Xogo Laga Helay Tirada Ciidamadda Somaaliya Ee Ka Qayb Galay Dagaalkii Gobolka Tigrayga Ee Dalka ETHIOPIA Iyo tirada Ku Dhimatay.

0
Monday January 18, 2021 - 19:05:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Laga Helay Tirada Ciidamadda Somaaliya Ee Ka Qayb Galay Dagaalkii Gobolka Tigrayga Ee Dalka ETHIOPIA Iyo tirada Ku Dhimatay.

    Xogo Laga Helay Tirada Ciidamadda Somaaliya Ee Ka Qayb Galay Dagaalkii Gobolka Tigrayga Ee Dalka ETHIOPIA Iyo tirada Ku Dhimatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogo Laga Helay Tirada Ciidamadda Somaaliya Ee Ka Qayb Galay Dagaalkii Gobolka Tigrayga Ee Dalka ETHIOPIA Iyo tirada Ku Dhimatay.
Addis (Xogreebnews)- In ka badan 370 askari oo ka mid ahaa Ciidamada Somalia ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea, ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalkii qadhaadhaa ee ka dhacay Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya, iyaga oo ka barbar dagaalamaya Ciidanka Itoobiya.
Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay inuu helay xog sheegeysa in askartii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea ay qaarkood ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.


Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in loo xaqiijiyey geerida 370 askari oo ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea.

"Baadhitaan iyo xidhiidho aan la sameeyey meelo kala duwan, waxaa la ii xaqiijiyey in ciidanka Soomaalida ah ee dagaalka gobolka Tigray dhanka Eritrea ka soo galay ay gaadhayaan illaa (4-kun) afar kun oo askari, kuwaas oo ka barbar dagaalamayey ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ee dagaalka adag la galay kooxdii TPLF,” ayuu yidhi Taliye Cabdisalaan Guuleed, waxaanu intaasi ku daray  "Waxyaabaha aan aad uga naxay ee nasiib darrada ah waxay tahay, in la ii sheegay in ku dhawaad 400 (afar boqol oo askari) ay ka dhinteen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey Eritrea, boqolaal kalena ay dhaawac yihiin, dhaawacyadoodiina lagu celiyey dhulka Eritrea.”
Sarkaalkani waxa uu sheegay in saraakiil Itoobiyaan ah oo uu la xidhiidhay ay u sheegeen in dhimashada soo gaadhay askarta reer Somalia  ay aad u badan tahay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha Itoobiyaanka ah ay u sheegeen in ciidanka Soomaalida ah ee dagaalkaas galay ay hoggaaminayeen saraakiil Eritrean ah, waxaanu sarkaalkan hore uu xusay in Farmaajo ogolaaday in Askartu dagaalka ka gasho.
Wargeyska Saxansaxo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured