Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cismaan oo Xadhiga ka Jaray Wado Cusub oo isku Xidhaysa Gar-adag ilaa Fadhi-gaab Iyo Roog Casriya oo u Dhigay Garoonka Gar-adag.... Horumarka Gobolka Sanaag ku Talaabsaday Mudo Kooban....

0
Friday October 16, 2020 - 01:14:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cismaan oo Xadhiga ka Jaray Wado Cusub oo isku Xidhaysa Gar-adag ilaa Fadhi-gaab Iyo Roog Casriya oo u Dhigay Garoonka Gar-adag.... Horumarka Gobolka Sanaag ku Talaabsaday Mudo Kooban....

    Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cismaan oo Xadhiga ka Jaray Wado Cusub oo isku Xidhaysa Gar-adag ilaa Fadhi-gaab Iyo Roog Casriya oo u Dhigay Garoonka Gar-adag.... Horumarka Gobolka Sanaag ku Talaabsaday Mudo Kooban....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cismaan oo Xadhiga ka Jaray Wado Cusub oo isku Xidhaysa Gar-adag ilaa Fadhi-gaab Iyo Roog Casriya oo u Dhigay Garoonka Gar-adag.... Horumarka Gobolka Sanaag ku Talaabsaday Mudo Kooban....
Ceerigaabo(Xogreebnews)-Badhasaabka gobolka Sanaag Md. Axmed Cismaan Xasan, ayaa Mashaaric Horumarineed oo isaggu jira Dhismaha Wadada Ceerigaabo oo hirgalay iyo dardar-gelinta iyo horumarinta Ciyaaraha xadhiga ka jaray shalay Deegaanka Gar-adag ilaayo fadhi-gaab.
Gudoomiye Axmed Cismaan Xasan, waxa uu xadhiga ka jaray Wadada isku xidha Gar-adag ilaayo fadhi-gaab, oo la dhamaystiray, isla markaana mudo kooban ay ku dhistay Xukuumada Somaliland. 
Wadadan, ayaa waxay ahayd mid hirgashay mudadii koobnayd ee u Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ahaa Axmed Cismaan, iyadoo uu Kormeer joogto ah ku hayey, Isla markaana hada ay hirgashay. Gudoomiye Axmed Cismaan waxa uu ku boggaadiyey hirgelinta Wadadaas, wasaarada Gaadiidka iyo jidadka Somaliland iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo dhexda u xidhay inuu Gobolka Sanaag noqdo mid hada qaaday jidkii horumarka. Iyadoo Xukuumada uu Madaxweyne Muuse Biixi gadhwadeenka  yahay ku hawlan tahay inay ka Fuliso Mashaaric Horumarineed oo kala duwan. 
Geesta kale, Gudoomiye Axmed Cismaan Xasan waxa uu shalay xadhiga ka jaray garoonka kubada Cagta ee Magaalada Gar-adag oo Xukuumadda Somaliland usoo Iibisay Rooga Dooga ah ee lagu ciyaaro.
Taarikhda Somaliland waa markii u horaysay ee Magaalada Gar-adag garoonkeedu yeeshay Rooga cagaaran, iyadoo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uga dan-leedahay qalabaynta iyo dhiiri-gelinta Ciyaaraha guud ahaan Somaliland, gaar ahaana Gobolka Sanaag oo ay hada xil iska Saartay.
Sidoo kale, Gudoomiye Axmed Cismaan Xasan waxa uu ku hawlan yahay sidii dhalinyarada Gobolka Sanaag ay garaadkooda kor loogu qaadi lahaa, isla markaana isku dhex-geli lahaayeen, maadaama oo ciyaaruhuu la dagaalaman qabyaalada iyo  weliba mukhaadaraadka kale ee Bulshada aafeeyey.
Si kastaba ha-haatee Gobolka Sanaag, tan iyo intii uu xilka Gudoomiyenimo la wareegay Badhasaab Axmed Cismaan Xasan, waxa uu qaaday jihada horumarka, isla markaana waxa uu ka dawoobay xaaladihiii colaadaha iyo weliba dib u dhaca.
Hadaba maxaa isbedelay mudadii gaabnay ee u hoggaanka Gobolka Sanaag hayey Gudoomiye Axmed Cismaan Xasan?.
Waxa Gobolka Sanaag si toosa bilihii u dambeeyey ee u Gudoomiye Axmed Cismaan Xasan xilka hayey, si weyn uga hawlgalay Haayadaha Caalamiga ah, ee Somaliland kala shaqeeya dhinacyada horumarka, sida Waxbaraashada, Caafimaadka iyo adeegyada kalee daruuriga ah.
Gudoomiye Axmed Cismaan Xasan, waxa uu ku guulaystay inuu Gobolka Sanaag ka dhigo mid ka koray colaadihii ehliga ahaa iyo dagaalo beeleedyadii soo noq-noqon jiray, waxanay Bulshada Gobolka Sanaag ku nooli iyo hoggaamintooda dhinaca dawladdu, hada u dhaqaaqeen dhabbihii lagu horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada horimarineed ee lagama maarmaanka u ah Bulshada. 
Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Sanaag md. Axmed Cismaan Xasan, waxa uu ku hawlan yahay sidii Gobolkaasi u noqon lahaa mid Jidka uu maanta qaaday ee dhinaca horumarka ku sii socda, isagoo Badhaasab Axmed Cismaan dagaal ba'an kula jira wax kastoo xagal daacinaya amniga iyo horumarkaba. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured