Shirkadda Diyaaraddaha Ugu Waaweyn Qaaradda Afrika Oo Duulimaadyo Ka Bilaabaysa Somaliland.

0
Wednesday January 06, 2021 - 18:42:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Diyaaraddaha Ugu Waaweyn Qaaradda Afrika Oo Duulimaadyo Ka Bilaabaysa Somaliland.

    Shirkadda Diyaaraddaha Ugu Waaweyn Qaaradda Afrika Oo Duulimaadyo Ka Bilaabaysa Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Diyaaraddaha Ugu Waaweyn Qaaradda Afrika Oo Duulimaadyo Ka Bilaabaysa Somaliland.

Hargeya(Xogreebnews)Shirkadda Diyaaraddaha ee Uganda Airlines ayaa sheegtay in ay duulimaadyo cusub ka bilaabi doonto wadamo ay ku jirto Somaliland,iyada oo diyaarad cusub kusoo kordhin doonta diyaaradeheeda bishan aynu ku jirno.

Diyaaradda shirkaddu ay kusoo kordhinayso diyaaradeheedii hore u shaqayn jiray  ayaa nooceedu noqon doona Airbus A330,waxaanay noqon doonta diyaaraddii labaad ee Airbus ah ee ay shirkadaasi yeelato.


Shirkadda Uganda Airlines oo shaqadeeda bilawday 28 August ee sannadkii 2019-kii ayaa duulimaadyo hore ugu tegi jirtay wadamada Kenya , gaar ahaana magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi, caasimadda Tansaaniya ee  Darasalaam, Kilimanjaro, caasimadda South Sudan ee Juba, Caasimadda Bujumbuura ee dalka Burundi,Dubai,London Mumbai , Goonshu  iyo magaalooyin kale.

Diyaaraddan cusub ee shirkadda Uganda Airline ayaa dhowaan ka bilaabi doonta duulimaadyo sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu qoray warsidaha NewVision oo ay wakaaladda wararka ee SOLNA warkan kasoo xigatay  wadamada Somaliland oo ay magaaladda Hargeysa ee caasimadda ah duulimaadyo ku iman doonto,Lusaka oo Sambia ah, Harare oo Zimbaabwi ah, Johansburg oo Koonfur Afrika ah,Jabouti iyo Ethiopia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured