TAMOOTIDII TRUMP IYO TUKHAAN-TUKHOOYINKII SOO DEDEJIYEY GUUL-DARADIISA. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Monday November 09, 2020 - 01:58:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAMOOTIDII TRUMP IYO TUKHAAN-TUKHOOYINKII SOO DEDEJIYEY GUUL-DARADIISA. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    TAMOOTIDII TRUMP IYO TUKHAAN-TUKHOOYINKII SOO DEDEJIYEY GUUL-DARADIISA. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TAMOOTIDII TRUMP IYO TUKHAAN-TUKHOOYINKII SOO DEDEJIYEY GUUL-DARADIISA. Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
Sida ay tibaaxayaa taariikhyahano ku xeel-dheer sooyaalka Taariikheed ee Maraykanka waxay cadeeyeen in madaxweynaha hadda Guul-daraystay ee  D.TRUMP uu toban ku yahay Madaxweynayaasha Maraykan soo maray ee guul-daraystay Termkoodii labaad arrintani Maaha wax fudud Madaxweyne Xukunka gacanta ku haya inuu ka guulaystay Murashax aan wax- badani gacanta ugu jirin oo Debed joog ahi, waana waxyaabo dhif iyo naadir ku ah xitaa wadamada la yiraahdo way  horumarsan yihiin, kuwa dunida Sadexaadna aan kaba dhicin, waxay is waydiintu tahay Inagoo ka tusaale qaadanayna Tan iminka horteena Taala ee Madaxweyne D.Trump Maxaa la odhan karaan waxay bud-dhig u yihiin guul daradiisa, dhacdo kasta oo aduunka korkiisa ka dhacdaa waa Casharo in la weeleeyo u baahan, haddaba aniga cabiraaya Caqligayga Gaaban waxaan jeclaystaystay inaan bal qodobo kow iyo laba aan ka iftiimiyo Sababaha haligay Madaxweynihii Aduunka ugu jees-jeeska badnaa :-
1.  Sideedaba Aduunyada Ma jiro Qof aan Cid la tashan waxaa lagu kala duwan yahay cid lala tashanayo
Midna wuxuu la Tashada ehlul Caqliga & inta Aqoonta u leh Arrimaha miiska yaal ee xalka u baahan , midna inta aan  Caqli & aqoon aan midna u Saaxiibka ahayn ee had iyo jeer iyagu raaligeliya uu Masuulka.
D. Trumpna wuxuu ahaa nooca talada ka qaata kuwa dambe.
2. Shaqsiga Masuuliyada hayaa waxaa ka xaaraana kibirka iyo inuu  cid walba ula dhaqmo qaab yasid ah ,Aduunyadana lama hayo cid kibirtay oo guul gaadhay, waana ta  alle inooga digay, Somaliduna hore ayey u tidhi ragow kibirka waa lagu jabaa kaa hala ogaado.
3. D.Trump wuxuu ahaa nin ganacsade ah oo keliya yaqaana Faa,iida macaashka lacageed, Dawladnimadiina wuxuu ugu dhaqmay qaabkii shirkadiisii oo kale Dawladnimaduna way ka facwayn tahay shirkad Macaash Samaysa, waxaana iska horyimi siyaasadii arrimaha debeda Ee maraykanka iyo Saaxiibadii ka dhexeeyey iyo Macaash raadiska uu yahay.
Haddaba iyadoo sidaa tahay waxaa jira qodobo i soo dedejiyey Guul-darada ku habsatay madaxweyne Trump  kuwaasoo aynu ka soo qaadan karno :-
A. Qaabka uu ula tacaalay Xanuunka faafaha Daran ee Aduunyada Naafeeyey Covid-19 Maraykankuna uu Safka hore ugu jiro wadamada uu Waxyeelada ba'an ku sameeyey, 
Taladii lagu kordhin lahaana uu diiday, iyadoo in badani Aaminsan tahay inuu naawilayey macaash uu ka Samayn doono Daawada uu soo saarayo,taasina ay tahay ta lumisay Masuuliyadii dadka maraykan ka saarnayd naftooda.
B. Waxaa iyana guul-darooyinkiisa soo dedejiyey midab kala sooca  uu beeray iyo kala qaybinta bulshada maraykan,Taasina ay ka hortimid dadka Maraykan oo lagu tilmaamo inay yihiin karbaashkii awrta oo kale muddo dheerna laysku soo kab-kabaayey xitaa marka taariikhdooda dib loo eego dhamayntood aanay ahayn dadkii dhulka lahaa ee ninba maalin yimi.
Waxaan jecelahay inaan inahaas ku soo koobo iyo inta aan malaynayoba waxaanan raacinayaa inaynu ka qaadano waxyaalaha wax ku oolka ah ee mawduucan ku jira waayo dhamaanteen waxaynu nahay Masuul,  Wa bilaahi Tawfiiq.
Kayd Cabdilahi Xandule 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured