Nacdasha Waxa Isku Rida Nin Xaaskiisa Ku Eedaynaya Gogol-dhaaf, Maragna Aan Haynnin!. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr.

0
Saturday November 21, 2020 - 02:34:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nacdasha Waxa Isku Rida Nin Xaaskiisa Ku Eedaynaya Gogol-dhaaf, Maragna Aan Haynnin!. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr.

    Nacdasha Waxa Isku Rida Nin Xaaskiisa Ku Eedaynaya Gogol-dhaaf, Maragna Aan Haynnin!. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nacdasha Waxa Isku Rida Nin Xaaskiisa Ku Eedaynaya Gogol-dhaaf, Maragna Aan Haynnin!. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya aaskii Marxuun Cumar Carte Qaalib ayaa shalay naclad ku riday dad uu ku sheegay inay hafraan Marxuunka uu aaskiisa joogay iyo waalidkoodba. 

Ma rumaysan in hadalkaasi run yahay illaa dhawr jeer aan daawaday. Yaa? Yaa? Waxa madax martay cadho aanan garan karin halbeeggeeda. Sidii jinaca ayuu is-cunay isaga oo fagaare taagan, waxaanu ku guuldarraystay in uu caadifaaddiisa maamulo.


Kitaabka Quraanka ah ayaan ka eegay aayado fasaxaya in qofku naclad rido haddii ay ka fursan weydo. Keliya waxay bannaan tahay mar uu ninku sheeganayo ceeb/galmo afadiisu ku kacday, oo uu marag kale u waayay. Mar ay saxaabi iyo ooridiisu isku jiq noqdeen oo arrinku adkaaday ayay soo degeen.

Aayadaha 6-7 ee suuradda Nuur ayuu Eebbe ku caddeeyay in ninka xaaskiisa ku eedeeya in uu ku arkay gogol-dhaaf/sino, isla markaana markhaati naftiisa dhaafsan aan haynnin in afar jeer lagu dhaariyo magaca Eebbe in uu run sheegayo.

Marka shanaad ayaa lagu dhaarinayaa in lacnadi korkiisa (sayga eedeeyaha ah) ahaato haddii uu beenaale yahay. Haweenayda dhaleecayntaas diiddaana afar jeer oo magaca Alle ah iyo mid cadho Eebbe ah ayay isku barraxaysaa, sidaas ayaanay ku kala tegayaan.

Ma arkin meel diinta ka mid ah oo oggolaanaysa inaad naclad ku riddo xitaa waalidka qof aad gef ka tirsatay, waayo qudhina qudh kale dembigeed ma qaaddo. Annaga ayaaba nala maagaa haddii aanu soo hadal qaadno ubad uu Madaxweynuhu dhalay oo iyagu addinkooda iyo afkooda ku edyadooda.

Walaw uu huwan yahay karaamadii qaranka; ma garan karo cid raalli ka ah in uu Madaxweynuhu ku metelo af-legaaddada noocaas ah. Haddii uu diiday in uu khubad qoran jeediyo, waxa habboon in uu ka fiirsado weedha ka baxaysa. Taariikhda Marxuun Cumar Carte Qaalib oo uu si fiican uga hadlo ayaa ku filnayd.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa qof dadyaqaan ah, laba jeer oo aan laba qof wax ka weyddiiyay, ahna labada xilli ee aan gaar ula kulmay (2011 iyo 2013) si waafi ah oo aftahamo leh ayuu iigu warceliyay. Waxa foolxumo ah caadaysiga hadallada dhacdhaca ah, isaga oo xasaanad sita.

Goorma ayaa la oggol yahay in aad qof iyo waalidkiiba lacnad ku riddo?


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured