WARKA IYO HEERKA UU NOLOSHA AADAMAHA KAGA JIRO. Qalinkii C/risaaq Abshir

0
Thursday January 14, 2021 - 20:14:58 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARKA IYO HEERKA UU NOLOSHA AADAMAHA KAGA JIRO. Qalinkii C/risaaq Abshir

    WARKA IYO HEERKA UU NOLOSHA AADAMAHA KAGA JIRO. Qalinkii C/risaaq Abshir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WARKA IYO HEERKA UU NOLOSHA AADAMAHA KAGA JIRO. Qalinkii C/risaaq Abshir

Marka laga hadlayo war iyo wacaal waxay nolosha bani'aadamka kaga jiraan kaalin lama-huraan ah , waxaanu warku ka mid yahay baahiyaha daruuriga ah ee bani'aadamka .Waxa la aaminsan yahay in ilaa maalintii Adduunka la abuuray ilaa maantadaa la joogo uu warku kaalin wax ku ool ah kaga jiro nolosha bani'aadamka marba heer iyo marxalad uu taagnaaba iyadoo aanay jirin qalab war-faafineed hadana warku waa mid ay kala heli jireen dadyowga isku afka ahi .

Inaga ka soomaali ahaan bulshadeenu marka ay subaxdii soo toosaan waxay isku salaamaan marka laga yimaado salaanta islaamka 


Waar bal iska warama 

Ma barideen 

Khayr sheega 

Sidee layahay 

Sow Nabad maaha 

Xitaa labada qof een is garanayn haday iska hor imaadaan amaba meel kale ku kulmaan war bay isku gudbiyaan amaba is weydaarsandaan   iyagoo adeegsanaya " Iska-Warama iyo Sidee la yahay" 

Dadkeenuna waa wada weriye , marka laga yimaado agabka warbaahinta casriga ee Jaraa'id leh ee idaacadd leh ee Television iyo baraha bulshada leh ee aynu maanta joogno hadana waxa jira goobo warbaahineed oo dhaqan kuwaasi oo ay bud-dhig uyihiin goobaha laysugu yimaado ee ay ka midka yihiin 

→Masaajidka oo hadii la tukado dadku war isku gudbiyo 

→ Goobaha lagu qaxweeyo ee maqaaxiyaha 

→ Gaadiidka dad-weynaha eey kamidka yihiin Bajaajta , basaska, iyo Tagaasiduba 

→ Sitaadka , Taraaraha, Afartan-baxyada , diiqada ay dumarku qaadaan.

→ Geerida iyo Xabaalaha 

→Sayladdaha iyo suuqyada wax lagu kala iibsado ayaa iyaguna war laysku weydaarsadaa oo ninka sayladda keenay xoolaha ee reer miyiga ahi waxa uu ka waramaa waayaha lagaga sugan yahay dad iyo duunyoba nabad iyo colaad wixii lagu sugnaa Abaar iyo Barwaaqo xilliga lagu jiro , dhanka magaaladana warbuu ka qaadaa ah sida magaalada lagu yahay qiimaha Alaabta iyo xoolaha iyo weliba xaalka magaalo lagaga suganyahay.

Wararkaa laysku gudbinayaa ee dadku wada doonayo inay ka war-helaan amaba wax ka ogaadaan waxa walba wuu noqon karaa hadii dagaalo u dhexeeyaan cid waxa laga war-doonayaa halka ay colaadaasi marayso , inta ku qudh-baxday , labada dhinac eey kala yihiin , iyo wax caynaakaasa , maceeshada way ka war-doonaan, Arrimaha qofka u gaarka ah waa layska waraystaa , Abaar iyo barwaaqo waa layska waraystaa wax kasta oo nolosheena ku xeeran waynu iska waraysanaa doon-doonaana inaynu wax ka ogaano .

Soomaalidii horena waabay u duceyn jirtay qofka warka sida maahmaahyo badana way ka yidhaahdeen soomaalidu warka iyo hubsiimadiisa amaba sugnaashihiisa

* Waran oo laguuguma waramo 

* la waari maayee waayo joog

* Wiilkaaga mooyee walaalkaa kuma dhaxlo

* Waran cadow iyo caadaba la'aw 

* waxyeelo iyo cudurba la'aw 

  • War jiraaba cakaaruu iman 

  • War la'aani waa dhego la'aan

  • War xumi dugsi ma fadhiisto 

  • Wixii faq lagu sheego fagaaray tagaan

  • Waxaanad Filanayn iyo Fallaari way kaa fajiciyaan 


  • Waa lagu shareeraa waxay sheegtaba ha weydee 

War ayaa nolosheena aad ugu badan .

W/Q: C/risaaq Abshir 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured