MAALINTA RAADIYAHA ADDUUNKA
(WORLD RADIO DAY). W/Q: C/RISAAQ ABSHIR
Maantoo kale sannad kasta waxa dunida laga xusaa maalinta Reedhyowga adduunka , 13-February Waa maalin dunidu xusto sida Aalada Reedhyowgu uga qayb qaato wax barista , war gudbinta iyo madadaalinta bulshada.
Ururka jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee (UNO )ayaa sannadkii 2011-kii 13-bisha February u asteeyay in maalintaa caalamku u debaal-dego maalinta Reedhyowga adduunka , waxaana sannadkaa hal-ku dhig looga dhigey " Raadiyaha , xilliyada xaalladaha degdega ah iyo dhibaatooyinku jiraan".
Sannadkaa 2011-kii ee ay Qaramada midoobey ku dhawaaqeen in maalintaaai tahay maalinta Reedgyowga aduunka " World Radio Day " ayaa ahayd sannad guuradii 1aad maantana 13-ka February sannadka 2021-ka waa sannad guuradii 10-aad balse way ka taariikh fog tahay xilligan gaaban xilligii uu aduunka kusoo kordhay amaba la daah-furey Aalada Reedhyowga.
Guglielmo Marconi ayaa ahaa Aabaha iyo qofkii ikhtiraacay Aaladan codkiisa laga maqli karo meel dheer ee Reedhyowga waxaanu ku guuleystay inuu hawada ku geliyey Reedhyowgii ugu horeeyey muddo kooban Sannadkii 1901-dii oo hada laga joogo muddo hal qarni iyo dheeraad ah , maalinraa wixii ka danbeeyey waxa uu sameeyay mawjado meel isagoo daah-furkaa cusub ee uu adduunka kusoo kordhiyey ku helay Abaal marinta caalamiga ah ee Nobel-ka dhanka physics-ka sannadkii 1909-kii waxaana qalbkiisaa cusub ee uu soo kordhiyey loogu wan-qalay magac bixintiisa (Radio).
Soomaalida waxa uu Reedhyowgu soo gaadhay sannadkii 1941-kii oo ay tijaabo ahaan hawada kusoo gashay idaacadda Radio-Hargeysa , iyadoo Radio-Hargeysa xilligaasi la odhan jirey (Radio-kudhi) , waxaanay ahayd idaacadda dadka soomaalida ah afkooda ku hadasha middo yar ka dib waxa loo bixiyey Radio-Somaali , iyadoo lagu furi jirey " Halkani waa Hargeysa Radio-Soomaali" idaacadda waxa hadana muddo danbe loo bixiyey magaca ay ku caano maashay ee Radio-Hargeysa.
Radio-Hargeysa oo uu furey gumeystihii Ingiriiska ee Somaliland xilligaasi ka talin jirey ayaa waxa lagu bilaabay War-laliye (Transmitter) awoodiisu tahay 1 Killowatt , waxaanu xilligaasi sii deyn jirey warar kookooban, gabayo , heellooyin, maahmaahyo, ogeysiisyada maamulladii ingiriiska ee xilligaasi u jeedinayaan dadweynaha Somaliland , iyo sharciyada la soo saaro ee la faafinayo , taariikhda, qaybaha siyaasadda iyo juqraafiyada Boqortooyada Ingiriiska iyo maxmiyadihii ay maamuli jirtey
Waxa kale oo Radio-Hargeysa xilliyadaasi qayb ka ahaa laan qaabilsan sawirrada iyo filimada , iyo wargeys la odhan jirey (War-soomaali-side ) oo kusoo bixi jirey af-Ingiriisi.
Idaacaddaha kale ee Soomaalida waxa kusoo xigey Radio-muqdisho oo hawada soo gashay Sannadkii 1951-kii iyada oo aan wadan magaca Radio-Muqdisho waxaana xilligaa la odhan jirey Radio-mariino xillogaasi oo ay Soomaaliya ku jirtey gacanta gumeysyihii Talyaaniga.
Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa idana shaqadeeda bilowday 18-kii July ama luulyo Sannadkii 1957-kii , waxaana lagu bilaabay inay hawada kasoo hadasho toddobaadkiiba laba jeer min 15-daqiiqo haseyeeshee sidii marba marka ka danbaysa loo kordhinayay xilligay laantu hawada soo gasho ugu danbeyntii bishii Sebtember sannadkii 1958-kii waxa laga dhigey in laanta af-soomaaliga ee idaacadda BBC-du maalin walba hadasho 15-daqiiqo maalin walba.
Dhawaan intii aan la xidhin barnaamijkii Caawa & Caalamka idaacaddu waxay maalintii hawada soo gali jirtey afar jeer maalintii iyo habeenkiiba , hadana waxay soo gashaa maalintii saddex jeer wariyeyaal ayaa u jooga magaalooyinka Soomaalida.
Waxa iyadna Sannadihii 2006-dii ilaa 2007-dii la furey laanta af-soomaaliga ee VOA-da ee codka America.
1960-kii midowgii labadii dal ee Somaliland Iyo Soomaaliya ee ka kala xoroobay gumeystayaashii Ingiriiska & Talyaaniga waxa la mataaneeyey Shaqada labada Idaacood ee Radio-Hargeysa iyo Radio-Muqdisho waxaana idaacaddi ugu da'da wsyneyd idaacadaha midowgii ay ka dhaxashay bah-dilaad markii la hoos geeyey Wasaaradii warfaafinta ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya iyo idaacaddii ay ka da'da weyned ee Radio-muqdisho , War-laliyayaal yaalay Idaacadda Radio-Hargeysa ayaa loo raray Radio-muqdisho waxaanay Radio-Hargeysa noqotay laan kamida Radio-Muqdisho wixii intaa ka danbeeyey sidaasi ayaa Radio-Hargeysa loogu furi jirey " Halkani waa Radi-Hargeysa Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya" dawladihii rayidka ahaa ee Soomaaliyadii Hore waxba kumay soo kordhin Radio-Hargeysa halka taa bedelkeedana ay kor u qaadeen awooda baahineed iyo xirfada shaqaalaha Radio-Muqdisho.
Sannadkii 1969-kii 21-kii biahii October waxa Soomaaliyadii hore af-gembi aan dhiig ku daadan ku qabsaday Askar uu hogaaminayo Maxamed Siyaad Bare waxaanay mar kale Radio-Hargeysa gacanta u gashay dawladdaa miletaryga ka daroo dibi dhal waxba umay soo kordhin dawladaasina ee hawlaheeda ayay ku fushan jirtey iyadoo Radio-Hargeysa & Radio-muqdishona lagu furi jirey "Halkani Waa Radio-Hargeysa/muqdisho Codka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Soomaaliya "
47-Sanno ka dib xilligii hawada laga maqlay Radio-Hargeysa iyadoo dawladdo kala duwan usoo gacan gashay hawada ayay ka baxday markii ugu horeysay 31-kii bishii May Sannadkii 1988-kii dagaalkii dalka lagaga xoreynayay taliskii mucangaga ahaa ee Siyaad Bare.
Naasiib-darro in badan oo kamida kaydadkii cajaladaha ee taariikhiga ahaa , Sawirradii iyo filimadii , nuquladii wargeysyadii hore, kaydkii Barnaamijyada , ruwaayadaha , fanka iyo suugaanta , Istuudiyayaashii , iyo saldhigii Radio-Hargeysa waxay intoodii badnayd ku burbureen dagaaladii u dhexeeyey Dawladdii miletaryga ahayd iyo jabhadii SNM.
In badan oo kamida qalabkii, mashiinnadii , iyo cajaladihii kaydka ahaa waxa bililiqaystay ciidamadii dawladda iyo maamulkii miletaryga ee dalka laga xoreynayey waxa ka badbaaday wax yar oo kamida ooy la baxeen inamo kamida shaqaalihii xilligaasi ee idaacadda imikana kamida ooy kamid ahaayeen Xasan Maxamed Yuusuf , Maxamed Siciid Muxumed, Xasan Shugri, mijir, iyo shaqaalihii Radio-Hargeysa qaarkood xilligaasi xarunta Radio-Hargeysa iyo degsiimadasi waxay kamid ahaayeen goobihii aad loo duqeeyey ee magaalada Hargeysa dagaalada ugu waaweynina ay ka dhaceen magaalada Hargeysa.
Burburkii Soomaaliya ee 1988-kii ilaa laasoo noqoshadii badaxbanaanida ee Somaliland waxa hawada ku jirtey idaacaddii ku hadli jirtey af-ka jabhadii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee ( SNM) idaacadaasi oo la odhan jirey Radio-SNM waxa fadhigeedu ahaa magaalada Bali-gubadle oo xilligaasi ay haysteen ciidamada jabhadii SNM inkasta oo idaacaddaasi ay ka horeysay mid xarunteedu ahayd Addis-Ababa oo ay wadaagi jireen Jabhadihii SSDF iyo SNM oo la odhan jirey Radio-Kulmis
1991-kii bishii Mey 18-keedii waxa lagu dhawaaqay gooni isu-taaga qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland wixii intaasi ka danbeeyeyna idaacaddii SNM-tu lasoo gashay waxay isu-bedeshay Radio-Hargeysa oo ku hadasha Af-dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ilaa maanta waxaanay Radio-Hargeysa maraysaa halkii ugu wanaagsanayd iyadoo 11-saacadood ku jirta hawada waxa laga aii daayaa warar , barnaamijyo , Ogeysiisyo iyo Suugaan .Radio-Hargeysa ayaa diirada saarta Barnaamijyada ka hadlaya artimaha bulshada dhagaystayaasha ah noloshooda taabanaya eey kamidka yihiin, Diinta , Caafimaadka , Beeraha, Kalluumaysiga , Dhaqalaha , Fanka iyo Suugaanta, Dhallinyarada , Xanaanada Xoolaha , dhaqaalaha , Waxbarashada IWM.
Dhanka kale Soomaaliya burburkii dawladii Miletaryga ahayd waxa ka hano qaaday idaacaddo kala duwan oo ku hadla afka kooxihii kala duwanaa ee isku haystay maaulka Soomaaliya ku dhawaad 25-kii sannadood ee ugu dambeeyey.
Inkasta oo dawladd rasmi ahi ay ka jirto Soomaaliya nabaduna aanay cagaheeda ku taagneyn Radio-Muqdisho waxay ku hadaahaa afka DFS iyadoo ay muqdisho ka hano-qaadeen idaacaddo maxali ah oo tiro badani.
Dhanka kale Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Soddonkaa sanno ee ay jirto ku caano maashay nabad xaasillooni , iyo taabo gal dawladdnimo ayaanay ka jirin idaacaddo maxali ah oo madax banaani marka laga tago labada laamood ee af soomaaliga ee idaacaddaha BBC-da iyo VOA-da iyo idaacadda Dawladda Ee Radio-Hargeysa walow ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hano-qaadeen wargeysyo badan oo madax banaan iyo Televisiono badan oo madac banaani iyadoo kuwaasina ay barbar socdaan warbaahinta online-ka ahi weli Somaliland kama jiraan idaacaddo maxali ah oo madax banaani iyadoo la aaminsanyahay in idaacadduhu yihiin xasaasi wax u dhimi kara nabada iyo wada noolaanshaha bulshada hadana khubaro kamida warfidiyeenadu waxay iyaguna dhankooda qabaan;- in aanay idaacadaha madaxa banaan ee maxaliga ahi aanay soo kordhin karin mashiladaha ay soo kordhin waayeen Televsionada, wargeysyada iyo warbaahinta madaxa banaan ee kale .
Si kastaba ha ahaatee waa sannad guuradii 10-aad ee maalinta Reedhyowga adduunka taariilh taa ka duwana idaacadda Radio-Hargeysa ayaa sannadkan 80-jirsatay .
Reedhyowga ayaa ah walax yar oo si fudud loo adeegsan karo goor kasra iyo goobkasta oo fog degdegna wax u gudbinaya inkasta oo ay warbaahin casri ahi kusoo korodhay caalamka iyo soomaalidaba hadana wsli kamay bixin kaalintii iyo kalsoonidii lagu qabey Reedhyowgu .
Waa Qallinkii : C/risaaq Abshir oo wax ka qora arrimaha bulshada iyo taariikhda ee mandaqada geeska Africa .
Crisaaqabshir81@gamil.com
Hargeysa , Somaliland
MAALINTA RAADIYAHA ADDUUNKA (WORLD RADIO DAY). W/Q: C/RISAAQ ABSHIR
MAALINTA RAADIYAHA ADDUUNKA (WORLD RADIO DAY). W/Q: C/RISAAQ ABSHIR