Musharaxa Madaxweynaha Somaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Farta ku fiiqay Dhagar-qabayaal ku jira Liiska golaha Wasiirrada Cusub ee u Magacaabay Raysal-wasare Rooble..

0
Monday October 19, 2020 - 23:13:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Madaxweynaha Somaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Farta ku fiiqay Dhagar-qabayaal ku jira Liiska golaha Wasiirrada Cusub ee u Magacaabay Raysal-wasare Rooble..

    Musharaxa Madaxweynaha Somaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Farta ku fiiqay Dhagar-qabayaal ku jira Liiska golaha Wasiirrada Cusub ee u Magacaabay Raysal-wasare Rooble..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Madaxweynaha Somaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Farta ku fiiqay Dhagar-qabayaal ku jira Liiska golaha Wasiirrada Cusub ee u Magacaabay Raysal-wasare Rooble..
Muqdisho(Xogreebnews)- Gudoomiyaha Xisbiga wada-jir ee Somaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa farta ku fiiqay dhagar-qabayaal ku jira Liiska Wasiirada uu Magacaabay Raysal wasaraha Cusub ee Somaliya. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan. 
"Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo. Waxaase arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda.
Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha. Waxaan ugu baaqaynaa Ra'iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured