"Anigu Waxaan leeyahay Basboor Ingriis ah Ma Isticmaalo, Waxanan ku Baraarujinayaa Dadka Somaliland Mansabkuu Doono Ha-yeeshee, inay Jabuuti ku Yimaadan Basboorka Somaliland... Wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya waxay ka Fashilmeen Dhanka Somaliya". Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.

0
Thursday November 26, 2020 - 15:50:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Anigu Waxaan leeyahay Basboor Ingriis ah Ma Isticmaalo, Waxanan ku Baraarujinayaa Dadka Somaliland Mansabkuu Doono Ha-yeeshee, inay Jabuuti ku Yimaadan Basboorka Somaliland... Wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya waxay ka Fashilmeen Dhanka Somaliya". Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.

    "Anigu Waxaan leeyahay Basboor Ingriis ah Ma Isticmaalo, Waxanan ku Baraarujinayaa Dadka Somaliland Mansabkuu Doono Ha-yeeshee, inay Jabuuti ku Yimaadan Basboorka Somaliland... Wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya waxay ka Fashilmeen Dhanka Som

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Anigu Waxaan leeyahay Basboor Ingriis ah Ma Isticmaalo, Waxanan ku Baraarujinayaa Dadka Somaliland Mansabkuu Doono Ha-yeeshee, inay Jabuuti ku Yimaadan Basboorka Somaliland... Wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya waxay ka Fashilmeen Dhanka Somaliya". Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.
Hargeysa(Xogreebnews)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, oo ku sugan Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa Dawlada taagta daran ee Somaliya ku eedeyey inay dhinaceeda ka fashilmeen Wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya ee dhowaan ka bilaabmay dalka Jabuuti. 
Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed waxa uu farta ku fiiqay in Somaliland hordhacii Wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya uga Furmay Jabuuti ay Somaliland kaga adkaatay kooxdii Somaliya, waxanu Tilmaamay in garnaqsi xaqiiqo ah la tageen, isla markaana ay u garaabeen Somaliland dhinacyadii garta labada dhinac dhagaysanaayey. Safiir Cabdifatax sidaasna waxa uu ku sheegay Waraysi dhinacyo badan oo u magaalada Hargeysa kula Yeeshay Telefishanka Bulsho.
Ugu horayn Safiirka oo Faahfaahinaaya halka ay ku dambeeyen Wadahadaladii iyo guddiyadii Farsamo ee shirarkoodu baaqdeen waxa uu yidhi. "Wadahadaladii Jabuuti uga Furmay Somaliland iyo Somaliya waxa lagu heshiiyey in Guddi Farsamo la sameeyo oo 15-kii maalmoodba mar la isu yimmaado, balantii u horaysayba oo ahayd 12-kii July, qolada Somaliya ayaa cudur-daar samaysay oo sheegaysay inay ku mashquushay shirar maamul goboleedyadeeda ugala socday dhuusa-mareeb iyo arrimo dhexdooda ah, waxanay soo dalbadeen waqti, waxana loogu daray 7 cisho oo balantii dambe waxay ahayd inuu Shirka guddiyada Farsamo furmo 19-kii July. 
Baaqashadii balantii dambe ee 19kii July waxay Maamulka Somaliya sameeyeen khalad weyn, kaasoo ahaa heshiisyadii hore dalka Turkiga ku dhex-maray Somaliland iyo Somaliya, ahaana in la fuliyo 6 qodob. Waxanay si cad Maamulka Somaliya uga horyimi qodobada ay kamid ahaayeen in aan guddiyada lagu soo dari Karin dad ku abtirsada Somaliland, waxanu Madaxweyne Farmaajo soo Magacaabay guddi ay Saddex Xubnood yihiin dad asal ahaan kasoo jeeda Somaliland.
Somaliland mar walbaa iyaddu way fulinaysay wixii lagu heshiiyo, Caalamka iyo cid kastoo Xog-ogaal u ahaydna way ogtahay. Laakiin dhinaca Somaliya mar kastaa carqalad iyo marmarsiiyo aan geedna loogu soo gaban ayey ku hayeen sii socoshada Wadahadalada labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya".
Ambassador Cabdifatax oo la waydiiyey sababtii keenaysay inuu dhowr jeer hakad ku yimmaado waqtigii u socday Shirkii u dambeeyey ee Jabuuti ku dhexmaray Somaliland iyo Somaliya, waxa uu ku Jawaabay. "Wadahadaladii dhowaan marba hortaa marxalad ayey gelaayeen, marba Xaalad Kulul ayuu gelayaa, gefaf ayey dafirayaan, markaa dad diyaar u ah inay waxka Midho-dhalayaan may ahayn, manay sidan Qodobo ah oo u diyaarsan, halka ay waftiga Somaliland u diyaarsanayn wax kasta oo ay ku saabsan yihiin Wadahadalada labada dhinac".
Geesta kale, Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed mar la waydiiyey waxa ka jira warar sheegaya in Siyaasiyiinta Somaliland iyagoo Basbooro kala sita inay Jabuuti tagaan, iyagoo awoodayaa inay ku dhoofan ka Somaliland waxa uu yidhi. 
"Way jirtaa arrinkaasi, waxanan ku baraarujinayaa dadka Somaliland mansabkuu doono ha lahaado, inay soo qaataan basboorka Somaliland, maadaama la ogol yahay in lagu yimaado Jabuuti, isla markaana la fiiseeyo. Somaliland waa qaran waxana Muwaadin kasta ku waajib ah inaynu Iibino Basboorkeena, anigu waxaan leeyahay Basboor Ingriis ah ma isticmaalo, beri hore ayaa igu Dambaysay, marka aan Jabuuti joogo waxaan ku jooga Basboorkeena, oo Diblumaasiya. Waxanan ugu baaqayaa Masuuliyiinta Somaliland inay markastaa horaysiiyaan inay ku dhoofan Basboorkeena Somaliland, waayo waa sharaf iyo Karaamadii dalkana". La soco qaybaha dambe hadii Alle idmo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured