Labadii Shirweyne Ee Ugu Danbeeyay Ururka Solja Inuu Cid Gaar Ah U Afduubnaa Waxaa Kuu Cadaynaysa Labadan Dhacdo Oo An Usoo Joogay

0
Thursday December 31, 2020 - 18:07:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labadii Shirweyne Ee Ugu Danbeeyay Ururka Solja Inuu Cid Gaar Ah U Afduubnaa Waxaa Kuu Cadaynaysa Labadan Dhacdo Oo An Usoo Joogay

    Labadii Shirweyne Ee Ugu Danbeeyay Ururka Solja Inuu Cid Gaar Ah U Afduubnaa Waxaa Kuu Cadaynaysa Labadan Dhacdo Oo An Usoo Joogay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadii Shirweyne Ee Ugu Danbeeyay Ururka Solja Inuu Cid Gaar Ah U Afduubnaa Waxaa Kuu Cadaynaysa Labadan Dhacdo Oo An Usoo Joogay
Shirweynihii 7aad ee urrurka suxufiyiinta Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada Hargaysa wallow shirkaasi markaad ufiirso uu u eekaa mid cid gaar ah loo waddo taas oo ay kuu cadaynaysay biyo diidka suxufiyiin aad u tiro badan ay ku sameeyeen shirkaas ugu danbayntiina ay soo saareen war murtiyeed cadaynaya inaanay ka qayb galayn madashaas.
 hadba labdan dhacdo ee aan ugu soo joogay ururka suxufiyiinta Somaliland ee solja ayaa ii cadaysay inuu ururku cid gaar ah u afduubanyahay.
Dhacdad kobaad 
Shirweynihii lixaad ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa ka qabsoomay magaalada Hargaysa 30 Dec 2017 maalmo ka hor  qolo suxufiyiin ah ayaa qaadacay shirkaas oo cabsho ka muujiyay sida ay wax usocdaan kuna tilmaamay inuu shirku cid u afduubanayahay, waqtigaa  anigu waxaan ka  shaqaynayay wargayska warsugan layidhaahdo oo ka soo baxa magaalada Hargaysa Taftirena waxaa noo ahaa nin markaa ku jiray gudida qabanqaabada shirweynaha lixaad ee ururka Solja.
ninkii tafatiraha ahaa ayaan xafiiskiisa ugu galay markaas baanu kaftanay kadib waxaan ku idhi waar niyow cabshadan suxufiyiinta maxaad udhagaysan waydeen oo aad dhagaha uga furaysateen  ileen xubin bay ka yihiin ururka soljee, ninkaa odega ah oo aanaan magiciisa sheegi Karin waxaa uu iigu jawaabay niyow Maxamuud Jaamaca Xuuto ayaa nagu yidhi mar labaad iigu celiya aniga oo ha dhagaysanina cabashada suxufiyiintan meelahan ka qaylqaylinaya , kadib anguna ninkaa odeyga ah ayaan ugu celinaynaa inshaa allah sabtidiina sidii uu iisheegayay ayaa dhacaday oo Xuuto ayaa mar labaad la dooratay.
Dhacdadii labaad
Intii aaanu bilaabin shirwaynahan 7aad  ee ururka suxufiyiinta Somaliland Solja waxaa soo baxaysay tuhuno ah inuu cid gaar ah u afduuban yahay shirku si aan wax uga ogaado waxaan utagay nin aanu saxiibnahay oo ku jiray gudida qabanqaabada shirweynaha waxaan u sheegay inaan isku sharxayo xoghayha guud ee ururka Solja bal ka warn waxaa uu igu jawaabay Maxamed Kuraase ayaa booskaa qabsaday ee maxaad kaga qabsan ninka u daa niyow .
labdaa shirweyne ee ugu danbeeyay ururka Solja waxay ku tusaysaa inay afduubanaayeen haddii uu sidaa ku socdana ururkuna wuxuu noqonaya mid laga wadda guuro oo xidhma si aanay taasi udhicin waa in loo gurmadaa ururka suxufiyeenta Somaliland ee Solja.


W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Suxufi Madaxbanaan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured