Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Xafiiskiisa Kulan Muhiima kula Qaatay Saraakiisha Sar-sare ee WFP, Kana Codsaday In Maraakibtooda ugu Badani Isticmaasho Dekeda Berbera...

0
Monday January 18, 2021 - 06:01:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Xafiiskiisa Kulan Muhiima kula Qaatay Saraakiisha Sar-sare ee WFP, Kana Codsaday In Maraakibtooda ugu Badani Isticmaasho Dekeda Berbera...

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Xafiiskiisa Kulan Muhiima kula Qaatay Saraakiisha Sar-sare ee WFP, Kana Codsaday In Maraakibtooda ugu Badani Isticmaasho Dekeda Berbera...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Xafiiskiisa Kulan Muhiima kula Qaatay Saraakiisha Sar-sare ee WFP, Kana Codsaday In Maraakibtooda ugu Badani Isticmaasho Dekeda Berbera...
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti sare oo ka socda Haayada Cuntada aduunka u qaabilsan qaramada Midoobay ee WFP.
Maareeyaha iyo Saraakiisha WFP, ayaa si weyn iskaga xaal-waraystay horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera sanooyinkii u dambeeyey. Sidoo kale Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu ka dalbaday in Haayada WFP ay kordhiso Isticmaalka Dekeda Berbera, isla markaana kusoo xidho maraakibta waaweyn ee u sida caawimada Somaliland iyo Dalka Itoobiya. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan. 
"Waxa aan kulan kula yeeshay Xafiiskayga, Madaxa Hay'adda WFP Somaliland, Mudane Maxamed Satti, Madaxa Hay'adda WFP Berbera, Mudane Frederick Asamoa iyo Mudane Bilaal. Kulankan oo  aannu kaga wada-hadalnay, Sidii ay Hay'adda WFP u kordhin lahayd Maraakiibta WFP ee isticmaasha Dekedda Berbera. Maaddama oo Dekedda lagu sameeyay Horumarin iyo Casriyeyn, Dhawaana si rasmi ah loo isticmaali doono. Sidoo kale waxa aannu isla-qaadanay in ay muhiim tahay xoojinta xidhiidhka labbada Hay'adood (Hay'adda Dekedaha Somaliland iyo Hay'adda WFP)".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured