Barta Afsoomaaliga Barta Q,6'aad. Geel Ma waa Gaal míse waa Geel? Midkee se hor Baxay?

0
Thursday January 14, 2021 - 07:59:47 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barta Afsoomaaliga Barta Q,6'aad. Geel Ma waa Gaal míse waa Geel? Midkee se hor Baxay?

    Barta Afsoomaaliga Barta Q,6'aad. Geel Ma waa Gaal míse waa Geel? Midkee se hor Baxay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barta Afsoomaaliga Barta Q,6'aad. Geel Ma waa Gaal míse waa Geel? Midkee se hor Baxay?

Dadka Soomaalida ahi waa Dad kasoo jeeda Ummad Xoolo dhaqato soojireen ah, sidaa awgeed xoolaha ay dhaqdaan ama Maallaan ayuu Magacu ugu bixi jiray, Hadaba intii SOOMAALKU magaca Guud Noqday, ayaa Geelna dhaqashadiisu Tisqaaday, Geel Soomaalida wuxuu u Noqday Boqorka Cuudka ay dhaqdaan, hase yeeshee Geelu maaha Cuudka Soomaali Magacu uu karaacay!, Sikastaba ha ahaatee Geel wuxuu yahay Soomaali u shariximaayo, waayo, Soomaalida Geelu waa u Lacag Nool!, Oo Mag iyo Yaradba Geel ayey ku kala qaataan, sidaa awgeed Geel waa Lacag, Lacagna waxay tahay Ciddi war ugama baahna.

Marka hore Geel iyo Gaal maxay kala yihiin? Geel Iyo Gaal waa laba Eray oo MAGAC ah oo isku wax u Magac ah, labada Eray waa Afsoomaali isku mid ah, hayeeshee waa Kala lahjad, Afka Soomaalidu waa laba Lahjadood, MAY TIDHI iyo MAXAA TIDHI, sidaa aawadeed, Geel MAYga waa GAAL, MAXAA gana waa GEEL, markaa Geel waa Gaal, Gaalna Waa Geel.


Waa hagaag labadii Eray ee Geel iyo Gaal waxay Noqdeen isku mid, Su'aasha Xigtaa waxa weeye Geel iyo Gaal labada Magac midkee horyimid?

Waa in Runta loo kala sheegaa, Gaal-jirka iyo Geel-jirka, Ulo Gallool ah iskugu dhiibimayno, oo is dhengedeeya odhan mayno, Afarta Geelana Booba odhan mayno, ee Sidii Geesigii Ina Sanweyne  Gar aan Eex, Godob, Callool-kusid iyo Gocosho lahayn aan u Qaadno, Erayadan Afsoomaaliga ah ee Doob-dhabanaaya,

Sidaan kor Ku xusay Cuudka Soomaalidu Dhaqato Geelu waa Ka ugu danbeeyey Maal dhaqashadiisu, taa waxaynu Ka dheehan karnaa in Geela, Agabka lagu maalo Cuud iyo Ood Xero, labadaba looga horreeyey, sidaa awgeed Geel Agabkiisa ama weelkiisu waa mid Laga minguuriyey wixii hore u jiray, taas oo inoo sahlaysa in aynaan meel dheerba wax Ka dayin, waayo, Geel Hadhuubka lagu Maalo ayuu Agab leeyahay, bal hadaba aynu eegno erayga Hadhuubka la raaciyo, Hadhuubka Geela Afsoomaaliga Dhaladka ah waxa lagu yidhaahdaa HADHUUB-GAAL!, Maaha Hadhuub-geel!, Horaa loo Yidhi Markaad Geel Dhaqatidbaa Gaawaha loo cushaa!, Sidaa aawadeed Nin aan neef Geel ah haysan miyuu  Hadhuub madhan sidanayaa? waa Maya! Erayga GEEL waxa kasoo horreeyey Erayga GAAL taas oo iyana Caddayn Dheeraad ah u ah in Soomaalida ku Hadasha Lahjada May-tidhi ay yihiin Soomaali Dadkii Dhaqashada Geela ugu Horreeyey , Guushii Erayada, Gorof, Gaawe, Hadhuub iyo Geeliiba GAAL-JIROW wada qaado, Gaal waa Geel, hase yeeshee GAAL ayuu ahaa Godlintiisii ugu horaysaY, Gartiina sidaasay ku dhantahay ee HADHUUB-GAALKIINA kala qaata.

Fuad Fartaag      14-01-2021

Arday Looxle ah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured