Warbaahinta Somaliland oo Qaadacday Go'aan Wasaarada Warfaafinta Somaliland ku Cabudhinaysay Xoriyatul-qawlka Iyo Madax-baananida Saxaafada Somaliland

0
Monday November 23, 2020 - 19:37:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Somaliland oo Qaadacday Go'aan Wasaarada Warfaafinta Somaliland ku Cabudhinaysay Xoriyatul-qawlka Iyo Madax-baananida Saxaafada Somaliland

    Warbaahinta Somaliland oo Qaadacday Go'aan Wasaarada Warfaafinta Somaliland ku Cabudhinaysay Xoriyatul-qawlka Iyo Madax-baananida Saxaafada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Somaliland oo Qaadacday Go'aan Wasaarada Warfaafinta Somaliland ku Cabudhinaysay Xoriyatul-qawlka Iyo Madax-baananida Saxaafada Somaliland

Hargeysa(Xogreebnews)-Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Weriyeyaasha ka hawlgala warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo SOLJA soo qaban-qaabiyey dood iyo kala war-qaadasho ka dib, waxay ku qaaddaceen, isla markaana Sharci-darro ku tilmaameen Guddiga Dib-u-eegista Ruqsadaha Hay’adaha Warbaahinta oo uu shalay magacaabay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo sidoo kale diiwaangelinta Saxaafadda online ka ah iyo Weriyeyaasha, go’aammadaas oo aanu midna awood Sharci oo u oggolaanaysa u cuskan Wasiirku.

SUXUFIYIINTA SOMALILAND OO DIIDAY GUDDIGA WASIIR KOORE 2020

SUXUFIYIINTA SOMALILAND OO DIIDAY GUDDIGA WASIIR KOORE 2020

 

Kulan Ururka SOLJA soo qabanqaabiyey oo ay Weriyeyaasha iyo Madaxda Ururku isugu yimaaddeen oo maanta, waxaa ka hadlay La-Taliyaha Sharciga ee Ururka SOLJA Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan, Maxamed Axmed Gurraase iyo Cfataax Ismaaciil Mursal oo isagu ku hadlayey afka Saxaafadda Online-ka ah iyo Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), kuwaas oo sheegay inaanu Wasiirku awood u lahayn Ruqsad-bixinta Warbaahinta ee ay awood u leedahay Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka sida uu dhigayo Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer Lambar 27/2004 oo ay Xukuumaddu ku dhaqankeeda meel iskaga laabtay, halka Xeerka wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey ee Saxaafadda ay Xukuumaddu ka werwereegayso meel-marintiisa, Baarlamaankuna aanu weli ansixin.

 

 

Xubnaha Warbaahinta la hadlay gebo-gabadii kulankaas, ayaa ku dooday inaanay aqbali doonin waxaan Sharci iyo Xeer jidaynin in Wasiir iyo Wasaaradi ku maamulaan, balse ay diyaar u yihiin in Xukuumadda iyo Warbaahinta madaxa-bannaani sharci ku wada-shaqeeyaan, hayeeshee, nidaam gole-ka-fuul ah oo aan sharciga dalka waafaqsanayn aanay marnaba kula shaqayn doonin Xukuumadda.

Guddoomiyaha SOLJA Mr. Xuuto, ayaa sheegay inay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka u gudbin doonaan SOLJA ahaan dacwad ka dhan ah go’aanka is-diiwaangelinta ee uu waqtiga u qabtay iyo Guddiga Ruqsadaha ee uu Wasiirka Warfaafintu magacaabay, maaddaama oo aanay sharciga shaqo ku lahayn go’aannada Wasiirku.

Haddaba, Hadallada ay Xubnaha Warbaahinta iyo SOLJA ee Shirkaas ka hadlay, warkooda, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured