JAMHUURIYADDA SOMALILAND: WAA QARAN GUULAYSTAY. Qalinkii Xuseen Aadan Cige Dayr.

0
Wednesday November 11, 2020 - 20:24:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JAMHUURIYADDA SOMALILAND: WAA QARAN GUULAYSTAY. Qalinkii Xuseen Aadan Cige Dayr.

    JAMHUURIYADDA SOMALILAND: WAA QARAN GUULAYSTAY. Qalinkii Xuseen Aadan Cige Dayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JAMHUURIYADDA SOMALILAND: WAA QARAN GUULAYSTAY. Qalinkii Xuseen Aadan Cige Dayr.
Jamhuuriyadda Somaliland waa QARAN HANAQAADAY oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo nabad, degenaansho, horumar, dimuqraadiyad iyo dawlad wanaag, sidaana ku soo caano-maalay sodonkii sano ee ugu dambeeyey! Waxaa inoo dhisan Qaran ay u dhamaystiran yihiin dhammaanba kaabayaashii lagama-maarmaanka u ahaa dawladnimada, wada noolaanshaha bulshada, sugidda amniga iyo nabadda dadka iyo dalka.


Xilligan aynu ku jirno, waxa si weyn u muuqda hadimooyinka iyo hagar-daamada qorshaysan ee ka dhanka ah qarannimada iyo gooni-isutaagga Jam. Somaliland. Ummadda Jam. Somaliland waxay si cad u ogyihiin inay jiraan Wadamo iyo Kooxo iyagu dano gaar ah leh oo iyagu hadh iyo habeenba ku hawlan sidii ay u carqaladayn lahaayeen Somaliland, ha noqoto xagga nabadgelyada, dhaqaalaha, horumarka iyo siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo ta Arrimaha Dibeddaba. 

Dawladda iyo shacabka Jam. Somaliland waa ummad iyagu isku tashaday, kana tashaday in ay cid kale u daba fadhiistaan danahooda! Ha noqoto Beesha Caalamka ama kuwa iyagu aaminsan in Cadaadis iyo Caga-juglayn lagu muquunin karo Jam. Somaliland, ha ogaadaan in aanay marnaba iyagu go’aanmin karin, kana talin karin XAQA AAYA-KA-TASHIGA iyo arrimaha MASIIRIGA AH ee ay leeyihiin ummadda Jam. Somaliland. 

Haddaba, hadii aynu nahay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland sida keliya ee aynu kaga bedbaadi karno waxyeelooyinka iyo hagardaamooyinka qorshaysan ee ka dhanka ah Qarannimada Somaliland ee ay wadaan Beesha Caalamka iyo kooxaha ay ku adeegtaan waxa weeyi afarta (4) arrimood ee soo socda:

1. Inagoo ummad ahaan isku duuban (muxaafid iyo mucaaridba), waxa inagu waajib ah in aynu u midowna danta guud ee Qarankeena, in aynu ka midowno quluubta iyo qarannimada, in aynu danta guud ee ummadeena ka horraysiina dano ay leeyihiin ashkhaas iyo kooxo gaar ahi;

2. In aynu kobcino dareen-wadareedka bulshadeena mideeya ee ku dhisan qarannimo iyo bulsho wax wada leh, sidoo kalena aynu la dagaalano dareenka qabyaalada oo ku salaysan bulsho kala qaybsan oo aan waxba wada lahayn;

3. In aynu ummad ahaan u diyaar garowno sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn fursadaha inooga bannaan isbedelladaa xawliga ku socda ee haatan ka socda Caalamka xag Dhaqaale, xag Horumar, xag Isteraatijiyadeed iyo xag Siyaasadeedba;

4. In aynu ummad ahaan u diyaar garowno sidii aynu uga bedbaadi lahayn waxyeelooyinka inaga soo gaadhi kara hirdanka iyo ged-gedoonka Siyaasada Caalamka ee waqtigan xaadirka ah ka socda dacalada dunida, si gaar ahna ugu wajahan mandaqada Geeska Afrika; 

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured