Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan Xaasaasiya Kula Yeeshay Xaruunta Gobolka MAROODI-JEEX Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI...

0
Monday November 23, 2020 - 19:22:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan Xaasaasiya Kula Yeeshay Xaruunta Gobolka MAROODI-JEEX Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI...

    Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan Xaasaasiya Kula Yeeshay Xaruunta Gobolka MAROODI-JEEX Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan Xaasaasiya Kula Yeeshay Xaruunta Gobolka MAROODI-JEEX Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI...
Hargeysa (Xogreebnews)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa saaka kulan Xaasaasiya Kula Yeeshay Xaruunta Gobolka MAROODI-JEEX uu Xisbiga WADDANI ku leeyahay Caasimadda Hargeysa Guddida Fulinta ee heer-gobol.
Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Md Xamse Ciise, Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Md Wali Jaamac, Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad Marwo Sahra Cabdi Xasan, Xoghayaha Gobolka Md Mawliid Muuse Dacar, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Gobolka Marwo Foosiya Maxamed Xirsi (Xadiyo) iyo Guddoomiyaha Garabka Dhalinyaradda ee Gobolka Md Ismaaciil Wali Ciise, ayaa si qoto-dheer diiradda loogu saaray hawlaha kala duwan ee ay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee Gobolka MAROODI-JEEX hor-yaalla.


Kulanka oo dhanka Guddoomiye Cirro uu kali ku ahaa is xogrankan Masuuliyiinta GOBOLKA Dhex-maray, ayey isku waydaarsadeen arimo badan oo ay ugu horeyso sidii ay masuuliyiinta Gobolka ee Xisbiga WADDANI ugu Diyaar garoobi lahaayeen Wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Qaranka ee la filayo inay dhowaan ka bilaabmato deegaannadda hoos yimaada Gobolka MAROODI-JEEX.

Sidoo kale dhammaan masuuliyiinta Gobolka MAROODI-JEEX Ee Xisbiga WADDANI oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Ee Xisbigu Md Xamse Ciise Waxay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cirro ka siiyeen war-bixin Guud oo la Xidhiidha hawlaha kala duwan iyo shaqo ay Xisbiga Uga hayaan Gobolka MAROODI-JEEX.
Geesta kale Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro Wuxuu balan qaaday Inuu mar kasta garab siinayo Xisbigu Wixii hawlo ah ee masuuliyiinta Gobolka kaga xidhma Xaruunta dhexe Ee Xisbiga WADDANI si degdeg ah loogu dhamayn doono. Isagoo carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay dadaal dhaari ah iyo dardargalinta habsami u socodka hawlaha balaadhan ee Gobolka MAROODI-JEEX uu Xisbiga WADDANI uga baahan yahay. Iyagoo masuuliyiinta Gobolkuna dhankooda caddeeyey inay diyaar u yihiin, Isla-markaana ay kor u qaadayaan dadaalkooda.
Ugu dambayn Guddida Fulinta Gobolka MAROODI-JEEX ee Xisbiga WADDANI, Waxay Guddoomiyaha Xisbiga Uga mahadceliyeen kulankan uu la Yeeshay. Iyadoo uu kulankuna kusoo dhamaaday jawi degan iyo mid farxadeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured