Suxufiyiinta Somaliland oo Baaq Deg deg ah, u diray UK, Maraykanka, Midawga Yurub, Hay'addaha Taageera Saxaafadda, Xisbiyadda Mucaaradka, Shirkaddaha Gaarka loo leeyahay iyo Gollaha Wakiiladda.

0
Sunday January 03, 2021 - 18:07:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufiyiinta Somaliland oo Baaq Deg deg ah, u diray UK, Maraykanka, Midawga Yurub, Hay'addaha Taageera Saxaafadda, Xisbiyadda Mucaaradka, Shirkaddaha Gaarka loo leeyahay iyo Gollaha Wakiiladda.

    Suxufiyiinta Somaliland oo Baaq Deg deg ah, u diray UK, Maraykanka, Midawga Yurub, Hay'addaha Taageera Saxaafadda, Xisbiyadda Mucaaradka, Shirkaddaha Gaarka loo leeyahay iyo Gollaha Wakiiladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suxufiyiinta Somaliland oo Baaq Deg deg ah, u diray UK, Maraykanka, Midawga Yurub, Hay'addaha Taageera Saxaafadda, Xisbiyadda Mucaaradka, Shirkaddaha Gaarka loo leeyahay iyo Gollaha Wakiiladda.
Hargeysa(xogreebnews)-Mudanayaal, sidaad ka warqabtaan waxa dhawaan dhacay afduubkii Ururkii Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxay Xukuumaddu ka dhigtay Waax hoos tagta Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo hab-boob oo kale, shaqaalaheedii Wasaaradda Warfaafintu ugu gacan-gelisay masiirkii ururkii Suxufiyiinta Somaliland ee solja.
Haddaba, madaamma oo dawladdaha iyo ururadda  UK, Maraykanka, Midawga Yurub, Hay’addaha Taageera Saxaafadda iyo Xisbiyadda Mucaaradka  ay taageeraan nidaamka dimuqoraadiyadda iyo Xoriyatal qorlka waxa muhiim ah, in si gaar ah, loola socodo afganbiga ay Xukuumadda madaxweyne Muuse ku qabsatay Ururki Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.


UK, Maraykanka, Midawga Yurub, Hay’addaha Taageera Saxaafadda, waa inay ka foojignaadaan taageeradii dhaqaale ee la siin jiray ururkii SOLJA ee hadda xukuumaddu afduubka ku qabsatay, ilaa lag heshiinayo ama labba urur oo  siman oo midna dawladdu leedahay midka warbaahinta Xorita ah laga sameynayo. Waa in laga joojiyo wixii taageero dhaqaale ee la siin jiray ururkii SOLJA, ee hadda la afduubay. 
Golaha Wakiiladda Somaliland waxa ku waajib ah, inay joojiyaan miisaaniyadda lagu bixiyo magacaga Suxufiyiinta ee SOLJA, inta lagu heshiinayo labba urur ama doorasho danbe oo xalaal ah, Shirkaddaha waaweyn ee taageeri jiray Ururka Suxuifyiinta ee SOLJA iyaguna waxa waa in aysan wax taageero ah, u fidin ururka inqilaabka lagu qabsaday ee SOLJA, ilaa inta xal laga gaadhayo khilaadka ay Sababtay Wasaaradda Warfaafinta oo wakiil u ah, xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Ugu danbeyn waxa uu xanbaarsan yahay baaqan ay soo saareen  aqlabiyadda Suxufiyiinta Somaliland in si dhaw loo tixgeliyo, lana dhawro Xoriyatul qolka Dalka.
Dhammaad


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured