Hirgelinta Mashaarico Horumarineed Iyo Guulaha Diblumaasiyadeed ee u Hirgalay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed...

0
Friday November 20, 2020 - 18:32:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirgelinta Mashaarico Horumarineed Iyo Guulaha Diblumaasiyadeed ee u Hirgalay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed...

    Hirgelinta Mashaarico Horumarineed Iyo Guulaha Diblumaasiyadeed ee u Hirgalay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hirgelinta Mashaarico Horumarineed Iyo Guulaha Diblumaasiyadeed ee u Hirgalay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed...
Jabuuti(Xogreebnews)-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa guulo Siyaasadeed iyo wanaajinta cilaaqadka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti ku guulaystay tan iyo mudadii uu ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti. 
Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, waxa uu ku guulaystay inuu labada wadan, Iska kaashadaan hirgelinta Mashaarico Horumarineed, oo laga fulinaayo deegaanada Somaliland Bari iyo galbeed. Todobaadkii lasoo dhaafay Safiir Cabdifatax Siciid Axmed iyo Wasiirka xanaanada Xoolaha, Kaluumaysiga, Beeraha iyo Biyaha dalka Jabuuti Md. Maxamed Axmed Cawaale, ayaa safar shaqo ku yimi Somaliland, iyadoo halkaasna labada dawladood ku kala Saxeexdeen Heshiis ku saabsan hirgelinta Mashaarico Horumarineed, ku saabsan dhinacyo badan, kuwasoo ay kamid yihiin hirgelinta Ceelal Biyood, laga qodi doono Deegaano kala duwan oo ku yaala gudaha Somaliland.
Sidoo kale, Mashaaricdaas, waxa kamid ahaa tayeynta xaga Beeraha iyo weliba la dagaalanka aafada Ayaxa oo faro baas ku haya Beeralayda Somaliland. Waxa kaloo kamid ahaa Mashaaricda uu gadhwadeenka ka ahaa Safiirka iyo dawlada Jabuuti, mashruuca waxsoo-saarka milixda ee Deegaanka Toqoshi, iyadoo sidoo kalena dadka Deegaankaas ee milixda ka shaqeeya xirfadooda kor loo qaadi doono.
Waxa kaloo mashriicda labada dal iska kaashan doonan kamid ah, mashruuc muhiim ah, kaasoo Biyaha Bada lagaga xidhi doonno Magaalada Saylac, sidoo kalena Magaalada Saylac laga dhisi doono Deked kaluumaysi, taasoo kaluumaysata Deegaankaas u sahlaysa inay Horumar sameeyaan.
Geesta kale, dedaalada iyo tis-qaadka Diblumaasiyadeed ee Somaliland uga soo kordhay Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa ku suntan Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas Amb. Cabdifatax Siciid Axmed iyo labada Madaxweyne ee labada Dal Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Ismaacil Cumar Geelle, oo la yimmi cilaaqaad toosa oo Diblumaasiyadeed oo meeqaamkiisu sareeyo.
Isbedelada Siyaasadeed ee Geeska iyo firfircoonida Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, waxay Safaarada gaadhsiisay inay la meeqaam noqoto, saafaradaha kale ee dhigeeda ah, iyaddoo loola macaamilo qaab isku derejo ah, oo aan kala hooseyn, sidii hore u jiri-jirtay, waana waxqabad uu la yimmi Safiirka Somaliland ee Jabuuti.
La soco qaybaha dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured