Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalado Xuduudeedka Lawyacado Ka Dib Safar Shaqo Oo Uu Ugu Maqnaa Dalka Jabuuti

0
Monday December 28, 2020 - 22:48:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalado Xuduudeedka Lawyacado Ka Dib Safar Shaqo Oo Uu Ugu Maqnaa Dalka Jabuuti

    Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalado Xuduudeedka Lawyacado Ka Dib Safar Shaqo Oo Uu Ugu Maqnaa Dalka Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalado Xuduudeedka Lawyacado Ka Dib Safar Shaqo Oo Uu Ugu Maqnaa Dalka Jabuuti
Saylac-28-12-2020-(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi  iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmihii ugu danbeeyey  safar shaqo ugu maqnaa dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti ayaa maanta  dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar dhulka ah oo uu kaga soo baxay dalkaasi, waxaana si balaadhan loogu soo dhaweeyey Magaalo xuduudeeda Lawyadacado, Madaxweynaha iyo waftigiisa waxa soo gelbiyey wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Biyaha, Beeraha Kaluumaysiga iyo Xanaanada Xoolaha Mudane Maxamed  Axmed Cawaale(Maxamed Soomaali)  Taliyayaasha Madaxtooyada iyo Booliska, labada safiir u kala fadhiya caasimadaha labada dal. Dhanka Somaliland waxaa Madaxweynaha soo dhaweeyey maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Salel, xubno ka mida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo dadweyne aad u badan. 
Waxaanay labada dal si rasmi ah ugu dhawaaqeen in dib loo furay xadka u dhexeeya labada dal oo xidhnaa muddo lix sannadood ah oo aanay labada dhinac isu gudbi, waxaana halkaa ka hadlay wasiirka Biyaha, Beeraha Kaluumaysiga iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed  Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali oo ay ka mid ahaayeen weedhihiisa "Waxaan arkayaa shicibkii Saylac, Toqoshi iyo  Lawyacado oo halkan isugu yimi  oo farxad iyo rayn-rayn kusoo dhaweynaya, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, annigoo matelaya oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo shicibka, waxaan idin leeyahay sidaad noo soo dhaweyseen Hambalyo ayaan idin leeyahay, Labada shicib waa laba shicib oo walaalo ah oo waligood wada noolaa, waanay wada noolaan doonaan dhulkana waa loo wada furi waa lays dhex mari, dad walaalo ah oo wax isku taraan noqon doonaa".


Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Kornel Cabdilaahi Cabdi Faarax oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xadkii furan yahay "Hadal badin maayo oo Madaxweynahaa dhameeyey Baabuurta macal raashinka halkaasi yaala iyo wixii danbeba waa loo ogolyahay inay baxaan waxay doonaan soo qaataan, xadku waa furan yahay gaadiidku waa marayaa".

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu  fursad u helay  inuu soo arko horumarka waddanka Jabuuti gaadhay islamarkaana uu booqday gobollo iyo deegaano ka mida jabuuti waxaana uu yidhi "Muddo shan cisho ah baanu joognay Jabuuti dalka oo dhan baa nala soo tusay sida uu u horumaray, socdaal hawlaha qaran ee la hayey ka weyn oo sida ay wax u qabteen iyo dalku intuu baaxad leegyahay iyo dadka ku nool barri ilaa galbeed iyo walaltinimo ayaanu soo aragnay".

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ydihi "Ummadd reer Jabuuti ah oo ilaa Obokh, Tojoro ilaa Jabuuti dhammaantood kalgacal, walaltinimo iyo dariswanaag , wax wada qabsi iyo niyad fiican aanu idiinka sidno ayaanu soo marnay , waxaa kale oo aan uga mahad naqaynaa Madaxweynaha Jabuuti iyo xukuumadiisaba in dhibaatadii yarayd ee halkan ka jirtay ee wadada gaadiidka la dhameeyey, oo maantaba ay bilaabmeen baabuurtii".

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in hadda wixii ka danbeeya la furay Jidka u dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland "Waddada oo muddo Lix sanno ku dhaw xidhnayd sababo ammaan awgood wixii hore u dhacay waan ogayn, waajibaadka ina saaran waxaa weeye, Jabuuti iyo Somaliland waa isku mid  dad ahaan, dhaqan ahaan, cimilo ahaan waa laba dal oo Ilaahay wada abuuray isku dhafan oo is dhalay oo isu dhaxay oo wada dhashay, markaa waxaan u dhaqmaynaa mustaqbalka innaynu noqono dadka dad isugu dhaw, dawladaha dawladdo isugu dhaw wax wada qabsada, horumarka wadaaga dhibaatada isaga gurmada oo aynu ka baxno maskaxdii hore ee ahayd ee isticmaarku qeybiyey ee xuduudaha iyo dadka in la dhibo xuduudaha oo sharciyada lagu adkeeyoā€¯.

"Insha Allaah mustaqbalka waan ka baxaynaa, jidkaa haddii la furay waxaa ina saaran masuuliyad weyn labada dhinacba, masuuliyada ina saarani waxa weeye dadka aan xilkaska ahayn ama maskaxdooda la bedelay ee dhibaatooyinka wada ee nabad gelyada xumayn kara dhinac walba joogi kara oo qofka nabad gelyada wax yeeli kara aad idinku Boolis noqotaan, Hadday nabad gelyado inaga xumaato ma noolaan karayno walaalada xadkaa fadhiyaa idinka waa idin ogolyihiin sharciyadiina waa ogolyihiin, inaad talowdaan inaan wada noolaano waa la ogolyahay laakiin maantana waxaan ilaalinaynaa waa nabad gelyada, nabad gelyadaana aad iyo aad haloogu dedaalo waliba dhinaceena aad haloogu dedaalo, maanta waa taariikh waxaynu qoraynaa taariikhdii iskaashiga horumarka walaltiniamda iyo wax wada lahaanshaha".
Gebagebadiina Madaxweynaha ayaa  labada shacab ugu baaqay in la wada ilaaliyo nabad gelyada  "Waxaynu xidhaynaa ra'ayiga ah dadka khilaafka jecel dadka horumarka neceb dadka fikirka gaaban ee ah in lays colaatamo in wax la kala jiid jiito waxaa ka wanaagsan in lays watto la walaaloobo hore loomaro taasan qaadanaynaa maanta wixii ka danbeeya". Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisu caawa u hoydeen magaalo madaxda gobolka Selel ee Saylac.
Wa-bilaahi Tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured