Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo kormeeray Dugsiga Hoyga Ah Ee Sheekh

0
Tuesday October 20, 2020 - 01:08:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo kormeeray Dugsiga Hoyga Ah Ee Sheekh

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo kormeeray Dugsiga Hoyga Ah Ee Sheekh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo kormeeray Dugsiga Hoyga Ah Ee Sheekh
Burco-(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku maraya qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa maanta kormeer iyo indho-indhayn kusoo maray dugsiga hoyga ah ee degmada Sheekh oo ay  ku jiraan arday tiro badan oo halkaas wax ka barataa.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno wefti ah oo ku wehelinaysa safarkiisa, ayaa waxa halkaas kusoo dhaweeyey maamulka sare ee dugsiga, waxana uu mid mid u galay fasallada kala duwan ee dugsiga oo ay waxbarashadu si toos ah uga socotay.
Xaaladda guud ee dugsiga iyo hannaanka ay waxbarashadu u socoto, ayuu madaxweynuhu u kuurgalay, waxana warbixin halkaas ku siiyey maamulka dugsiga, iyada oo qaar kamid ah Ardayda dugsigaas ku jirtaana madaxweynaha uga xog-warrameen dedaalkooda waxbarasho iyo nidaamka ay duruustu ugu socdaan.
Wa-Bilaahi Tawfiiq



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured