Xeer Ilaalinta Somaliland oo ka Hadashay Qisaastii Lagu Fuliyey Gacanku Dhiiglayaal iyo danbiyada ku Cadaaday...
Xeer Ilaalinta Somaliland oo ka Hadashay Qisaastii Lagu Fuliyey Gacanku Dhiiglayaal iyo danbiyada ku Cadaaday...
Madheera (Xogreebnews):- Ciidammada kala duwan ee Somaliland oo fulinaya amar ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah iyo Maxkamadda sare ee Ciidammada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda, ayaa Dil Qisaas ah Khamiistii Maanta ku fuliyey Lix Qof oo dil sugayaal ahaa, isla markaana hore dilal u geystay. Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa qoraal uu soo saaray oo uu isagu ku saxeexnaa, ku sheegay in dilkaas subaxnimadii Khamiista maanta lagu fuliyey meel fagaare ah oo ku ag-taalla Xabsiga dhexe ee magaalada Madheera. Haddaba, Warqadda Qoraalka ah ee Xeerilaaliyaha guud ee Qaranku qaabka loo fuliyey Dilkaas iyo Marxuumiinta lagu fuliyey magacyadooda iyo mid walba Marxuumka uu hore u dilay magaciisa ku sharraxay Xeer-ilaaliyuhuoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxay u dhignayd sidan ee kaga bogo warqadda hoos kaaga muuqata.
Dilkan qisaasta ah ee maanta lagu fuliyey lixda gacan-ku-dhiigle ee dilalka hore geystay, ayaa noqonaya markii labaad ee Qisaas laga fuliyo Somaliland intii lagu guda-jiray sannadkan 2020-ka, waxaana 15-ka bishii Janaayo ee 2020-ka, sidan oo kale dil toogasho ah loogu fuliyey 6 Marxuum oo loo qisaasay dilal ay geysteen. Leave a comment |
|