beesha jibriil abobor ah  ay iska tagaan islamarkaana uu la shirayo caawa beelaha samaroon ee tabashada sheegtay iyo kuwo kale oo kamid ah kuwa gobolka dega ee aan ahayn Jibriil Abokor,Cabdale Abokor iyo WM.

Hadalka kasoo yeedhay madaxwayne biixi ayaa noqday mid dareeno kala duwan caawa ka abuuray guud ahaan gobolka gabiley oo markii horeba aan wax waxqabada ah ku qabin xukuumadii ay ku doorteen tolnimada iyadoo dhanka kale ay shaki abuuray shir uu caawa gabiley kula yeeshay beelihii uu mudada kula shirayay magaalada boorama ee samaroon oo iyagu aan gobolka kulahayd awooda ah in uu shir noocaasi ah kula qaato gabiley halka beeshii gobolka ku batirsanaysayna uu ku wargaliyay in ay maalinta bari ah taagnaanta kuwada hadli doonaan.

Dhanka kale kulankan gaarka ah ee uu caawa la qaatay madaxwayne biixi beesha aynu kor kusoo xusnay ayaa waxaana iyaga laga saaray shirka uu la yeelanayay masuuliyiintii xukuumada katirsan ee kasoo jeeda gobolka gabiley kuwa xukuumada katirsana iyo maamulka gobolkaba,halka uu madaxwaynaha kulankani uu ku wehelinayay wasiirka Wasaarada Caafimaadka oo isagu kamid ahaa waftiga madaxwaynaha kana soo jeedo gobolka awdal iyo beelaha uu shirka gaarka ah la yeeshay ee wax tabanayay.

Haseyeeshee,  Waxaa siweyn uga Biyo Diiday Cuqaasha gobolka  wallow aanay goobta ka hadal, halka ay  Dareeno kala duwani ay  ka dhasheen Kulankani wixii uu Daaran Yahay oo lala xidhiidhiyay nuxur ahaan in Madaxweyne Biixi ku Socodsiinayo, Qeyb Kamid ah Heshiisyada uu Lasoo galay Reer Awdal gaar ahaan Beesha Samaroon in uu Ku Raaligaliyo in uu Tabashooyinkooda Marka Koowaad Awoodiisa kaga Fulin Doono Gabiley oo Dadkeedu u Dhaga nugulyihiin, isaga ka Madaxweyne ahaan.

Dhanka kale xogaha laga helayo shirka gaarka ee madaxwayne biixi caawa magaalada gabiley kula yeeshay waxgaradka kasoo jeeda gobolka awdal ayaa tibaaxay in ay tabashadoodii kamid ahayd sidii saami looga siin lahaa xilalka maamulka gobolka gabiley iyagoo sida xoguhu tibaaxeen sigaar ah ucalaamadiyay in lasiiyo xoghayaha dawlada hoose ee gabiley iyo xilal kale oo muhiim ah, wallow aan wali sicad loo haynin warka rasmiga ah iyo qodobada ay isla qaateen madaxwayne biixi iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka awdal.

Sikasta oo ay Tahey, Dareenada kasoo baxay,  Kulankan Caawa  Qabsoomay,  ee Madxweyne Biixi Gabiley kula Yeeshay, Beesha Samaroon halka ayaa ah Kuwa Tuhuno ay Reer Gabiley qabeen indhaweyd Cirka kusii Shareeraya Maadaama Dad badan oo Reer Gabiley ahi Aaminsan Yihiin in Haldoorkii Gobolkan Kasoo jeeday uu Ku badeshay Dhalinyaro yaryar oo Waxyaabo badani ka Qarsoon Yahay islamarkaana, Wixii uu Madaxweynuhu u Sheegana Qaadanaya, Waxey Maqlaana u Sheegaya,  iyadoo uu hore u Jirey Dareenka laga Qabo Madaxweyne Biixi dhinaca Gabiley in uu Albaabka ka Xidhay Waxgaradkii iyo Mudakarkii sidoo kalena uu hada Fulinayo Heshiisyo uu kusoo Galey Gobolka Awdal iyo Waxyaabo uu ku qancinayo inuu Awood ugaga Meelmarinayo Gabiley sidii uu Markii uu ahaa Wasiirka Daakhiliga Xukuumadii Marxuum Cigaal Uu U Bixiyay xeebtii gobolka gabiley kaasi oo uu raaciyay gobolka awdal, halka uu kaantaroolkii gabiley kusoo ururiyay duleedka magaalada gabiley isagoo  Cali xaydh Iyo xeeb oo dhan loogu eedeeyo in uu raaciyay gobolka awdal, oo sida ay sheegeen siyaasiyiintii reer gabiley ilaa wakhtigaa goob jooga ahaa,xuseen  in muuse biixi ku badashay dano siyaasadeed oo uu ku raali galiyay siyaasiyiin Ay ilaa halgankii ay isku xulufo ahaayeen,

Waxaase laga war sugi doonaa waxgaradka ,qoonyahan ka gobolka gabiley ficilada ay maalinta bari kaga falceliyaan talaabada uu madaxwayne biixi sida badheedhka ah ugu kacay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured