Daawo: Maamulka Guud ee Warshada Daqiiqda Boodhari Mills oo Ugu Bushaareyey Saamileyda Warshada iyo Bulshada Soomaaliyeed In 90 Maalmood Kadib la Furi Doono.

0
Tuesday February 02, 2021 - 02:52:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Maamulka Guud ee Warshada Daqiiqda Boodhari Mills oo Ugu Bushaareyey Saamileyda Warshada iyo Bulshada Soomaaliyeed In 90 Maalmood Kadib la Furi Doono.

    Daawo: Maamulka Guud ee Warshada Daqiiqda Boodhari Mills oo Ugu Bushaareyey Saamileyda Warshada iyo Bulshada Soomaaliyeed In 90 Maalmood Kadib la Furi Doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo: Maamulka Guud ee Warshada Daqiiqda Boodhari Mills oo Ugu Bushaareyey Saamileyda Warshada iyo Bulshada Soomaaliyeed In 90 Maalmood Kadib la Furi Doono.

Hargeysa(Xogreebnews)-
Maamulka guud ee Warshada Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha ee Boodhari Mills, ayaa ugu bushaareyey saami-layda Shirkadaas, inuu dhamaaday dhismihii Warshada Daqiiqda ee Boodhari Mills, oo la bilaabay dhismah iyo yagleelka Shirkadaas laba sanno ka hor.


Gudoomiyaha Warshada Daqiiqda Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa ugu bushareyey in sadex bilood Kadib, xadhiga laga kari doono Warshada, Isla markaana ay bilaabayso shaqadii wax soo saarka, waxanu saamileyda Warshada ugu bushaareyey inuu kor u kici-doono saamigoodu, isla marka ay Warshadu shaqada bilawdaba.
Maamulka guud ee Warshada Daqiiqda Boodhari Mills oo Fariin u diraayey Saamileyda Warshada iyo Bulshada Soomaaliyeed , isla markaana la socodsiinaya xiliga ay Warshadu shaqada bilaabayso, ayaa waxa ugu horayn, halkaa ka Hadlay Gudoomiyaha Warshada Daqiiqda Boodhari Mills Md. Cabdiraxmaan Sheikh Axmed waxanu yidhi ” Waxaan Halkan ugu bushaareynayaa Saamileyda Warshada Daqiiqda Boodhari Mills in 90-maalmood inaga xigto, furi-taankii Warshada, taasoo soo saari doonta Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha, isla markaana ka qayb ka noqon doonta Wax soo saarka dalka, maadaama oo Shirkada wax walba u dhamaadeen oo aanay jirin wax baahiya oo buuran.
Sidoo kale, waxaan Halkan uga sheegaya Saamileyda Warshada Boodhari Mills, in 90-ka maalmood Kadib uu kici doono saamigoodu, sidaad la socotan laba sanno ka hor, ayeynu bilowna Shirkada Boodhari Mills, isbedelo ayaa dunida ka dhacay uu kamid yahay Covid-19, laakin guusheeni may habsaamin, waanaad mahadsan tihiin dhamantiin”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Shirkada Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed.
Sidoo kale, waxa isna ka Warbixiyey Dhismaha Warshada Daqiiqda Boodhari Mills, isla markaana u diray Fariin mug leh Saamileyda Warshada Wakiilka Warshada Daqiiqda Boodhari Mills ee Canada, kana mid ah Saamileyda Warshada Shucayb Cabdilahi Xuseen, waxanu yidhi: "Waxa Mahad leh Ilahay oo Inoo suuro-geliyey inaynu Maanta dhex joogno Warshaddii Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha ee Boodhari Mills, anigoo ah wakiilkii Shirkada, waxa ila socda maamulkii Shirkada, anigoo ku sugan dalkii Hooyo, waxaan nasiib u helay inaan booqdo Warshada Daqiiqda Boodhari Mills, oo laba sanno gudahood inagu dhamaatay. Waxaan Saamileyda Warshada iyo Wakiilada iyo dhamaan Bulshada Somaliland iyo weliba dadweynaha Afka Somaliga ku hadla ugu bushaareynayaa in Warshaddii dhamaatay, waxana Mahad iska leh Ilahay, mahadaas ka sekowna waxaa leh Maamulka Shirkada, iyo Saamileydii waqtigoodii geliyey in Warshadani hirgasho”.
Waxa kaloo, isna Fariin kooban kaga warbixiyey dhamaystirka Warshada Daqiiqda Boodhari Mills Maareeyaha guud ee Shirkada Md. Mustafe Ibraahin Aadan, waxanu yidhi; "waxaan Halkan uga mahadcelinaya Saamileyda Warshada Daqiiqda Boodhari Mills oo ah Saamiley gaadhaysa 700-oo qof, kuwasoo nagu aaminay Hantida intaa le’eg, waxanan leeyahay tacabkiini wuu hirgalay, waxanaan idinku busharaynaynaa in Warshadu dhamaatay, saamiguna kordhi doono isla markaa aynu daah-furno 90-maalmood Kadib Insha allah”. Ayuu yidhi Maareeye Mustafe Ibraahin Aadan.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured