Cadaalad daro:Cuqubo halkii lagu gallay caw ku hurudaa. Qalinkii Barkhad-ladiif M. Omar

0
Friday November 06, 2020 - 23:27:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaalad daro:Cuqubo halkii lagu gallay caw ku hurudaa. Qalinkii Barkhad-ladiif M. Omar

    Cadaalad daro:Cuqubo halkii lagu gallay caw ku hurudaa. Qalinkii Barkhad-ladiif M. Omar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadaalad daro:Cuqubo halkii lagu gallay caw ku hurudaa. Qalinkii Barkhad-ladiif M. Omar
Intii la xumay mulkiilaha Astaan ee Tv-giisiina la xayirey kama hadal, waxaana baadhayey siday wax u jiraan, waxaan ogaaday in dulmi lagula kacay oo rag damceen macaashka badan ee sanadkii uu helo, taas oo lagu qiyaasay inuu sanadkii u dambeeyey macaashay lacag ku dhow lixdan kun oo dollar. 
Ragga hawshan ka dambeeyaa ay yihiin ragii uu aaminay ee deegaan ahaan shareka ku siiyey. 
Sadex qodob baa lagu soo eedeeyey qodobka 199 wuxuu sheegaya faafin sir dawladeed ama xafiis, ma jirto xafiis dawladeed oo uu u shaqeeyey oo uu sirteedii faafiyey .
Qodobka labaad sharci daro ku furatay TV-ga, taasina wuu jabay oo sharcigii waa la hayaa wuuna haystaa. 
Qodobka sadexaad sharci daro ku soo gashay dalka, inkastoo reerkoodu dego dalka hadi aan tooda u raaco, miyaanay dambigaasi yeelanayn laanta socdaalka ee sharci la'aan ku soo daysay, isagu waaba soomaaliye oromadan  iska soo gasha maxa loo xidhi waayey, taasina waa marmarsiiyo. 
Hadii uu qofku dambi gallay macnaheedu maaha shirkadiisa dambi gashay,  maxa isku xidhay xadhigiisa iyo ka Tv-giisa,.
Arrimahani waxay inaga fogaynaysa dadkii ina maalgashan lahaa, kenya waxay dhaqaale badan ka hesha maalgashiga ganacsatada Somalida,  Jabuuti waxay raadisa in soomaalida lacagta leh dalkeeda yimaadaan oo waxay siisaa passporka, kililka shanaad waxa uu raadinaya soomaali maalgashata deegaankooda, sidaas darteed qof dan lihi yaanu ceebeen dalkan maalgashiga raadinaya, meesha dulmiga lagu sameeyaana barakada ka guurta aynu nabadgalino dadka ina aaminay.
Cuqubo halkii lagu gallay caw ku hurudaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured