Horumarka la Mahadiyey ee Ay Ku Talaabsatay Dekeda Berbera, Doorka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.
Horumarka la Mahadiyey ee Ay Ku Talaabsatay Dekeda Berbera, Doorka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.
Hargeysa(Xogreebnews)- Waxa Wax Ilahay loogu mahadiyo ah, markaad araagto Wadankaagii uu horumarka balaadhaan ku talaabsanaya. Tan iyo intii ay hoggaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, si weyn loo horumariyey hanaanka dawladnimo iyo waxqabad.
Haayadaha sida weyn Bulshadu ugu diirsatay waxqabadkeeda waxa kamid ah, Dekeda Berbera oo noqotay mid si weyn u horumartay, isla markaana samaysay tis-qaad dhinacyo badan, dhowaan waxa Warbaahinta ka daalacday Qalab Casriya oo Madaxweynaha JSL uu xadhiga ka jarayo, kuwasoo ay kamid ahaayeen, Taagii labaad oo Casriya oo ay Dekeda Berbera sadex sano gudahood kusoo Iibsatay. Waxa kaloo kamid ahaa Doon Casriya oo ay raaci-doonaan Bayloodada soo xidha Maraakiibta waaweyn.
Sidoo kale, waxan daawaday Markabkii ugu weynaa ee abid kusoo xidha Dekeda Berbera. Waxaas oo dhami, waxay qayb ka yihiin horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera, waan boggaadinaya Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo u hagarbaxay horumarinta Dekeddaha Somaliland iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku garabgalay Maareeyaha.
Hadii aynu dib ugu noqono waxqabadka salka Balaadhan ee Dekeda Berbera ku Talaabsatay waxa kaloo kamid ah, sadexdii sanadood ee u dambeeyey ay ku taalaabsatay dekeda Berbera oo maanta noqotay Mid Caalamiya, isla markaana ka gudubtay localnimadii.
Tan iyo intii uu Maareeyaha ka ahaa Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isla markaana qaybta raarista iyo dejintana ay xukumaysay Shirkada Caalamiga ah ee Dp World, waxa ay Dekeda Berbera u horumartay si aan la qiyaasi karin, iyadoo gaadhay meel sare. Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa kamid ahaa inuu Sadex sanaadood gudahood ku keeno laba Taag oo Casriya, kuwasoo 30 sanaadood aanay yeelan dekedu maanta ka horow.
Sidoo kale waxa kamid ah, dhisme Sadex dabaq ah oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba Hool oo lagu talo galay Shirarka inuu u dhisay Dekeda Berbera. Iyadoo Maamulka dekedu hada uu ku shaqeeyo, xafiisyadaas oo u qalabaysan nidaam dawladnimo oo dhamaystiran ka muuqdo. Waxana markaad gudaha Dekeda Berbera gasho indhahaagu qabanayaan sarta dheer ee midabka Dahabka ah ee loo dhisay Maamulka Dekeda Berbera.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu la yimi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato, waxanu sameeyey dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera, oo hada ah mid ka dhisan Qalab ahaan, shaqo ahaan iyo aqoon ahaanba. Dekeda Berbera waxay maanta leedahay shaqaale xirfadoodu sarayso, qaarkood uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi kusoo tabo-baray dalka dibadiisa, sidoo kale waxay leedahay shaqaale lagu tabo-baray gudaha dalka oo weliba dhowr qaybood ah.
Geesta kale, waxa uu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi dardaar-geliyey, isla markaana geed-dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu u hirgeli lahaa Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera, waxanu ku sameeyey daba-gal iyo sidii kastoo Dekedaasi dalka ugu dhismi lahayd.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu shaqada Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera ku hayaa Kormeer joogto ah, kaasoo todobaadle ah, isla markaana ujeedka ugu weyn ee Maareeyuhuu yahay in dhaxal umada Somaliland u aydo ha u noqoto Dekeda cusubi.
Horumarka iyo himilooyinkaa dhismaha Dekeda cusub ee Berbera waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu noqday, Maareeyihii koowaad ee ay Mahadisay Dekeda Berbera, waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba, nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu u qabato Shacabka iyo ganacsatada dalka. La soco qaybaha dambe.
Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.
Hargeysa/Somaliland. Leave a comment |
|
Horumarka la Mahadiyey ee Ay Ku Talaabsatay Dekeda Berbera, Doorka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.
Horumarka la Mahadiyey ee Ay Ku Talaabsatay Dekeda Berbera, Doorka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.