Taliyaha Xaafada Sheekh Nuur Nimcaan Maxamed oo Dib-u-dhisku Sameeyey Saldhiga, Guulo Amni, la Dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Sugida Cadaalada oo u ku Talaabsatay Mudo kooban... Warbixin.

0
Tuesday November 17, 2020 - 18:29:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Xaafada Sheekh Nuur Nimcaan Maxamed oo Dib-u-dhisku Sameeyey Saldhiga, Guulo Amni, la Dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Sugida Cadaalada oo u ku Talaabsatay Mudo kooban... Warbixin.

    Taliyaha Xaafada Sheekh Nuur Nimcaan Maxamed oo Dib-u-dhisku Sameeyey Saldhiga, Guulo Amni, la Dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Sugida Cadaalada oo u ku Talaabsatay Mudo kooban... Warbixin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Xaafada Sheekh Nuur Nimcaan Maxamed oo Dib-u-dhisku Sameeyey Saldhiga, Guulo Amni, la Dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Sugida Cadaalada oo u ku Talaabsatay Mudo kooban... Warbixin.
Guud ahaan Ciidamada Booliska Somaliland, waa kuwo hadh iyo habeen heegan u ah, ilaalinta amniga Magaalooyinka Somaliland. Sidoo kale, waa kuwo la dagaalama dhaqan xumo kasta, sida maandooriyaasha xun-xun ee ay kamid yihiin Darooga iyo khamriga.
Haddaba maanta qormadan kooban waxaynu kaga hadlayna mid kamid ah, Taliyaasha saldhigyada Magaalada Hargeysa oo Muujiyey isbedel iyo horumarin dhinaca waxqabadka iyo shaqada uu qaran u hayo.
Taliyaha Xaafada Sheekh Nuur Nimcaan Maxamed Jaamac, waa sarkaal la saaxib ah Bulshadiisa, isla markaana waxa uu dib-u-dhis iyo dayactir ku sameeyey Saldhiga Xaafada Sheekh Nuur, isagoo dhisme cusub iyo Dayr Siliig ah ku wareejiyey qaybta maxaabiista Saldhiga Xaafadaas, talabaadas oo ay qaybaha Bulshada ee xaafadaas iyo Ciidamada Booliska saldhiguba ku boggaadoyeen Taliye Nimcaan Maxamed Jaamac. 
Sidoo kale, Taliye Nimcaan Maxamed Jaamac waxa uu kamid ahaa Saraakiisha ama Taliyaashii sugaayey amniga Ciyaaraha Gobolada dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee lasoo gabo-gabeeyey, isla Markaana waxa uu kamid ahaa ashkhaastii ugu shaqada badnaa, isagga iyo Saraakiisha kalee Ciidamada Booliska Somaliland oo u ugu horeeyo Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo guuto Maxamed Saqadhi Daba-gale. 
Taliye Nimcaan Maxamed jaamac Madar, waxa uu guulo-waaweyn kasoo hooyey sugida amniga Xaafada Kiliilka, isla markaana waxa uu meesha ka Saaray dhalinyaraddii kooxo-kooxo isku dili Jirtay, isagoo xaafada ka dhigay mid amni ah Saacad walba. Sidoo kale waxa uu Taliye Nimcaan Maxamed jaamac Madar ka dabar-gooyey kooxihii budh-cada ahaa dadka baadhan jiray.
Waxa kaloo uu Taliye Nimcaan Maxamed jaamac Madar si weyn ula dagaalamay dulmiga iyo sidoo kale waxyaabaha la xidhiidha mukhaadaraadka.
Qaybaha Bulshada ee Xaafada Sheekh Nuur waxay si weyn ugu bogaadiyeen Taliye Nimcaan Maxamed jaamac Madar, inuu yahay sarkaal cadaalad ugu adeega Bulshada, isla markaana la dagaalama aafada laaluushka iyo eexda.
Geesta kale waxa uu Taliye Nimcaan Maxamed Jaamac uu saacad walba heegan ugu jiraa inuu goob kasta oo dhibbaato ka dhacdo, sida gubashada Guryaha iyo xaalad amni iyo weliba dhacdo kastoo la xidhiidha amniga ama caawinta Bulshada waa sarkaal heegan buuxa ugu jira goor walba.
Laba xidigle Nimcaan Maxamed jaamac, waxa uu baal Dahab ah kaga jiraa shaqsiyaadka kooban ee kor u qaaday sumcada Ciidamada Booliska Somaliland, waxanu qayb ka yahay isbedelka ka muuqda Ciidamada Booliska tan iyo mudadii uu hoggaanka guud ee Ciidamada Booliska Somaliland noqday Taliye Maxamed Saqadhi Daba-gale.
Taliye Maxamed Saqadhi Daba-gale, uu ku guulaystay inuu soo celiyo kalsoonidii iyo sumcadii Ciidamada Booliska Somaliland ku dhex lahaayeen Bulshada, Kadib markii uu dib u habbeeyn Balaadhan ku sameeyey Ciidamada iyo Laamaha amni ee Qaranka Somaliland, waxaanan ku boggaadinaynaa Taliye Daba-gale inuu Taliyaasha Saldhigyada Caasimada iyo gobolada dalka uu ka dhigay Masuuliyiin Bulshada kasbada, isla markaana ka dheeraada wax kastoo wax u dhimaya sharafta iyo kaaramada Ciidamada Booliska Somaliland.
Guntii iyo gebo-gebadii waxaan Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Daba-gale, ku boggaadinaynaa inuu Taliye Nimcaan Maxamed Jaamac oo ah sarkaal Aqoonyahan ah, isla markaana masuul sumcada Ciidamada Booliska Xaafada Sheekh Nuur Bulshada ku lahayd kor usoo qaaday u Keenay qaybaha Bulshada ee xaafadaas ku nool. Ha guulaystay Ciidamada Booliska Somaliland meel kastoo ay joogaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured