Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo Lagu soo Dhaweeyey Laascaanood iyo deegaanno Hoos yimaadda

0
Friday December 25, 2020 - 20:01:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo Lagu soo Dhaweeyey Laascaanood iyo deegaanno Hoos yimaadda

    Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo Lagu soo Dhaweeyey Laascaanood iyo deegaanno Hoos yimaadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo Lagu soo Dhaweeyey Laascaanood iyo deegaanno Hoos yimaadda
Laascaanood(Xogreebnews)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo degmooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.
Guddoomiye Axmed Cabdi oo hawlo shaqo oo xisbiga KULMIYE la xidhiidha muddooyinkii dambe u joogay gobolka Togdheer, ayaa saaka gaadhay gobolka Sool, waxana degmada Adhi-caddeeye kaga horyimi wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, madaxda xisbiga KULMIYE ee gobolka Sool iyo degmada Laascaanood, hoggaanka garabka haweenka ee xisbiga, madax-dhaqameedka gobolka iyo qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga, waxana loo galbiyey dhinaca magaalada Laascaanood.
Guddoomiyaha oo hadal u jeediyey shacabka ku dhaqan degmada Adhi-caddeeye, ayaa ugu baaqay inay isu diyaarinaan is-diiwaangelinta cod-bixiyayaasha oo dhawaan ka bilaabmi doonta gobolka, taas oo fure u noqon doonta inay shacabku ka qaybgalaan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo sannadkan dalka ka qorshaysan.
Madaxda xisbiga KULMIYE ee gobolka Sool iyo xubnaha garabka haweenka, ayaa iyaguna dhankooda hadallo ay guddoomiyaha kusoo dhaweynayaan halkaas ka jeediyey, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in shacabka reer Sool diyaar u yihiin inay qaataan kaadhadhka cod-bixinta, si ay talo ugu yeeshaan cidda ku meteli doonta goleyaasha kala duwan ee qaranka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured