Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Aan Weli Ka Hadal Heshiiska Qadar & Sucuudiga Oo Ay Hore Somaliland U Kala Taageertay!.

0
Thursday January 07, 2021 - 20:36:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Aan Weli Ka Hadal Heshiiska Qadar & Sucuudiga Oo Ay Hore Somaliland U Kala Taageertay!.

    Milicsiga Shirkii Deg-degga ahaa Ee Golihii Wasiirrada Ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo xidhiidhka ugu jareen Qadar, 10 June, 2017

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milicsiga Shirkii Deg-degga ahaa Ee Golihii Wasiirrada Ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo xidhiidhka ugu jareen Qadar, 10 June, 2017
Hargeysa (Xogreebnews)-Waxa Xuduudaha isku furay Dawladaha Qadar iyo Sucuudi Carabiya, ka dib khilaaf siyaasadeed oo soo taagnaa saddexdii sanadood ee u dambeeyay.
Sucuudiga iyo Dalalka Xulafada la ah ee Imaaraatka Carabta, Baxreyn iyo Masar, ayaa xidhiidhka u jaray Qadar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha xagjirka ah, iyagoo xayiraad diblomaasiyeed, mid ganacsi iyo mid safarba ku soo rogay Qadar.
Laakiin, dedaallo khilaafkaasi xal loogu raadinayey oo ay muddo soo wadeen Dawladaha Maraykanka iyo Kuwait ayaa doraad guulaystay, waxayna Sucuuciga iyo Qadar isku fureen xuduudka ay wadaagaan.
Markii Sucuudigu uu furay Xuduudihii dhulka iyo Cirka, waxa Magaalada Riyaadh tagay Amiirka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani, kaasi oo aqbalay Marti-qaad uga yimid boqorka Sucuudiga Salmaan, waxaanu Amiirka Qadar ka qayb-galay Shirka Iskaashiga Dawladaha Khaliijka oo halkaa ka dhacay.


Inkasta oo ay heshiiyeen isla-markaana xuduudaha isku fureen Sucuudiga iyo Qadar, haddana waxa jiray in markii khilaafku soo kala dhex galay uu dagaalkooda diblumaasiyadeed saamayey meelo kala baxsan Dalalkooda isla-markaana u gudbay Dalalka Bariga Afrika oo ay ku jiraan Somaliland iyo Soomaaliya.
Somaliland
Imaaraadka oo dagaalka Qadar xulafo kula ahaa Sucuudiga, sidoo kalena Saaxiib la ah Somaliland oo uu Maalgeshi ka sameeyay, ayaa dhaqdhaqaaqyo uu sameeyay waxay Somaliland taageertay Xulafadii uu Sucuudigu hoggaaminayey, halka ay ka soo horjeedsatay Qadar, iyadoo sheegtay inay xidhiidhka u jartay Dawladda Qadar.
Dr. Sacad Cali Shire oo xilligii ahaa Wasiirkii arrimaha dibedda ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed-siilaanyo ayaa Warbaahinta u akhriyey go’aamo ay Golaha Wasiirrada Somaliland ku soo saareen mowqifka khilaafka Qadar iyo Xulafada Sucuudiga, waxaanu yidhi  "Somaliland iyadoo ka soo horjeedda Xagjirnimada iyo Cid kasta oo taageerta Xagjirnimo, JSL iyadoo tixgelinaysa ilaaqaadka Taariikhiga ah ee dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waddamada Khaliijka, waxay Golaha Wasiirradu isugu yimaaddeen shir aan Caadi ahayn, shirkaasi wuxuu ku saabsanaa khilaafka siyaasi ee ka dhexeeya dalalka Khaliijka iyo Mowqifka JSL ay ka qaadanayso. Sidaasi darteed Shirka Golaha Wasiirrada waxa ka soo baxay inay Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerayso mowqifka iyo Aragtida ay Dalalka Imaaraadka iyo Sucuudigu ka qaateen khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo dalka Qadar.”
Waxa xusid mudan in xilligaa Somaliland sheegtay inaan Hawadeeda isticmaali karin Cid aan amar ka ka haysan.
Soomaaliya
Laakiin, Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa xilligaa qaadatay Go’aan ka duwan ka ay qaadatay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayey Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumaddii Raysal-wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre ayaa khilaafka soo kala dhex galay Qadar iyo Sucuudiga iyo Xulafadiisa Mawqif dhexdhexaadnimo, go’aankaasi oo ay ku adkaysatay, inkasta oo la sheegay culays dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeedba ay saareen xulafada Sucuudigu.
Maanta
Markii uu soo baxay Warka sheegaya inay heshiis gaadheen Dawladaha Qadar iyo Sucuudigu, waxa Dawladda Soomaaliya soo saartay War-saxaafadeed, waxayna sheegtay inay soo dhaweynayso heshiiskaasi.
Hase-yeeshee, Dawladda Somaliland oo la safnayd dhinaca Sucuudiga iyo Xulafadiisa ayaan illaa hadda ka hadal heshiiska la gaadhay, waxaana suurto-gal ah in aanay ka hadalkiisa ugu deg-degin sidii ay ugu kala xaglisay labada dhinac markii uu khilaafku jiray.
XIGASHO; WARGAYSKA GEESKA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured