DOORKA SHIBBANEYAASHA LABANLAAMA. Qore: C/risaaq Abshir ...Q: 1aad

0
Saturday November 21, 2020 - 01:19:04 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DOORKA SHIBBANEYAASHA LABANLAAMA. Qore: C/risaaq Abshir ...Q: 1aad

    DOORKA SHIBBANEYAASHA LABANLAAMA. Qore: C/risaaq Abshir ...Q: 1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DOORKA SHIBBANEYAASHA LABANLAAMA. Qore: C/risaaq Abshir ...Q: 1aad
Afkeennu sida afafka kale kama maarmi karo xeerar iyo qawaaniin dhigaalladiisa loo raaco.Guddidii qoraalka farteenna ayaa 1972-kii ayaa beyaamisay kuwa ugu muhiimsan 
Xeerarkaas shibbaneyaasha labanlaama ayaa kamida xeerarkaas .
Inkasta oo qaar kalena jiri karaan hadana sida guddidaas afka soomaaligu isku raacday toddoba kamida shibbaneyaasha afkeennu way labanlaabmi karaan .Tilmaan toddobadaas shibbane waxa lagu baadi-soocaa labadan hawraarood .
MANA LA GARAAD BAA 
BADAR GALAAMAYN 
Sida muuqata toddobadaa shibbane ee labanlaamaa waxay kala yihiin sida ay alfa-beetada ugu kala horreyaan:
b d r g l m n(B D R G L M N) 
Mar kasta shibbaneyaashaasi ma labanlaami karaan, hase yeeshee waxa lama huraan ah in marxaladaha qaarkood la labanlaabo haddii kale la galayo khaladaad waaweyn oo mararka qaarkood dhiillo culus ah marka xagaafka lays qaadsiiyo een ab iyo isir midna loo eegin .
Tusaale ahaan waxa marar bafan lala kulmaa war sidan u dhigan:- 
" Caasha waxa loo magacaabay wasiirad caafimaadka , Golaha wasiiradu waxay ka kooban yihiin sagaal raga iyo haweenaydaas."
Caashi waa wasiirad, marka qoddobka ″da″ la raaciyo waa in ay noqotaa :- Wasiiradda .Hadii aan sidaas loo qoro wasiirada  waxay noqonaysaa wadartii ama jamacii Wasiir oo weli isna khalad kusii jiro oo sida saxani tahay WASIIRO ==WASIIRRADA
Qaybta labaad ee warkeenna oo ku saabsan waaiirrada oo dhan waxaynu u qornay wasiirada oo dhawaaq ahaan eraygu jabnaanayo hadii aan xarrafka ″r-da″ carrabka lagu adkayn ama la shedin , waxaana sax ah in loo qoro ″Wasiirrada″ sida aynu xagga sare kusoo taabannay waxa taas u dhiganta labka iyo dheddiga Wakiil.Wakiilad X Wakiil.
Wakiiladda oo ah haweenay waxa qoraalkeedu ka duwan tahay wadarta Wakiil oo ah Wakiillo oo marka qoddobka la raaciyo u dhigmaysa Wakiiladda iyo Wakiillada.
Tusaale kale:-
Bog waxa uu mar la macne yahay xaashi ka mida buugga, mar kalena waa xubin kamida jidhka gudaha aadanaha ama xoolahaba.Haddii qoddob la raaciyo waxa ay noqonaysaa Bogga , haddii aynu labanlaabkaas ka il-duufno waxa soo baxay Boga oo ah hal magaceed (BOGA) Hashaydii boga boggaa laga hayaa X  Hashaydii boga bogaa laga hayaa .
Laban laabka ayaa kala duwaya sidaas oo kale macnayaasha ereyadan soo socdana:


Carab carrab la' ayaa carruurta la cayaarayey markii cali kubbadda uu cabdi kubada kaga dhuftay .Cabdi weli kubbadaa xanuunaysa ka dib markii ay kubbaddu ka haleeshay .
KUBBADDA x KUBADA 
Sallaan buu fuushanaa markii Cali uu salaan wacan na siiyey .
SALLAAN x SALAAN 
Cadaawe iyo Caddaawe waa laba walaalo ah.Cadaawe waa axmaq aan naxariis lahayn, Caddaawe se ha iska caddaado'e waa mayeedhaan .
CADDAAWE x CADAAWE 
Durdurrada xajiinta leh durdurada ku dhaafa.
DURDURRADA x DURDURADA 
Dhammaan caanaha way dhamaan .
DHAMMAAN x DHAMAAN 
Barre waa bare Afsoomaaliga dhiga.
BARRE x BARE 
Ammaan-darradu meelna caalamka amaan kama aha ee waa xumaan .
AMMAAN x AMAAN
In marka Shibbanuhu labanlaabmayo la gartaa waa wax fudud.Dhawaaqa ayaa dhegta iyo Carrabkuba dareemi karaan oo lagu kala saari karaa in ninka Carabka ah ee reer Masar ama Ciraaq iyo xubinta jidhkiisa ka midka ah ee Carrabku ay ku kala duwan yihiin xarafka ″r-da″ ee xubinta jidheed ee Carrab oo hadii Shedku ka baxo ay noqonaysaa nin ama haweeney Carab ah.
La soco qaybo kale .....
Tix:..
Waxaan idiinka soo xulay casharo uu hore noogu dhigay AHN Qoraa & Murti-dhaadhi Maxamed Baashe X Xasan . 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured