Wiilkii Yaraa Ee Macalinkiisa Balamiyey! .W/Q: Amb.Abbas Ahmed Abbas

0
Thursday January 14, 2021 - 19:57:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilkii Yaraa Ee Macalinkiisa Balamiyey! .W/Q: Amb.Abbas Ahmed Abbas

    Wiilkii Yaraa Ee Macalinkiisa Balamiyey! .W/Q: Amb.Abbas Ahmed Abbas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilkii Yaraa Ee Macalinkiisa Balamiyey! .W/Q: Amb.Abbas Ahmed Abbas
Iba furka maqaalka: Wiil yar ayaa waydiiyey macalinkiisii markuu xiisada dhameeyo in uu firaaqo u hayli karo? wuxuu rabay in uu si gooni ah ula hadlo, waxaanu ugu jawaabay haye! wakhtigii markuu gaadhay ayuu macalinkii willkii ku yidhi haye maxaad ii sheegi lahayd? wiilkii yaraa ayaa yidhi waxaan dareemayaa in aan aniga iyo fasalkan isu heer ahayn. waxaan kaa codsanayaa hadii aad ii awoodid in aad igu dartid ardayda dugsiga sare? jawaabta macalinkaynu ka sugeynaa!. 
Waayadan danbe waxaa isasa soo taraya qayladhaan in hayadihii dowliga ahaa sida wasaarada iyo xarumaha kale ee la midka ah ay adkaatay in masuuliyiinta xilalka hayadahaa loo igmaday aanay u madaxbanaanay xilalkooda, ayna jiraan masuul walba koox ama tiro dad ah oo marjac u ah shaqooyinka hayadahaasi qabtaan, kuwaas oo gabi ahaanba maroorsaday shaqadii iyo masuuliyadii hayadaasi ka saarnaa waajibaadka loo igmaday in ay u fuliyaan sidii la rabay. kooxdaasi oo isu hayb ah ama wadashaqeysta danahooga gaarka iyo danacoogu walaaleeyey isuna rara. Masuul walbana ku qasba in uu awood u yeelan waayo fulinta waajibaadkii loo igmaday kuna kalifa in uu raaco iyaga talooyinkooda qalad iyo saxba, cida awaamiirtaa diidana loo raro. 


Hadaba hadii aynu kooxdaa iftiimino ama aynu is yara dultaagno waa koox ka kooban (different departments) balse isu hadaf ah ayna ugu weyn tahay waaxda maamulka iyo lacagaha ( admin and finance department) iyo waaxda shaqaalaha ( department of  human resource) sidoo kale waxaa soo raacda (the two secretaries of the minister and the director general) balse aan waaxo ahayn matalase. kuwaa oo u sahla in ay u fududeeyaan damacooga shaqsiyadeed kooxdaasi. waxaana (restriction) lagu sameeyaa warqad walba oo galaysa kana baxaysa xafiiska wasiirka iyo ka agaasimaha guud iyadoona (update) warbixintiisa laga sii siiyo qofkasta oo arini ka gasho labadaa masuul. ka dibna lagu kalifo in uu go'aan gaadhi kari waayo ama warbixinta qaldan ee la siiyey uu u hogaansamo isagoo baadhitaan sameyn. waxaa iyadna jirta arin kale oo qarsoon la iskana indhatiro balse shacab iyo masuuliyiinba ku baraarugsan yihiin aanayse diyaar u ahayn in wax laga qabto. sida arinta kala xigteysiga shaqaalaha hayadahaas ninka kuu hogaansan ee qalad iyo sax kugu taageerana in uu ku maalo (Breastfeeding) ninka kalena uu masuulku dhengadeeyo. 
Arimahaasi iyo kuwo kale oo badanba waxay ragaadiyeen in qarankani noqdo mid gudihiisa isa sixi waayo. iyadoo weelka biyaha lagu cabayaa wasaqeysan yahay hadana dusha sare laga cabo. hadaba mudane madaxweyne waxaan kaala talinayaa in aad noqoto wadaadkii weysadiisa xalan waayey.

iba xidhka maqaalka: Lax ninkii loo lalabay ee leexo ku lilooday - Leylsamiba waayee hadana laxanka loo loogey - liqiwaayey aniguye miyuu laaca ka idleystay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured