Dawlada Norway Oo Ka Hadashay Nin Dhalasheeda Haysta Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Xukuntay Dil.

0
Saturday November 21, 2020 - 20:29:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Norway Oo Ka Hadashay Nin Dhalasheeda Haysta Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Xukuntay Dil.

    Dawlada Norway Oo Ka Hadashay Nin Dhalasheeda Haysta Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Xukuntay Dil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Norway Oo Ka Hadashay Nin Dhalasheeda Haysta Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Xukuntay Dil.

Oslo(Xogreebnews)-Dawladda Norway ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay muwaadin reer Somaliland ah oo dhalasheeda haysta oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay dil.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Norway Ragnhild Simenstad ayaa Warbaahinta Norway Today u sheegay in Wakiilka Somaliland ee Norway doonayaan inuu ballan deg-deg ah uga sameeyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, si uu ugala hadlo Muwaadinkan u dhashay Norway.


Ninkan u dhashay Norway oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay dil, ayaa lagu eedeeyay inuu sannadkan gudihiisa nin ku dilay Magaalada Hargeysa.

Gar-yaqaan u doodaya Ninkan Farid Bouras ayaa sheegay inuu xidhiidh la soo sameeyay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) "Waan la hadlay Wasiirka, waxaanu sheegay inaanu xukun kama dambaysa ahayn in Ninkan eedaysanaha la dili doono Maalmaha soo socda, Xukunku maaha kii u dambeeyay ayuu igu yidhi..”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured