Professor Cabdi Cali oo Digniin u Diray Shaqsiyaadka U Hambalyeynaya Siyaasiyiinta Calooshooda u Shaqaystayaasha ah ee Maamulka Muqdisho Xilal u Magacaabay. "Digniinta kalkaaliyayaasha khaa'inul waddanka".

0
Tuesday October 20, 2020 - 00:57:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Professor Cabdi Cali oo Digniin u Diray Shaqsiyaadka U Hambalyeynaya Siyaasiyiinta Calooshooda u Shaqaystayaasha ah ee Maamulka Muqdisho Xilal u Magacaabay. "Digniinta kalkaaliyayaasha khaa'inul waddanka".

    Professor Cabdi Cali oo Digniin u Diray Shaqsiyaadka U Hambalyeynaya Siyaasiyiinta Calooshooda u Shaqaystayaasha ah ee Maamulka Muqdisho Xilal u Magacaabay. "Digniinta kalkaaliyayaasha khaa'inul waddanka".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Professor Cabdi Cali oo Digniin u Diray Shaqsiyaadka U Hambalyeynaya Siyaasiyiinta Calooshooda u Shaqaystayaasha ah ee Maamulka Muqdisho Xilal u Magacaabay. "Digniinta kalkaaliyayaasha khaa'inul waddanka".
Hargeysa(Xogreebnews)-Agaasimihii hore Wasaarada Qorsheynta Qaranka Somaliland Professor Cabdi Cali, ayaa Digniin u diray shaqsiyaadka jooga Somaliland ee Hambalyeya Siyaasiyiinta calooshooda u shaqaystayaasha ah ee xilal ka qabta Maamulka taagta daran ee Muqdisho. 
Siyaasi Cabdi Cali, waxa uu Shacab weynaha Somaliland ugu baaqay in meel looga soo wada-jeesto shaqsiyaadka dalka jooga ee qaranimada Somaliland dhabar-jebinta ku haya. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan. 
"Digniin: Inteena Facebuuga ku wada jirta haddii aynaan tallaabo ka qaadin dadka hambalyeeya maalin  kasta kuwa khaa'inul waddanka ah ee Xamar laga magacaabo, dee marka danbe waddanka waa la innagu dul xaraashi innaga oo soo taagtaagan; waxani waa doqonniimo ee waxan idin soo jeedinayaa talaabadan soo socota, anigaana idiin baalalaynaya ee hareeraha qabta:
Digniin:
Saaxiib kasta oo halkan aanu friend ku nahay oo hambalyeeyey qof Somalilander ah oo kaligii iska tashaday oo xil siyaasadeed u doontay Xamar, waxan ogaysiinayaa haddii aanad ka masaxin hambalyadaas 48 saacadood ee soo socda bartaada Facebuugga, ogsoonow in aan halkaa ku joojin doono saaxiibtimadaada Facebuuga, qofkaad doonto ahaw, yaynaan kala caban hadhaw; waxad haysataa 48 saacadood; nin kuu digay kuma dilin!! 
Dhammaan dadka aanu isku mawqifka nahay waxan u soo jeedinayaa in digniintaas oo kale aad ku soo qorto bartiina; taasina waa waxa ugu yar ee aan waddanka u samayn karno!Mahadasidiin.
Cabdo: Digniinta kalkaaliyayaasha khaa'inul waddanka (accomplice)".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured