Xubno Ka Mida Murashaxiinta Saddexda Xisbi Ee Wakiiladda Iyo Deegaanadda U Tartamiya Oo Caasimadda Hargeysa Tababar Aqooneed Loogu Qabtay

0
Thursday January 21, 2021 - 06:29:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno Ka Mida Murashaxiinta Saddexda Xisbi Ee Wakiiladda Iyo Deegaanadda U Tartamiya Oo Caasimadda Hargeysa Tababar Aqooneed Loogu Qabtay

    Xubno Ka Mida Murashaxiinta Saddexda Xisbi Ee Wakiiladda Iyo Deegaanadda U Tartamiya Oo Caasimadda Hargeysa Tababar Aqooneed Loogu Qabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno Ka Mida Murashaxiinta Saddexda Xisbi Ee Wakiiladda Iyo Deegaanadda U Tartamiya Oo Caasimadda Hargeysa Tababar Aqooneed Loogu Qabtay
Hargeysa (Xogreebnews)-OLOLENABDOON
Somaliland, Doorashooyinka sannadka 2021, waxa ay Doorashooyinka hore kaga duwanaan doonaan ‘ISTICMAALKA TIKNOOLAJIYADDA’, gaar ahaan Social Media-ha oo isticmaalkiisa iyo saamayntiisu ay aad uga xoog badan tahay xilliyadii ay ku beegmeen doorashooyinkii hore. Farriinta ololaha ee si khaldan ama badheedh ah u baxdaana ay keeni karto khalkhal haddii aan musharrixiinta iyo bulshada lagu baraarujin. 
Waa qaybo ka mid ah nuxurka tabobar iyo aqoon-is-waydaarsi aannu la wadaagnay xubno ka mid ah musharrixiinta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda oo ka kala socday saddexda xisbi qaran UCID, WADDANI iyo xisbul-xaakimka KULMIYE. Farxad gaar ah ayay noo ahayd in xubnihii ka soo qaybgalay tabobarkaas ay ka mid ahaayeen MIIDDA axsaabta qaranka JSL.
Tabobarkan iyo aqoon-is-waydaarsigan oo aan noqon doonin kii ugu danbeeyay, waxa uu muhiim u ahaa dhammaan musharaxiinta, gaar ahaan dhallinyarta iyo dumarka u tartamaya doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiiladda ee dhawaan qabsoomi doona.
Waxa aannu mahadnaq ballaadhan u soo jeedinaynaa mas’uuliyiinta saddexda xisbi qaran oo noo soo diray ragga iyo haween farriintii aanu gudbinaynay iyo kuwii ay iyagu sideen xambaari kara. Sidoo kale, waxa aannu si gaar ah ugu mahadcelinaynaa dalladaha SONSAF iyo SONYO oo nagu dhiirigeliyay kana  soo qaybgalay furitaankii tabobarka. Waxa kale oo aannu u mahadnaqaynaa MAANSOOR huteel oo qayb laxaad leh ka qaatay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured