Ballan qaadkii beenoobay!. Qalinkii Maxamed Sidiiq Dhamme xoghayaha arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani

0
Thursday November 12, 2020 - 17:11:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ballan qaadkii beenoobay!. Qalinkii Maxamed Sidiiq Dhamme xoghayaha arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani

    Ballan qaadkii beenoobay!. Qalinkii Maxamed Sidiiq Dhamme xoghayaha arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ballan qaadkii beenoobay!. Qalinkii Maxamed Sidiiq Dhamme xoghayaha arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani
1: Ballanqaadkii  ahaa in xorriyadda muwaadiniinta la dhawraa ma hirgelin, qofka loo baahdo ee ay dhibsato xukuumaddu isaga oo aan loo marin waddo sharciya ayaa la qafaashaa oo la xidhaa, hadhawna lagu soo daayaa bilaa sabab sida neefka xoolaha ah. Xisaabi inta muwaadin ee la xidhay saddexdaa sano? Markasta qofbaa xadhig macno darro ah ku waaya xorriyadiisa oo aan la xaq  dhawrin dastuurka.
2: Saddexdaa sano qof musuq loo maxakamadeeyay ma jiro, musuquna waa halkiisi waxaaba hadda la tolay kiish weyn. Bishii tobnaad waxa la loo xidhay musuq laba shaqaalaha Dawalada Hoose Gabiley, markii musuqu galay Maayarka waxa la joojiyay dacwaddi labadii inanna waa la soo daayay. Boorama waxa lasii daayay eedaysanayaa kale oo ku eedaysan nusmalyan dollar markii musuqu galay Maayarka waa la joojiyay. Hanti dhawrku dhawr baadhis uu sameeyay natiijo kama dhaln.
3: Cadawga u weyn ee Somaliland waa caddaaladaro, sinnaan la'aan iyo in aan la ixtiraamin shuruucda, cadawga Somaliland waa kala faquuq, furfurnaan iyo in aan la midayn ummadda ee loo kala abtiray taasina waa shaqada u weyn ee xukuumaddu qabatay saddex sano. Waxa lagaga dhawaaqay dalka gudihiisa Laba jabhadood, sababteeduna ahayd caddaalad darro.


5: Shaqo abuur iyo mashaariic dhallinyarada loogu abuuro rejo lama hirgelin, sannad kasta waxa Jaamacadaha ka qalin jabiya kumannaan dhallinyara oo aan loo samayn mustaqbal iyo jihayn dawladnimo. Waxa la sheegi karo waxa hirgalay mashruuca shaqo qaran oo aan dabooli karin baahida shaqo la'aan. Waxa shaqo la' dhallinayaro badan, waxa weli taagan aafadi tahriibta oo aan xal loo helin waxaana hor taal xukuumadda in ay shaqo abuur samayso oo ay jihayso dhallinta.

4: Diinteenna Iskaamku waa mid illaashan oo ummaddu ay dhawrto qiyamkeeda, waxaana boogaadin mudan culimada is xilqaantay ee wacdiga iyo waanada innola joogta, golihii culimada in la sameeyo waa lagu guul daraystay illaa hadana lama samayn. 

6: Ictiraaf raadkii iyo xidhiidhkii caalmaku waxa innoogu danbaysay hadal hayntiisa muddo hore. Madaxweynuhu saddexdaa sano afar dal ayuu booqday Jabuuti, Itoobiya imaaradka iyo Gini. Xidhiidho midho dhal leh may soo kordhin waxaan ka ahayn xaqul qalin iyo dillaalin dano gaara lagula shuraakoobay.

7: Nidaam dhaqaale oo furfuran lama hirgelin saddexdaa sano, wax soo saarka dalka lama maal gelin mana jiraan beeralay la taageero, maalinta jidkaa Itoobiyo xidhmo waxa laga dareemaa sariibadaha qaaliga khudaarta. Ayaxii iyo siidh aan tayo lahayn ayaa Beeraha baabiiyay oo aan illaa hadda wax jawaaba laga bixin. Baahi weynbaa loo qabaa dhiirigelinta iyo dhinac istaagga beeralayda.

8: Adeegyada bulshadu weli waa qaar liita, Hargaysii sidii ayay u haraadantahay, caafimaadkii sidii ayuu u liitaa waxba lagama qaban guud ahaan dalka, waddooyin cusub oo soo kordhay ma jiraan waxaan ka ahayn Jidkii Ceerigaabo oo weli qabyo ah. Dhammaan adeegyada bulshadu waa lacag, naafada wax taageero ah lama siin, saboolnimada xukuumaddu lamay dagaalamin muddada ay joogtayna dhaqaalo xumidu waxay barakicisay dad badan waxaana xidhmay boqollaa ganacsi.

9: Xukuumadda Biixi may abuurin nidaam iyo sanduuq lagaga hor tago masiibooyinka dabiiciga ah, waxa u danbeeyay qaadhaankii COVID-19 ee ganacsatadu u kacaday. Somaliland hal-mashuur oo guulaystay saddexdaa sano kama hirgelin, waxaan ka ahayn shaqo qaran oo weli socda. Xukuumaddu ma sheegi karto hal mashruuc.

10: Sarraynta sharciga may suuragelin xilna xukuumaddu iskamay saariin, caddalaad darradu waa halkeedii dulmiguna waa mid maalin kasta ka dhaca dalkeenna. Laamaha garsoorku weli may helin madaxbannaani, waxaan dhaca xukunno dhan ka raran oo aan farxad gelin bulshada si dhabana daaha uga fayda nidaamkeenna garsoor.
Qalinkii Maxamed Sidiiq Dhamme. 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured