"Madaxwaynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Mawqifkiisa Ku Wajahan Midnimada Somalia Iyo Somaliland, Wuxu Ahaa Hadana Yahay Mid Cad Oo Aan Marna Wax Madmadow Ah Lahayn"Siyaasi Cali Guray.

0
Sunday January 03, 2021 - 01:29:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxwaynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Mawqifkiisa Ku Wajahan Midnimada Somalia Iyo Somaliland, Wuxu Ahaa Hadana Yahay Mid Cad Oo Aan Marna Wax Madmadow Ah Lahayn"Siyaasi Cali Guray.

    "Madaxwayne Muuse Biixi Oo Isagu ku Dhex Asqaysan Mugdiga Waxa Loogu Yeedho Isbedelka Cusub Ee Geeska Afrika, Wuxu u Janjeedhay Xagga Farmaajo Iyo Abiye Axmed Dan Qaran Oo Somaliland Ugu Jirin"Siyaasi Cali Guray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxwayne Muuse Biixi Oo Isagu ku Dhex Asqaysan Mugdiga Waxa Loogu Yeedho Isbedelka Cusub Ee Geeska Afrika, Wuxu u Janjeedhay Xagga Farmaajo Iyo Abiye Axmed Dan Qaran Oo Somaliland Ugu Jirin"Siyaasi Cali Guray.

Hargeysa(Xogreebnews)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf "Cali guray” oo kamid h Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka faalooda arimaha geeska Africa ayaa si qotodheer uga hadlay mawqifka madaxwayne Geelaha jabuuti ee midnimada somaliya iyo hadalhaynta dadka qaar ee sheegaya in wax iska badaleen siyaasadii ismaaciil cumar geele ee midnimada somaliya.

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa ka hadlay safarkii madaxwaynaha samaliland ku tagay dalka jabuuti iyo ujeedooyinka madaxwayne geele uu doonayay in uu ku qanciyo madaxwaynaha somalliland oo uu sheegay in aanu fahamsanayn wax ka socda geeska Africa iyo isxulafaysiga madaxda geeska


Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu kuleeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

"Madaxwaynaha Jabuuti Mudane  Ismaciil Cumar mawqifkiisa ku Wajahan midnimada Somalia iyo Somaliland wuxu ahaa hadana Yahay mid cad oo aan marna wax madmadow ah lahayn. Ka dib Safarkii Madaxwayne Muuse Biixi ee Jabuuti dad ayaa u qaatay in mawqifkiisii arinta midnimada ay jiraan wax iska bedelay balse way u qaateen eh ma jiro wax mawqifkii Madadaxwayne Geelle dhinacaa iska bedelay balse halka ay wax iska bedeleen waa xidhiidhka Muqdisho iyo Jabuuti siiba Dawladda Federaalka Somalia ee Madaxwaynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Markii ugu horeysay ee shakigu soo kala dhex galay Farmaajo iyo Geelle waynu ogayn oo waxay ahayd markii Madaxwayne Farmaajo intuu ka dul booday Jabuuti uu ka degay dalka Calatariya isagoo ogaa colaadda dhex tiilay Jabuuti iyo Calatariya iyo in dagaalba dhexmaray iyadoo dhulkii Calatariya ay dagaalka kaga qabsatay iyo maxaabiistii ciidanka Jabuuti ee ay kaxaysteen weli gacanta Calatariya ay ku jireen ilaa haddana ay ku jiraan.

Somalia oo hadda ay dhamaad tahay muddo xileedkii Madaxwayne Farmaajo ayaa u noqotay Madaxwayne Geelle fursad uu kaga aargoosan karo Farmaajo isagoo markaa u tafo xaydan sidii Farmaajo uu meesha uga bixi lahaa ee Madaxwayne cusub Somalia loogu dooran lahaa. Madaxwaynaha cusub ee Geelle uu taageersan yahay wuxu noqon karaa uun shakhsi ka soo jeeda Beesha Hawiye oo loo fili karo in uu yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hore uga soo noqday Somalia madaxwayne oo weliba lagu doortay Jabuuti xiliga si.

Madaxwayne Muuse Biixi oo isagu ku dhex asqaysan mugdiga waxa loogu yeedho isbedelka cusub ee Geeska Afrika wuxu u janjeedhay xagga Farmaajo iyo Abye Axmed dan qaran oo Somaliland ugu jirtayna may jirin balse in si gaar ah Madaxwayne Muuse wax loogu sheegay kuna qancay waa macquul haba u qarsoonaato eh. Xukuumadda Madaxwayne Biixi waxa yaab leh in  marna mawqifkeeda aanu cadayn halka ay ka taagan tahay arimaha murugsan iyo shirqoolada la isu wada maleegayo ee wadamada jaarka la ah Somaliland. Ilaa dadku ku wareeray oo la kala garan waayay yaa cadow ah yaa saaxiib ah, kuwee ayaynu isku dan nahay ee ogol in aynu wada danaysanno kuwee ayaynuse kala dan aynu nahay.,Waar yaa inagu soo maqan yaase inoo maqan? Waxaasi Muuse shaqadiisa maaha danna kama laha ee arimo isaga kala muhiimsan baa jira.

Kulankan Jabuuti ee Madaxwayne Geelle iyo Madaxwayne Muuse waa run cidda koobaad ee shakiga uu ku abuuray waxay noqotay Dawladda Itoobiya  sababo loo nisbayn karaana way jiraan. Madaxwayne Muuse wuxu u janjeedhay shakhsi ahaan dhinaca Farmaajo iyo Abye Ahmed oo kolay wax uun ku qanciyay kulankoodii ugu dambeeyay ee Addis Ababa. Markaa Itoobiya waxa laga yaabaa in ay u arkayso in  Madaxwayne Geele uu Madaxwaynaha Somaliland ka soo duwayo dhinacooda oo uu ku qancinayo in dhankiisa uu soo mariyo. Hadda garo oo waa marka ay tahay danaha iska soo horjeeda ee ay Ismaaciil iyo Abiye ka kala leeyihiin Somalia gaar ahaan farogelinta doorashada oo Itoobiya ay si cad ula safan tahay Madaxwayne Farmaajo hiil iyo hoona la barbar taagan tahay. Markaa Somaliland iyadu dan  ay ka leedahay Somaliaba ma jirto miyaa? Mise Madaxda Somaliland ayaan aragtiba ka lahayn?. Runtiina way jiraan dano Somaliland kaga xidhan Somalia oo waa dano ka muhiimsan kana waawayn danaha dalalka kale ee kala jiidanaya.

Intii Abye Ahmed uu noqday Raiisul Wasaaraha Itoobiya way cadayd in xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya ay wax wayni iska bedeleen. Laakiin nasiib darro Madaxwayne Muuse iyo wasiirkiisa arimaha dibaddu arinkaa si joogto ah ayay u dafiraan. Mararka qaarkood oo warbaahintu wax ka waydiiso jawaabtu mar kasta waxay ahayd " xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland wuxu joogaa halkii ugu wanaagsanayd”. Taas oo la og yahay in aanay run ahayn.

Markaa wuu mahadsan yahay Madaxwayne Geelle isagu danihiisaba ha ka lahaado eh hadii uu Madaxwaynaha Somaliland qanciyay oo safkii sadexda hogaamiye ee Afwarqe Abye Ahmed iyo Farmaajo ee isbedelka waalida ah waday uu ka soo reebay

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray”

Runsheeg

Hargeysa Somaliland,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured