"Hore Waxaa loo yidhii Doqonkii Lumay Ee la helay Waxuu yidhii, Maxaa laga Sheegi Beriba waan Lumiye, Ramaax ku jawaabi Maaye taas Abshir ku Dheh".Siyaasi Cabdiraxmaan Xasan Cali Hayste.

0
Sunday December 27, 2020 - 22:05:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hore Waxaa loo yidhii Doqonkii Lumay Ee la helay Waxuu yidhii, Maxaa laga Sheegi Beriba waan Lumiye, Ramaax ku jawaabi Maaye taas Abshir ku Dheh".Siyaasi Cabdiraxmaan Xasan Cali Hayste.

    "Hore Waxaa loo yidhii Doqonkii Lumay Ee la helay Waxuu yidhii, Maxaa laga Sheegi Beriba waan Lumiye, Ramaax ku jawaabi Maaye taas Abshir ku Dheh".Siyaasi Cabdiraxmaan Xasan Cali Hayste.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hore Waxaa loo yidhii Doqonkii Lumay Ee la helay Waxuu yidhii, Maxaa laga Sheegi Beriba waan Lumiye, Ramaax ku jawaabi Maaye taas Abshir ku Dheh".Siyaasi Cabdiraxmaan Xasan Cali Hayste.
Hargeysa(Xogreebnews)-Siyaasi Cabdiraxmaan Xasan Cali oo xilal kala duwan kasoo qabtay Laamaha Xisbiyada Kulmiye, Ucid iyo Waddani ee dalka Jarmalka iyo qaarada Yurub, kana mid ah qurba joogta Somaliland ee firfircoon ayaa Jawaab ka bixiyey eeddayn uu shalay Warbaahinta u mariyey Xildhibaan Cabdirashid oo kamid ah golaha Deegaanka degmada Berbera.  
Halkan ka Akhri qoraalka Siyaasi Cabdiraxmaan Xasan Cali Hayste oo u dhigan sidan. 
"Siyaasadu  maaha in nin loo jawaabo si layskaga dhiso dad gaara oo cod loogu raadiyo, ee waa in wax la gashado dadka iyo meesha u baahan hiilkaaga. Hadaad shalay umadan wax gashan lahayd umaan baahateen inaad video yar oo laba minutes ah intaad iska soo duubto Nin anaad kabihiisa gadheen aad ka daba hadasho.


Waxaan aduunkan la yabaa markuu nin wanaagsan iskaga keen dhigo ninkii dorraad xaday waalidkiisii aaminay. Ee shalay adiga ku xaday, ee wixii uu wax kuugu qaban lahaa gurtay adoo ka aradan noloshii asaasiga ahayd (cafimaad, biyo, waxbarasho iyo laydh); ku darsaday inuu  boobo dhulkii danyartu lahayd ayaa maanta nin  kale oo u horseeday halkuu joogo horumarka yar ee laysku sawiro wax ka sheegaya. Qofka  waxa lagu qiimeeya wuxuu hore ugu qabtay dadkii loo doortay ee wali mays waydiiseen wuxuu idin taray?.

Damiirka bini'aadamku waa kala duwan yahay, Qofka Umadii doorato ee cid metelaa, ee weliba todoba sanno keligii Xilkii umada waxku boobay ku gamacsaday, sidoo kalena hal qofna San wax u qaban, isla markaana Deegaankii iyo Dhulkii uu metelayey yihiin kuwo ka aradan Caafimaadka, Waxbaraashada, Wadooyinkii iyo Biyihii oo intuba yihiin Shaqadii loo doortay, inuu mar kale kusoo hor istaago waxay ku sheegaysaa damiirkiisa, waxanay arintaasi Ceeb ku tahay dadkii shalay ku lu'go'ay. Waxanaan ugu baaqayaa Bulshada Beesha degta gobalka Saxil Codeyn dambe ha joogtee, inay xisaab la hor-dhigaan, Xildhibaan Cabdirashid dhukur, ileen wuxuu qaban karaayey ayuu hagradee.
Dhalinyarada, Aqoonyahan kala duwan ee Beeshu, waxaan ugu baaqayaa inay ka midooban calooshooda u shaqaystee la tijaabiyey, waananku kalsoonay inay doorkan soo saari doonaan Qofkii baahida Beesha iyo ta degmada ka shaqayn lahaa inay doorkan dooran-doonan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured