"Culimada iyo Madaxdu Dadka Maxay Dheer Yihiin"!. Professor Cabdi Cali Jaamac.

0
Sunday February 14, 2021 - 01:24:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Culimada iyo Madaxdu Dadka Maxay Dheer Yihiin"!. Professor Cabdi Cali Jaamac.

    "Culimada iyo Madaxdu Dadka Maxay Dheer Yihiin"!. Professor Cabdi Cali Jaamac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Culimada iyo Madaxdu Dadka Maxay Dheer Yihiin"!. Professor Cabdi Cali Jaamac.
Horta ma ogtahay in diinta Islaamku tahay diintii ugu horaysay ee wadaadka diinta awooddiisa dhintay; waad ogtihiin Illaa immika awoodda wadaadka diinta Kiristaanka; sidoo kale waa diintii u horaysay ee dhintay awoodda qofka madaxda ah; waad maqasheen in Cali binu abi Dalib ay diriciisii dagaalka oo ka lumay uu nin Yuhuudi ahi helay, halkaas oo ay maxkamadda isla galeen isaga oo Cali ah Amiirka Mumiiniinta; gartii waxa helay yuhuudigii; ninkii Yuhuudiga ahaa markii uu ka yaabay caddaaladda meesha ka jirta wuxu bilaabay in uu halkii ku ashahaato, diriciina uu yidhaa anigu ma lihi ee waan helay, taasoo Cali Alle raali ka ahaadee la siiyay diriciisii; waxa kale oo sheekadan loo daliishan karaa sarreynta sharciga (Rule of Law)!!!
Haddaba intii ka danbaysay khulafada boqorro dhaxaltooyo ah ayaa la wareegay dawladdii Muslinka, waanay ka leexdeen Manhajkii Khulafa'u raashidiinka, waxana ay bilaabeen boqorradii in ay iska sarreysiiyaan sharciga iyo shicibkaba, waxay doonaana sameeyaan illaa ay gaadheen in qofka ay doonaana xidhaan ama dilaan, qofka ay rabaana kor u qaadaan oo ay qayrkii dhaafiyaan; tabtiibaa wali lagu jiraa illaa maanta, dhawaanse qarniga 21 aad inta aanu dhammaan waxaynu arki doonaa isbeddel wayn oo dunida ka dhici doona Inshallah!


Dhinaca kale, Culimada oo innaga mudan ixtiraam sida Madaxdeenuba inoogu leeyihiin ixtiraam diinta Islaamku may siin awood dheeriya, waana la dhimay awooddii ay ku lahaayeen diimihii ka horreeyay, halkaasoo wadaadada Masiixigu illaa tawbadda ay aqbali jireen iyaga oo jaraya tigidhada danbidhaafka, kaas oo ahaa dakhliga ugu badan ee soo gala kaniisadda. Diinta Islaamku waxay caddaysay in Ilaahay iyo adiga qof idiin dhexeeyaa aanu jiri karin, sidaa darteed ixtirmaam mooyee wax kale aan loo ogolayn culimada Islaamka maxaa yeelay diinteenu way kala saartay qofka culimada ah iyo diinta loomana ogola in uu awood ku samaysto sheeknimadiisa ama hantida dadka ku qaato isaga oo ku harawsanaya sheekhnimadiisa; xadgudubka caynkan ah waxa lagu arkay wadaadada suufiyada qaarkood; sidoo kale waxa la mid ah wadaad kasta oo isku daya sidaa haddii uu doono yaanu suufiba ahaane!
Guntii iyo gabogabadii, marka diinta iyo dawladnimadu toosan tahay waxa lagu gartaa culimada iyo madaxdu waxba ma dheera dadka, waxana tusaale fiican u ah Cali binu abid Dalib oo madaxna ahaa, caalimna ahaa; nin ka Cilmi badan Cali xagga diinta wali lama sheegin; markaa isagu labada koofiyadood ba wuu sitay!
Cabdo; Culimada iyo madaxda iyo diinta Islaamka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured