RADIO-HARGEYSA & WARBAAHINTA KALE EE DAWLADDA JSL OO KAALIN LIBAAX KA QAATAY , TEBINTA TARTANKA CIYAARAHA. Qalinkii dhagayste/daawade;-C/risaaq Abshir

0
Monday November 16, 2020 - 18:17:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RADIO-HARGEYSA & WARBAAHINTA KALE EE DAWLADDA JSL OO KAALIN LIBAAX KA QAATAY , TEBINTA TARTANKA CIYAARAHA. Qalinkii dhagayste/daawade;-C/risaaq Abshir

    RADIO-HARGEYSA & WARBAAHINTA KALE EE DAWLADDA JSL OO KAALIN LIBAAX KA QAATAY , TEBINTA TARTANKA CIYAARAHA. Qalinkii dhagayste/daawade;-C/risaaq Abshir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RADIO-HARGEYSA & WARBAAHINTA KALE EE DAWLADDA JSL OO KAALIN LIBAAX KA QAATAY , TEBINTA TARTANKA CIYAARAHA. Qalinkii dhagayste/daawade;-C/risaaq Abshir

Agaasime ku-xigeenka Radio-Hargeysa ahna saxafi cabqari ah oo muddo dheer ka hawl-galayay idaacadda , Mudane Maxamed Siciid Muxumed ayaan ka qoray weedh dhaxal-gal ah oo ahayd " Radio-Hargeysa xaallad kasta oo jirta waxay qaadataa doorkeeda kaga aadan" . Run ahaantii waa dhab hadalkaasi Radio-Hargeysa oo ah Hooyada iyo Aasaaska war-faafinta afsoomaaliga ku hadasha ayaa xaallad kasta iyo marxalad kasta oo markaa lagu suganyahay ka hadasha kana haqab-tirta dhegeystayaasheeda arrimaha taagan.

Ka sokow in ay idaacaddu baahiso warar iyo barnaamijyo dhexdhexaad ah oo ubadan arrimaha bulshada dhegeystayaasha ah noloshooda taabanaya ee ay kamidka yihiin :–Caafimaadka , Xanaanada Xoolaha , Kalluumaysiga , Beeraha , Waxbarashada, Deegaanka, Diinta, Fanka & suugaanta, Mada'daalada  iyo barnaamijyo kale had iyo jeer idaacaddu waxay diirada saartaa inay dhagaystayaasha la socod siiso mar kasta xaalladaha kala geddisan ee lagu  lagu sugan yahay iyadoo doorkeeda wacyigalinta ah usoo gudbisa bulshada iyadoo ugu hoga tusaalaysa dhegeystayaasha suugaan iyo barnaamijyo ka hadlaya oo khuseeya kolba xaalladaa taagan ee laga waramayo  wacyigeeduna socdo.


Ka hadalka arrimaha taagan waa mid ay Radio-Hargeysa lasoo jaanqaaday , iyadoo aynu ka xusi karno arrimo badan oo qarankeenu ku suntanyahay inay kaalin libaax ka qaadatay sida halgankii Gobonimo-doonka ee Somaliland Xorriyadeeda  kaga hantiday Boqortooyada Ingiriiska , Halgankii dib-u-lasoo noqoshada Madaxbanaanida JSL , Hub-ka dhigistii , Shirarkii salka loogu dhigay Nabada JSL ku caan baxday , Tartanada kala duwan ee Quraanka kariimka iyo kuwa ciyaaraha .

Maxaa ugu danbeeya Xaaladihii uu keenay xanuunka aduunka halakeeyay ee Crona-Virus waa la ogaa in Radio-Hargeysa iyo warbaahinta kale ee dawladdu Masuuliyad weyn degta uriteen , kana soo baxeen.

28/10/2020 ayaa garoonka Hargeisa Stadium laga bilaabay tartanka ciyaaraha gobolada JSL waxaana lasoo gabgabeeyay maanta 16/11/2020 halkaasi oo ay ku kala calaf qaadeen xulalka usafta gobolada Somaliland oo ay Final isugu soo hadheen Maroodi-jeex iyo Daad-madheedh guushuna ay ku raacday Xulka gobolka Daad-madheedh.

Waxaan bogaadin udirayaa warbaahinta dawladda JSL oo ay ugu horeeyaan Radio-Hargeysa iyo Television-ka Qaranku SLNTV oo dhab ahaantii si dhexdhexaadnimo ah oo hufan usoo tebinayay tartanka ciyaaraha gobolada si gaara waxaanu hanbalyo ugu dirayaa madaxda iyo shaqaalaha waaxda idaacaddaha ee Radio-Hargeysa oo iyagu aan ka tagin intii ugu muhiimsanayd baahinta duhurnimo waa barnaamijka Tafsiirka Quraanka Kariimka ah oo dad fara badani kala socdaan kana bartaan Tafsiirka Quraanka , waxaan mar labaad ku hanbalyaynayaa Madxda  waaxda idaacaddaha oo ay ugu horeeyaan Agaasimaha Radio-Hargeysa Mudane Xasan Maxamed Yuusuf , Ag/ku xigeenka Maxamed Siciid , shaqaalaha iyo dhallinyaradii cod karka ahayd ee tebinayay ciyaaraha.
Yaanan ka tagin SLNTV oo habeen kasta si toosa usoo gudbinayay tartanka kubada pasket-ka  waan ugu hanbalyaynayaa Hawl-wadeenada SLNTV sidoo kalena  aad u'dedaalay laf-dhabarna u'ahaa tebinta ciyaaraha ee fogaan-araga .
Way mudan tahay in dadka heeganka inoo ahaa aynu umahad celino waayo (Ruuxaan Aadmiga umahad naqin , Allena SWC uma mahad naqo)
(Radio-Hargeysa Codka Jamhuuriyadda Somaliland)
W/Q: dhagayste/daawade;-C/risaaq Abshir.
 Hargeysa, Somaliland
Crisaaqabshir81@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured