DHAXANTA & MAXASTA HALA KALA GAADHO !! WQ: C/RISAAQ ABSHIR

0
Monday November 09, 2020 - 21:54:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAXANTA & MAXASTA HALA KALA GAADHO !! WQ: C/RISAAQ ABSHIR

    DHAXANTA & MAXASTA HALA KALA GAADHO !! WQ: C/RISAAQ ABSHIR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DHAXANTA & MAXASTA HALA KALA GAADHO !! WQ: C/RISAAQ ABSHIR

Waxaynu ku jirnaa xilliyadii dhaxanta aadka udarani ka dhici jirtay gobolada galbeed ee dalka , hadaynu nahay dadka hoyga leh ee ku hoyda guryahooda waxaynu la meeqaam nahay odhaah suugaaneedii ahayd 

"Ilayn nin daar ku jiraa

Daruur ma arkee 


Xalay ma roob baa da'ay" ?

Xaallada aynu ku jirno , waxa tu ka daran ku nool dad badan oon haysan  hu, hoy iyo cuntaba oo dhaxanta jiilaal tacdaro ugu dishay derbiyada Hargeysa  dadkaa qaarkood waa dad waayeel ah oo dhimirka wax ka qaba qaarkoodna waa da'yar derbi-jiif ah dhammaantood waxay ka siman yihiin gaajada , dhaxanta  iyo belwadaha ragaadiyay derbiyada kuma haystaan daryeelkii iyo baahiyihii aasaasiga ahaa ee bani'aadamka .

Xallada ay ku jiraan waa 

Cirkana way huwadaan 

Dhulkana way gogladaan

Dhuunina waxa u ah 

Dhadhamada garaabada & koolada 

Waxa aynu ku jirnaa xilli xanuuno  inta la ogyahay aan dawo lahayni ay aduunyada halakeeyeen , weliba dadkaasi waa dad u nugul xanuunada maanta ka jira dalkeena iyo aduunka oo dhan waxaana haboon inaynu dawladd, shicib & ganacsatoba u dhugyeeelano dadkan aan haysan hoyga ee derbiyada dhaxanta jiilaal ku haleesho.

Dadkan darbi-jiifka ahi waa qayb kamida bulshadeena oo la rafiiqay belwadaha, gaajada iyo silica iyo saxariirka jidadka iyo derbiyada magaalooyinka gaar ahaan magaalada Hargeysa .

Akhriste bal suurayso maskaxdaadana ku sawir qof da' weyn amaba da' aad uyar ah oo dhaxanta , siigada, qorraxda, gaajada iyo hu la'aantu ku haleesho meel aan ka dheerayn halka aad ku haysato nolol hagaagsan oo intaas oo dhanba ka bed-qabta 

Waan ogahay inaad ka xumaan lahayd dhibaatadaa waxa ummad  ahaan inala gudboon inaynu u kacno dadkan oo hu , hoy, cunto, iyo daryeel caafimaadba aynu ugu kaalmayno dadkeena jilicsan .

Diinteena Islaamku waxay ina faraysaa inaynu kaalmayno dadka jilicsan , isla markaana aynu ugargaarno dadka noocan ah oo inaga inaga mid ah .

Alle SWC waxa uu yidhi" Markaad arlada iskaga naxariisataan ayaan ana samada idiinka naxariisanayaa"

Xusuusnow ilaahay uma uu waayin hoy, hu , cunto ku filan iyo nolol ku finba balse inaga ayaa laynagu eegayaa oo waa imtixaan rabi.

Hadii qof kastaaba , waxa uu awoodo uu ku kaalmeeyo dadkeenaa aynu soo sheegnay bal qiyaas liibaanta aynu umad ahaan gaadhi lahayn , ka ugu yari hadii uu hal koodh/buste/furaash ku caawiyo miyaanay ahayn in wax laga xaliyay  dhibaatadii iyo duruufihii dadkaa ku gedaamnaa .

Hadii adiga akhriste ahi iyo aniguba aynu gacmaha isku qabsan weyno kaalmaynta dadkaa darbi-jiifta waa ayaan daro weyn ee aynu taageerno dadkeenaa haday noqon lahayd dawladd , shacab, ganacsato & qurba-joogba waar hooy dadkeenaa hala ogaado oo halooga gargaaro dhaxanta , qorraxda, gaajada & belwadaha silica ugu dilay suuqyada .

   W/Q: C/risaaq Abshir 

   Hargeysa, Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured