"Waxay Sanaadkii Dekeda Berbera Rogta 170-kun oo Koontiinar, Waxanu Rajaynaynaa in marka la furo Dekeda Cusub inay Sannaadkii Gaadhan Koontiinarada la Roggaa 450-kun oo Koontiinar". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi Waraysi Xiiso badan.

0
Wednesday December 30, 2020 - 01:28:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxay Sanaadkii Dekeda Berbera Rogta 170-kun oo Koontiinar, Waxanu Rajaynaynaa in marka la furo Dekeda Cusub inay Sannaadkii Gaadhan Koontiinarada la Roggaa 450-kun oo Koontiinar". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi Waraysi Xiiso badan.

    "Waxay Sanaadkii Dekeda Berbera Rogta 170-kun oo Koontiinar, Waxanu Rajaynaynaa in marka la furo Dekeda Cusub inay Sannaadkii Gaadhan Koontiinarada la Roggaa 450-kun oo Koontiinar". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay Sanaadkii Dekeda Berbera Rogta 170-kun oo Koontiinar, Waxanu Rajaynaynaa in marka la furo Dekeda Cusub inay Sannaadkii Gaadhan Koontiinarada la Roggaa 450-kun oo Koontiinar". Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi Waraysi Xiiso badan.
Berbera(Xogreebnews)- Laanta Afka Somaliga ee Idaacadda VOA-da, ayaa Waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxayna waxka waydiiyeen horumarka Balaadhan ee sannooyinkii u dambeeyey ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera.
Ugu horayn Idaacada VOA-da ayaa waydiisay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi inuu faahfaahin ka siiyo halka ay marayso Balaadhinta Dekeda Berbera. Waxanu yidhi Maareeye Siciid. "Waxa socda baladhinta 400 oo Mitir oo Terminal ah, sida aynu wada-og nahay waxa Heshiis wada-galay Shirkada DP World iyo Xukuumada Somaliland, mudo laga joogo dhawr sanadood, waxana heshiisyada kamid ahaa in la balaadhiyo Dekeda Berbera, oo lagu daro afar boqol oo Mitir iyo in dayactir lagu sameeyo Dekeda hore ee Berbera. Dekeda cusub ee 400 waa dhamaad 90%, waxanan rajaynayaa inay dhamaan doonto 2021-ka qaybtiisa hore insha allah".
Mar la waydiiyey Maareeyaha in Shirkada Dp World Keentay Qalabka lagu dejiyo Maraakiibta ama lagu raro waxa uu yidhi..." mudadii ay Dp World joogtay waxay Dekeda Berbera Keentay Qalab aad u badan, wanaad soo arki doontaa hadii Ebbe Idmo, dhowaan waxay Keentay Dekeda Berbera saddex Wiish oo waaweyn, kuwasoo midkiiba yahay Afar Milyan oo Doollar. Run ahaantii intii aanay Iman Dp World, Dekeda waxa ka jiray dhibbaato weyn, waxana Maraakiibta wax lagaga roggi jiray Wiishashka saaran Maraakiibta, markaa xiliga dabayshu jirto may jirin shaqo. Alxamdululah mudadii ay Dekeda wada maamulayeen Somaliland iyo Dp World, waxa Dekeda Berbera lagu sameeyey maalgelin. Tusaale ahaan Xiligii hore saacado badan ayaa lagu rogi jiray, hadda'se intii sadexdaas Wiish ee waaweyn la Keenay mudo yarbaa lagu rogga, iyadoo ay alaabta kasoo daabulayaan laynka 14-naad. Shaqada Dekeddu isma taagto 24-ka saacadood ba, saacadiina waxa la dejiyaa 30-ilaa 35 Koontiinar". Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi. 
Sidoo kale, mar la waydiiyey Maareeyaha   farqiga u dhexeeya rarka iyo dhoofka waqtigii hore iyo hadda oo ay Dekeda wada maamulaan Somaliland iyo Dp World waxa uu dhexeeya waxa uu yidhi. "Runtii waxa uu dhexeeya farqi weyn, waayo? Xiligii hore Wiishashka Maraakiibta ayaa wax lagu rogi jiray, oo dhowr maalmood ayey qaadan jirtay, hadda'se Markabka  sida 1400 ee Koontiinar waxa lagu roggaa mudo ka yar 72 saacadood, waxana hawlahaas ku yimi isbedel aad u weyn oo boqolkiiba laba boqol ah, ayaa ka dhacay, waxanan si weyn ugu mahad-celinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo mar walba dardar badan geliyey, naguna daba-taagan sidii ay hawlahani u qabsoomi lahaayeen, hada waxay sanaadkii Dekeda Berbera rogtaa boqol iyo Todobaatan kun oo Koontiinar, waxanan rajaynaynaa in marka dhowaan la furo Dekeda cusub ee Terminalka ah inay sannaadkii gaadhan Koontiinarada la roggaa 450-kun oo Koontiinar. Sababta oo ah waxa mari doonaa Koontiinarada u kala socda Man-daqada lagu dejiyo, lagana sii qaado, maadaama oo berigii hore anaan samayn karay oo dhiibka baddu ahaa 13, hada'se waxa la gaadhsiiyey heerka caalamiga ah oo ah 18-mitir oo hoos ah, iyadoo Markabka China ka Yimaada markii hore uu ku iman jiray 30 maalmood waxaan rajaynaynaa inuu ku yimmaado 19 cisho".
Maareeyaha ayaa la waydiiyey maadaama oo Dp World Qalab badan soo kordhisay, Somaliland maxay kusoo kordhisay, waxa uu yidhi... "Waxanu kusoo kordhinay Dekeda Berbera Somaliland ahaan agab aad u badan, berigii hore waxanu lahaan-jirnay hal Taag oo Hos-powerkiisu ahaa 1400, maantana waxanu Leenahay sadex Taag oo laba ay cusub yihiin, oo midkiiba yahay 3300- hoos-power, waxanay Maanta Dekeda Berbera taagan tahay Heerkii caalamiga ahaa ee Deked looga baahna, maadaama oo ay saddex Taag ka shaqeeyaan. Sidoo kale waxanu kusoo kordhinay Baylood bout casriya, waayo? Berigii hore waxanu Isticmaali jirnay huudhi yar oo dhib badani ka qaban jiray Bayloodada Somaliland, laakin maanta waxanu u Keenay Baylood bout Casriya oo leh Isgaadhsiin oo la hadlaya boodh-kaantaroolka iyo Markabkaba. Waxanay Xukuumada Somaliland gelisay agabka Maraakiibta soo xidha Maraakiibta dhowr iyo toban Milyan oo Doollar. Markaa Somaliland waxay Dekeda Berbera gelisay Lacag badan sidii ay Dekeda Caalamiya u noqon lahayd".
Gebo-gebadii Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi waxa la waydiiyey shaqaale caban jiray markii Dp World la wareegtay waxa uu yidhi. "Taasi waxay ahayd waqtigii hore ee isbedelku imanayey ee Dp World timi, ayaa si khaldan loo turjumay oo yacni in meeshii lala wareegay oo iyaga la dareerinayo, laakin Alxamdululah maanta Tabobar badan ayaa loo sameeyey, waxana loo tayey si weyn, waxana Muhiima in qofka naftiisa la badbaadiyo, waqtiyadii hore waxa dhici jiray dhaawacyo badan waxa shaqo loo diri jiray Qofkii oo aan Tabobaray, laakin maanta qof kasta oo ka shaqeeya Dekeda Berbera waxa la kordhiyey aqoontiisa shaqada uu qabanayo. Marka ay noqoto qaybta Badda ee Somaliland maamusho Shaqaalaha ka shaqeeya waxanu gelinay tacab badan, waxana kor loo qaaday aqoontooda, qaar Siminaaro caalamiya u dirnay, qaar Macalimiin caalamiya u Keenay oo shaqada ku Tabobaray. Waayo? Markaad tayeyso aqoonta Shaqaalaha ayaad ka fili kartaa inay yeeshaan wax soo saar wanaagsan". Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured