Dedaalkii Daabacadda Buugga Nimco-gabaydo: Wixii Iga Qabsaday Masuuliyiintii Dawladda! "Haweenku Dumarnimana Isuguma Hiiliyaan, Tolnimana Looguma Hiiliyo". Qalinkii Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.

0
Saturday January 02, 2021 - 17:09:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dedaalkii Daabacadda Buugga Nimco-gabaydo: Wixii Iga Qabsaday Masuuliyiintii Dawladda! "Haweenku Dumarnimana Isuguma Hiiliyaan, Tolnimana Looguma Hiiliyo". Qalinkii Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.

    Dedaalkii Daabacadda Buugga Nimco-gabaydo: Wixii Iga Qabsaday Masuuliyiintii Dawladda! "Haweenku Dumarnimana Isuguma Hiiliyaan, Tolnimana Looguma Hiiliyo". Qalinkii Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dedaalkii Daabacadda Buugga Nimco-gabaydo: Wixii Iga Qabsaday Masuuliyiintii Dawladda! "Haweenku Dumarnimana Isuguma Hiiliyaan, Tolnimana Looguma Hiiliyo". Qalinkii Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.
Dhambaalkani waxa uu warcelin u yahay weyddiin ah "Halkee ayuu buuggi marayaa?” Mararka qaarkood in dhigane la qoro waxa ka hawl badnaata in la daabaco. Diiwaankan Maan Rag Aragtaye Maskax Dumar Dhawr waxa aan ka diyaariyay tixdii iyo taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Gabaydo) oo ku geeriyootay Hargeysa 15kii Maarij 2015ka. 
Markii ay Nimco geeriyootay ayaa la ii keenay suugaanteedii, waana aan qoray aniga oo aan $1 ku qaadan ama shardi ku xidhin..Waxa aan si buuxda u dhammeeyay qoraalkiisa 2018kii. Dad taageeraya soo-saarista ayaa la ii carrabaabay bilawgii, laakiin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen lama arkin. 


Aniga iyo buuggii ayaa isku soo hadhnay "Ma u celisaa qoyskii? Ma masaxdaa?” waxbaa iga dhex guuxay. Mar baa aan qoomamayn gaadhay samafalka aan sameeyay ee aqoonta la ii soo biday. Kollayba dan guud iyo dhaxal ummadeed oo qofba door geysan lahaa ayaa ay ahayd. Xilkaygiina waa aan ka gutay.

Markaas kaddib ayaan raadiyay cid daabacaaddiisa ku taageerta haweennimo ama ehelnimo. Laakiin muddo laba gu’ ah ayaan ku dhawaad faramadhan ka taagnaa. Waxaa ii soo baxay "Haweenku Dumarnimana Isuguma Hiiliyaan, Tolnimana Looguma Hiiliyo” iyaga uun baa cod, cudud, cuud iyo cayn walba ugu naxa ragga. Wuxuu noqon lahaa dhiganihii kowaad ee laga qoro haweenka hal-abuurka ah ee Soomaalida, waana hiil iyo hawl wakhti loo huray.

Dadka aan qorsheeyay in aan gaadhsiiyaa waxa ay kala ahaayeen:
1. Masuuliyiinta haweenka ah ee ku jira dawladda
2. Dalladaha haweenka sida Nagaad
3. Bulshoweynta reer Saaxil inta aan ka awoodo

Kolkii aan laba ka mid ah gaadhsiiyay ee aan warcelin xaqiiqo ah ka waayay waa aan ka wahsaday kuwii kale.

Hinda Jaamac Xirsi Wasiirka Wasaaradda Shaqogelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada 

Laba gu’ ka hor iyo ballan la sii habeeyay ayay aragtidu ahayd iyo maalinta dadweynaha ee Arbacada oo shacabku booqan karaan xafiisyada dawladda. Kolkii kowaad ee aannu fool-ka-fool u kulanno weeye, mar ayaan tilifoon kala hadlay 2014kii iyada oo WADDANI ah.

 Walaalkeed Mustafe Jaamac Xirsi oo C.I.D ku xidhnaa oo igu yidhi "Ka baxa WADDANI ayaan u xidhanahay 90 cisho” awgii baan ula hadlay. Maalin halkaas la igu bannaday ayaan warkiisa helay. Sidii waajibku ahaa codkayga waa aan ku taageeray, kama warqabo halka uu se ku dambeeyay.

2dii Jeneweri 2019ka ayaan la kulmay Hinda Jaamac Xirsi Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, waxaanan markaas u bandhigay inay door ka qaadato daabacaadda buugga Abwaan Nimco Aadan Hurre (Gabaydo) IHUN. 

In hiil dumarnimo laga rabo iyada iyo xubnaha kale ee wasiirrada ah baan u sheegay, halabuurkuna tahay gabadhii kowaad ee suugaan laga qoro, buugna laga diyaariyo. Waa ay soo dhawaysay, in miisaaniyadda la sii daayo ayay igu xidhay. Hal nuqul ayaan u dhiibay oo ay tidhi "Haweenka kale ee aan golaha wasiirrada ku wada jirno ayaan gaadhsiin.”

Mar kale ayaan la kulmay bilashadii Abril illaa sannadkaas. Waxa ay ii sheegtay in aanay gaadhsiinnin wasiirradii kale, taasna aanay wakhti u haynnin. Culayskaas waa aan ka qaaday gebi ahaan. Wixii ay iyadu awooddo ayay ii sheegtay inay ku dari doonto. 

Ugu dambayntii waxa aan ballannay 8dii Abril 2019ka, ma ay joogin xafiiskeeda. Maalin dambe ayaan xasuusin ahaan uga wacay taleefanka "Marka aan shaqada ka baxo ma aha in taleefan la iga soo dabadiro, aan ka nasto hawsha” ayay tidhi. "Haye” ayaa aan idhi. Miyaan taleefan dambe awoodaaba kkkkk

Ugu dambayn 25kii Disember 2019ka ayaa aan xafiiskeeda ugu tegay, waxa ay tidhi "Qolyaha kale inta ay bixiyaan ayaa aan bixin. Ii soo sheeg”. Hore ayaan ugu qeexayba wixii dhankeeda la gudboon. Haddana halxidhaale kale ayaa la igu taakeeyay. Dib uguma noqon, raggii kale aan gaadhsiiyay ayaaba ila meerayso noqday. 

Xitaa wardoonkii wasiirrada kale ee haweenka ayaa wahsi iga galay. Markii ugu dambaysay waxa aanu Wasiir Hinda ka wada qaybgalnay qalinjebin ay Jaamacadda Alfa ku qabatay Burco 26kii Sebtember 2020ka, meeday niyaddii lagu hor istaagi lahaa ama wax lagu xasuusin lahaa?

Cabdillaahi Abokor Cismaan Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaan dhambaal buuggan ah ugu dhiibay laba qof oo ay is-aqoon leeyihiin, isku gobolna yihiin. Dabayaaqadii 2019ka ayaa ay ahayd. Abwaannadda IHUN waa uu garanayay, deegaan ahaanna gobolka Saaxil ayaa ka soo wada jeedeen. 

Markii hore waa uu soo dhaweeyay "Maxaa aan bixiyaa?” ayuu yidhi, waanan u cayimay. Kolkii dambe isaga oo wejigiisu madoobaanayo oo wax aan buugga ahayn dhegaysan kara ayaa iigu dambaysay. Muhiim maaha in aan sii carrabaabo cidda xidhiidhkaas qaabbilsanayd.

Gebagebo
Labadaas wasiir midkoodna ma noqon doono kuwa barbar istaaga buugga laga bilaabo maanta. Marka uu jid xidhmaba waxa furma dariiq kale. Diraneyaal kale ayaa buuxina garabkaas ay banneeyeen. Rejo wanaagsan iyo in uu soo baxo 2021ka ayaa jirta haddii Eebbe idmo.

2013kii oo aan soo saarayay dhigane SAMOTALIS la yidhaahdo ayuu qof wakhti badan igaga lumiyay doorkiisii uu ballanqaaday, weliba iskay uma aan doonan ee dad ayaa noo dhexeeyay. Waxa aan wacad ku maray in aan ku xusi doono qaybta hagardaamada, haddana dad xilkas ah ayaa ka ergeeyay, kaalintiisiina ebyay.
Sidii jilitaannada xagga dambe looga raacin jiray guuldarrooyinka, waxa aan qormadan ku ladhi doonaa xaashiyo buugga ka mid ah haddii Alle idmo. Sidii ay mahadnaqa uga muuqan lahaayeen ayay meel kale ugu dhignaan. Maya iyo haa, labaduba meesha waa ay qabtaan. Ila meerayso ayaa ugu daran.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured