Dilaalka Maayirka Hargeysa Agaasime Khadar Bohosha oo Kadeed ku Haya Bulshada iyo Saxeexyada Maayirka oo u Fulintiisa ku Xidho Laalush Xadhka Goostay....
Dilaalka Maayirka Hargeysa Agaasime Khadar Bohosha oo Kadeed ku Haya Bulshada iyo Saxeexyada Maayirka oo u Fulintiisa ku Xidho Laalush Xadhka Goostay....
Hargeysa(xogreebnews)-Bulshada Somaliland ee ku dhaqan Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa Tacadiyo iyo dulmi joogta noqday ku qaba Dawlada hoose ee Magaalada Hargeysa, iyagoo adeeg xumo iyo dalbasho Laalush oo aan gaba-sho lahayn kala kulma marka ay adeeg uga baahdan.
Maayirka Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa shaqaale tiro badan qaraabo kiil ku keensaday waaxyaha muhiimka ah ee dawlada hoose ee Hargeysa, iyagoo shaqaalihiisuna Shacabka ku noqdeen kuwo dhiig-miirato ku ah oo dhamaantood wada noqday Maayir, isla markaana midkii walbaa qofka adeeg uga baahdo ka doonayo Laalush aanu qaadi-karin.
Xoggaha laga helayo dawlada hoose ee Hargeysa iyo Masuuliyiinta sida badheedhka ah Bulshada ugu haya hadidaada iyo Laalush waydiinta aan geedna loogu soo gaban waxa ugu horeeyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dawlada hoose ee Hargeysa Khadar Xuseen Cali oo loo yaqaan 'Khadar-Bohosha', kaasoo noqday dilaalka Maayirka, isla markaana ku shaqaysta awooda Maayirnimo. Waxana bilihii u dambeeyey si weyn isu-soo taraya inuu Laalush ku xisho cid kasta oo wadata Saxeexa Maayirka.
Sidoo kale, Agaasime Khadar Bohosha waxa uu dagaal hoose kula jira hanka Musharaxnimo ee Maayirka xilka xigaalnimada ugu dhiibay, isagoo hor istaaga saxeexa Maayirka, kuna xidha fulinta saxeexaas in aanu samaynayn ilaayo Jeebka loogu shubo Lacag. La soco xogo dheeraada oo ku saabsan Tacadiyo iyo Laalushka xadhka Goostay ee ay Bulshada ku hayaan Masuuliyiinta ku shaqaysta shaadhka Maayirka iyo kadeedka ay Bulshada uu ku hayo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Dawlada hoose ee Hargeysa. Leave a comment |
|