"Ileen Hal-cadheysani Geed Ay Ku Xoqoto Ma Waydo". Cabdikariin Qof Xun iyo Maan-gaaba, Midna Waxba Yeeli Karo. Ilaahay Ayaa Garabsiin/Qalinkii Saxafi Khaddar Ali Khum.

0
Thursday January 21, 2021 - 20:46:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ileen Hal-cadheysani Geed Ay Ku Xoqoto Ma Waydo". Cabdikariin Qof Xun iyo Maan-gaaba, Midna Waxba Yeeli Karo. Ilaahay Ayaa Garabsiin/Qalinkii Saxafi Khaddar Ali Khum.

    "Ileen Hal-cadheysani Geed Ay Ku Xoqoto Ma Waydo". Cabdikariin Qof Xun iyo Maan-gaaba, Midna Waxba Yeeli Karo. Ilaahay Ayaa Garabsiin/Qalinkii Saxafi Khaddar Ali Khum.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ileen Hal-cadheysani Geed Ay Ku Xoqoto Ma Waydo". Cabdikariin Qof Xun iyo Maan-gaaba, Midna Waxba Yeeli Karo. Ilaahay Ayaa Garabsiin/Qalinkii Saxafi Khaddar Ali Khum.
"Aqoonyahan Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan, Hadda Wuxu Ku Hawlan Yahay U Hiilintaanka Shacabkiisa reer Hargeysa, Isha Allah Bari-na Wuxu Ku Hawlanaan Doonaa Inuu U Hiilitaanka Qaranka Somaliland Oo Dhan Oo Uu Hogaamiyo (Madaxweyne)".
Xaqiiqdu Siday tahay, Waxaan Fikir Ahaan Qabaa Cabdikariin Waa Cawo Ay Hargeysa Nasiib U Heshay, Waxaa'se Garanaya Magaalooyinka kale Ee Dalka Oo Baahi Weyn Runtii U Qaba Helitaanka Cabdikariin Ama Shakhsi U Dhigma. "Markaa Waxaan Cawo Eebe ku siiyey, habeen la iskama qaado". Reer Hargeysoow Dantiina Raaca Oo Qofka Dooranaysaan U Eegga Daacadnimaddiisa, Aqoontiisa Iyo Waxqabad. Ha U Eegina Haybta Nasabiyaddiisa.
Xaqiiqdii Waxa soo if-baxday saameynta Tog'an ee uu leeyahay Aqoonyahan Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan.
Cabdikariin markii uu maanta Shaaciyey go'aankiisii ahaa inuu Iska sharaxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI. Waxa guud ahaanba isla kacay Shacabkii reer Somaliland oo dhan, kuwaasoo kaga falceliyey baraha Bulshaddu ku wadda xidhiidho qofba sidii uu u arkay Go'aankaa uu Cabdikariin qaatay ee ah inuu Xisbiga WADDANI ku biiray.
Shacabka xalaasha ee Reer Somaliland, gaar ahaan inta wanaaga jecel. Run Ahaantii go'aankiisaa way soo dhoweeyeen. Inta u arkaysa inuu Cabdikariin uu wax ku waayey go'aankiisaa Waxaan leeyahay Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan shakhsiyaddiisa Wanaagsan waxba kama badeli karo Xisbi uu ku biiray. Balse waa Cabdikariinkii aad taageersanayd go'aankan ka hor ee kuu Wanaagsannaa markii hore.


Hadday xaajo tahay sidaa oo aad taageersanayd Aqoonyahan Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan oo ku taageersanayd wanaag shakhsiyaddii, aqoontiisa, daacadnimaddiisa Iyo inuu Caasimadda dalka ee Hargeysa u hiiliyo oo uu wax u qabto. Isma badeline ee waa Cabdikariin uun. Balse haddaad Go'aanka uu qaatay aad ka xumaantay ama'se ku farxadgalin waayey. Maxaa keenay inaad caydo ama aflagaadayso shakhsiyadda Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan oo shareftiisa aad meel ugaga dhacaysaa soodigii Go'aanka ka hor qirayey wanaagiisa. Qofka sidan u fikirayaa waa qof liita oo Bulshadda Iyo Caasimadda ba marka hore la jeclaynayn wanaag iyo horumartoona. Ileen Hal-cadheysani Geed Ay Ku Xoqot Ma Waydo.
Cabdikariin inta wanaaga jecel ee u hamuum qabta wax ka qabashadda dhibta iyo silica ku habsaday Caasimaddii dalka kana reebay khayrkeed way taageersan tahay, waanay taageeri codkooddana way siin.
Tan Maayarnimadda Ilaahay ayaa haya, hadduu helenna Hargeysa ayaa hiil heshay, ilmaddana ka biin doona halyeeyeydeedii ay muddo tabaysay ayey heli doontaa.
Aqoonyahan Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan, ka sakoow aqoontiisa iyo wanaaga shakhsiyaddiisa, Wuxuu kasoo jeedaa Qoys Wanaagsan oo sharef leh (Royal Family), Isla-markaana ku suntan halgankii dalkan loo soo maray. Sidoo kale waa Aqoonyahan u dhashay ceelkii Maroodi-jeex oo ku suntan aasaaskii Magaalaynta Hargeysa kasoo unkatay.

Walaal Cabdikariin hore u soco guulayso, Isha Allah waad gaadhi doontaa hadafkaaga iyo inaad u hiiliso Shacabka Reer Hargeysa ee dayac iyo darxumaddu isugu darsantay. Durba waa la arkaa saameynta aad Bulshaddaada kuu heelan ku dhex Leedahay. 

Cabdikariin qof xun iyo maangaaba midna waxba yeeli karo. Ilaahay ayuu garabsiin. Waana hubaal inuu noqon doono Xildhibaanka codka ugu badan dalka heli doona. Sidaas oo kale waa hubaal inuu Hargeysa gacanta ku qaban doono si uu wax u qabto Shacabkan la balanbaliyey.

"Aqoonyahan Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan, hadda Wuxu ku hawlan yahay hiilinta Shacabkiisa reer Hargeysa, Isha Allah Bari-na Wuxu Ku Hawlanaan Doonaa Inuu U Hiiliyo Qaranka Somaliland Oo Dhan Oo Uu Hogaamiyo (Madaxweyne)".

Xaqiiqdu Siday tahay, Waxaan fikir ahaan qabaa Cabdikariin waa cawo ay Hargeysa nasiib u heshay, Waxaa'se garanaya Magaalooyinka kale dalka oo baahi weyn runtii u qaba helitaanka Cabdikariin ama shakhsi u dhigma. " Markaa Waxaan cawo Eebe ku siiyey, habeen la iskama qaado". Reer Hargeysoow dantiina raaca oo qofka dooranaysaan u eegga daacadnimaddiisa iyo aqoontiisa Iyo Waxqabad.
GUUL iyo GOBANIMO.
Khaddar Ali Khum


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured