CODKA GACMAHA DADKA AYUU KUJIRAA ? GUULNA WAA WALI INTA....?. Qalinkii Xasan Jirde Maxamuud.

0
Wednesday January 13, 2021 - 02:08:35 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CODKA GACMAHA DADKA AYUU KUJIRAA ? GUULNA WAA WALI INTA....?. Qalinkii Xasan Jirde Maxamuud.

    CODKA GACMAHA DADKA AYUU KUJIRAA ? GUULNA WAA WALI INTA....?. Qalinkii Xasan Jirde Maxamuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CODKA GACMAHA DADKA AYUU KUJIRAA ? GUULNA WAA WALI INTA....?. Qalinkii Xasan Jirde Maxamuud.
Guud ahaan gobolada somaliland waxa laga dareemayaa abaabulka iyo soo xulista xildhibaanada u tartamaya golaha wakiilada iyo goloyaasha deegaanka ee degmooyinka wadanka 
Waxana hirdan xoogle  ka dhexjiraa beelaha kaas oo ay ku loolamayaan murashaxiinta damaca leh 
kala hororsiga ama kala jiidashada kursigu waxa uu sababi karaa burbur kuyimaada beelaha iyo xifaaltan ka dhexqarxa cidii aan umarin sida ugu haboon ee lagu kala bixi karo 
Waxaan ogayn markhaatina inooga ah  xanaftii ka dhalatay  doorashadii madaxweynu  taas  oo madaxweyne MUUSE BIIXI CABDI afkiisa inoo sheegay inay xalinteedu mudo dheer ku qaadatay 
Si hadaba taa looga fogaado  waxa haboon 


#1    . In talada laga qayb galiyo dhamaan cida ay khusayso hawshu 
#2.    In la dhagaysto dhalinyarta  aqoonyahan iyo dumarka  bulshada oo ah cudud aan la iska indho tiri karin laguna jabi karo hadii la iska dhago mariyo 
#3 in lajoojiyo nin jeclaysi gaarka ah dhamaan tartamayaashuna sinaadaan oo xeerka  mid loo adeegsado kuwa kalana saameyn ku yeesho 
#4 inan la odhan maxay tahay ee maxay ku samaanysaa layidhaa 
#5:in la qanciyo kickasta oo tabasho qabta ama si gaara wax u aragta ee aan faquuqa la is odhan
#6: in dhamaan siyaasiyiinta, cuqaasha , madaxda dawlada iyo bulshaduba ka shaqeeyaan danguud kana taanaa sulaan xifaaltanka dhexdooda yaala  
#7: inaan hebel hebel kale oo beri wax dhexmareen umuuqan taas darteen u galaafan hamiga bulsho dhan 
#8 : inaanay cidina isku arag inay iyadu xoog waxkumeel marin karto hogaan kana maroorsan 
9 Inay siyaasiyiintu iska ilaa liyaan in  damocoodu kala kexeeyo  bulshooyin walaalo ah  oo wada nool 
#10:   inaan bulshada hebel sigaar ah loogu calaamadin isagoo  laga yaabo inuu isagu uga lexjeclo badan yahay bulsha iyo beeshaba cida eryanaysa 
11 :inan cidna iska indho tirin waaqaca horyaal si ay u meelmaro rabitaan koodu 
12. In la dhawro isku duubnaanta wada jirka iyo wax isku ahaansha bulsha sitaa loo helana lamuujiyo isku tanaasul dulqaad iyo adkaysi 
13: in xisaabta lagu darsado in codku kujiro gacmaha dadka ee aaanu ahay wax meelyaal oo cidi kaligeeed go aan ka gaadhayso 
 
Hadaba hadii intaa iyo inkale oo badan lawaayo waxa iman doonta Guuldarooyin dhaca  in meel dheer wax laga doon-doono 

QALINKII XASAN JIRDE MAXAMUUD (MUUMIN )

ALLE MAHAD LE


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured