Barta Afsoomaaliga Barta Q,8aad Qabyaalada Erayada ABOOWE, HUUNO iyo WALAAL.

0
Thursday January 21, 2021 - 06:15:09 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 590
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 6
  • 6 0
  • Share via Social Media

    Barta Afsoomaaliga Barta Q,8aad Qabyaalada Erayada ABOOWE, HUUNO iyo WALAAL.

    Barta Afsoomaaliga Barta Q,8aad Qabyaalada Erayada ABOOWE, HUUNO iyo WALAAL.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barta Afsoomaaliga Barta Q,8aad Qabyaalada Erayada ABOOWE, HUUNO iyo WALAAL. Qormadan waxaynu ku Qaadaa Dhigi doonaa Qabyaalada Ereyada, Qabiilkii Magaciisu Ka Muuqanwaayo Maqaalkan yaanay ii arkin in aan Qaabiilo Gaar ah ku Buunbuuninaayo!, Taas Iyo beeni reeban.
Afsoomaaligu waa AF ah Afaf, taa Waxa Caddayn u ah Erayada Aboowe, Huuno iyo Walaal, waa saddex Eray oo isku dhigma ama Isku Macno ah Afsoomaaliga, Sidee ayey Ku dhacday in Af HAL ah ama Af Qudha ah ama Mid ah, in uu yeesho Saddex Eray oo qaro-weyn oo Isku mid ah? Waxbaa Siya!, Afafka Aduunka lagaga Hadlo, Kasoo helimaysid AF Sida Afsoomaaliga ah!, Waayo?, Afsoomaaligu waa AF ah Afaf, waa AF Guun ah oo Cimrigii aanay Noolayn, Dhanka kale Afsoomaaligu waa AF ah Eray-Biirsi, Afafka Aduunku malaha Taas, waxay leeyihiin Eray-Bedel, Sidaa awgeed Afsoomaaliga Erayadii Afka Bilowgiisii ayaa Afkii Ku dhex Jira oo lagu Hadlayaa weli, Kumanaan Sanadood dabaddood!, Taana waxa Caddayn u ah, Ummadii Afkan ku Hadli Jirtay Horteen, ee aynu Ka JOOGNO, waxay ahaayeen kuwii yidhi "Waari mayside War hakaa hadho" sidaa awgeed Waxa ay Ka tegeen, Taariikh Qoran oo Taxan Kumanaan sano, oo ku Qoran Afkii Hooyo, Taana waxaan Ka leeyahay "Waxaan JIRIN Dad, JAAHIL baa usheega".
Haddaba Dabagalkii Erayada Waxa aan Ka daalacday in Isku darkii Afafka Erayada Lookala Qabyaaladeeyey, Waayo?, Labada Eray ee Aboowe iyo Huuno, waa Laba Eray oo Guun ah, sidaa awgeed, Isku darkii Afafka ka hor, laba eray oo Isku Macno ah May ahayn, Halka erayga Walaal uu la kowsaday Isku darkii, maaha Saddex gudboon,
Erayga Abo ama Aboo = Ab = Adoo = Aw = Aabo, Markaa Aboowe = ina-aabo ama kuu Aabahay dhalay, Waa Eray Qiraaya wada-dhashi Dhiig, Ab iyo isir,
Erayga Huuno isagu Afka Hooyo Ka Hor waxa uu ahaa Eray udhigma erayga HABAR Waayo waxa uu Ka mid ahaa Erayada ugaarka ahaa Habar Hooyo horteed, waxa uu la hal maali Jirtay Erayadii HABARI Ubadka ugu yeedhi Jirtay,( ila-soco Waa erayga Hooyo horteed) waxa Ka Mid ah erayadaa, Xiskay, Maankay ama Maan-dhow, Gacale Iyo Huuno, weliba Erayga Huuno wuxuu ahaa Eraygii Hooyo horteed loo adeegsan jiray, Sida Erayga Hooyo loo adeegsado Afsoomaaliga hada, Waayo Erayga Huuno waxa uu ahaan jiray Eray ay Habar Ubadka ugu yeedho iyo eray Ubadkeedu Ugu jawaab celin jireen, Markaa Habrihii Hooyo Ka Horreeyey, Huuno ayey isku odhan jireen iyaga iyo ubadkoodu, Sida HOOYO hada laysku yidhaahdo, Haddaba Halkay Saantu Ka Qudhuntay waa Erayadii Hooyooyinkii Ka Horreeyey Hooyo ay adeegsan jireen,in HOOYO ay u Noqdeen erayo Ka caagan oo aanay Ubad ugu yeedhi karin, Waayo? Erayga Hooyo wuxuu ahaa Magac Cusub kaas oo lagu Maquuniyey Erayadii Habar ku Tiraabi jirtay ee guunka ahaa, Erayga HOOYO wuxuu Noqday Eray Cusub oo sidii Erayga Huuno loo adeegsado, Hadaba Qabyaalad iyo is xaqiraad Eray Ayaa dhacday!, Waayo?, Waxa la simay ama isku mid Laga dhigay Eraygii Huuno ee Hooyo la midka ahaa iyo WALAAL oo ah Eray Cusub oo ah Ubadka Hooyo, Erayga Walaal Maaha Eray Sida ABOOWE wuxuu yahay sheegaaya oo Asal-raac Leh, Waayo? Waa Eray Samays ah, hase yeeshee waa Eray Dad mideeyey Erayga Walaal Iyo Hooyadii!, Hadaba Erayga Walaal isagu waxa uu leeyahay Dhacdo uu ku yimid, Erayga Walaal, wuxuu leeyahay Mahadhada iyo lama ilaawaanta Tidhaahda, "'Rag WALAAL wuxuu ku dhaamo loowaa"' Haddaba Hirgalkoodii WALAAL iyo HOOYO Taariikh Qoran ayey leeyihiin oo waliba Afkii Hooyo Ku Qoran!, oo in u dhaxaysa 5,500-7,000 oo sanadood, Ka Hor loo Taariikh Qoray, Waa wax Illaahay lagu Mahadiyo, Waxaan JIRIN Dad, JAAHIL baa usheegee, dhanka kale Erayga Huuno waa Eray Facweyn oo DHacdo Ku yimid ah, Waayo Dadkii hore Hadalka iskamay odhan jirin, erayadoodu macne iyo Xikmad ayey kula bixi jireen, Markaa ereyada Waa weyn Afsoomaaliga Sida AAbo Iyo HABAR Maaha Magacyo La Eray Raacdayn Karo, Waayo Waa Erayo UU Afku Ka Raad-qaaday in erayada kasoo Fircama ama FIRCOONKOODA iyaga lagu raadiyo mooyaane, iyagu Raad-danbeed malaha, sidaa awgeed erayga Huuno malaha Raad-danbeed, waana Eray Guun ah oo Afkii Lo'laydii Dhexe Kasoo Jeeda, Sikastaba ha ahaatee waa Eray Afsoomaaliga Walaal la macno ah, Laakiin waa Eray walaal Ka da'weyn oo dareen kalgacal Ku ladhanyahay, ee HUUNO ogaada.
Qabyaalada Ereyada halkaa aan ku hakiyo, QABIILADA uu magacoodii u Muuqan waayayow Qabyaaladii Erayada weeyee, hadaan geleyaa Qabyaaladii dadkii Hore ee……..…lasoco Taxanaha.


Fuad Fartaag 
Arday Looxle
21-01-2021


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured