Bedelka lagu sameeyey Hoggaankii Kulmiye ee Gobolka Saaxil, Looma Eegin Yaa ku Haboon, Yaase Xisbi-yahan ah. Qalinkii Farxaan Aadan Xasan.

0
Thursday November 26, 2020 - 20:49:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bedelka lagu sameeyey Hoggaankii Kulmiye ee Gobolka Saaxil, Looma Eegin Yaa ku Haboon, Yaase Xisbi-yahan ah. Qalinkii Farxaan Aadan Xasan.

    Bedelka lagu sameeyey Hoggaankii Kulmiye ee Gobolka Saaxil, Looma Eegin Yaa ku Haboon, Yaase Xisbi-yahan ah. Qalinkii Farxaan Aadan Xasan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bedelka lagu sameeyey Hoggaankii Kulmiye ee Gobolka Saaxil, Looma Eegin Yaa ku Haboon, Yaase Xisbi-yahan ah. Qalinkii Farxaan Aadan Xasan.
Inagoo ogsoon Sababta ugu  weyn ee isku bedelka Masuuliyiinta looga gol-leeyahay ay tahay sidii habsami u socodka hawluhu u sii karaar qaat aan habacsanaanta looga qaadi lahaa,  waana arrin sax ah taasi.
Haddaba inagoo la socona inay inagu soo fool leeyihiin doorashooyinkii golahayaasha Deegaanka,  baarlamaanku iyo diyaar-garowgoodii, sideedabana ay yihiin ka shaqaynta Xisbiyada iyo abaabulkoodu instiutionada ugu hawsha badan, Maadaama awooda dadka lagu jihaynayaa aanay ahayn Sidii shaqaale mushahar la siinaayo, lagu cabsi gelianaayo hadduu shaqadiisa qabsan waayo in shaqada la eryaayo, balse hogaaminta laga doonayaa Gudoomiye gobol ay  tahay xirfad iyo dadaal uu isagoo raacaya Mabaadi i da xisbiga uu ku kasban lahaa Bulshada una soo xero-gelin lahaa inteeda badan ee gobolkaas ku dhaqan, arrimahani waxaa Saldhig u ah inuu Gudoomiyuhu Aqoon wanaagsan u leeyahay Bulshada deegaankaas ku dhaqan dabeecadooda, kolkay sidaa tahay waxaa soo baxday bedelka Gudoomiyaha Gobolka saaxil ee Xisbiga Kulmiye Mudane halac- dhegoole anigoo aan duraynin bedelka dhacay haddana Maadaama uu in badan kasoo ololaynayey Deegaanada iyo bulshada Gobolka Saaxil wuu ahaa nin Maanta Aqoon buuxda u leh oo la odhan karo Waa Expert.
Iyadoo sidaas tahay haddana waa la dhaliili karaa waxay is waydiintu tahay yaa lagu bedelayaa? Wuxuu Caqligeenu inoo sheegayaa inagu bedelayo mid ka dadaal badan, uga aqoon badan Gobolka iyo arrimihiisa waayo  hawlaha xisbiyadu waa kuwo Saamayn badan yeesha had iyo jeer una baahan Si fog loo eego bedelaadaha dhacaya. Geba Gebadii waxay ila muuqataa in aan bedelka Gudoomiye Halac aan loo eegi qaab Sax ah.
Waa bilahi Tawfiiq. 
Qalinkii Farxaan Aadan Xasan. 
Farxaan@gmail.com 
Berbera/Somaliland. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured