Guulaha Diblumaasiyadeed iyo Waxqabadka Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed ku Talaabsaday... Iskaashiga, Hirgelinta Mashaarico Horumarineed...

0
Tuesday February 16, 2021 - 13:11:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guulaha Diblumaasiyadeed iyo Waxqabadka Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed ku Talaabsaday... Iskaashiga, Hirgelinta Mashaarico Horumarineed...

    Guulaha Diblumaasiyadeed iyo Waxqabadka Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed ku Talaabsaday... Iskaashiga, Hirgelinta Mashaarico Horumarineed...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guulaha Diblumaasiyadeed iyo Waxqabadka Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed ku Talaabsaday... Iskaashiga, Hirgelinta Mashaarico Horumarineed...

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa guulo Diblumaasiyadeed iyo xidhiidh Saaxibtimo ka dhexdhaliyey labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti.

Safiirka, ayaa ku guulaystay inuu wanaajiyo Xidhiidhka labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland, isla markaana kor u qaaday hanaankii Diblumaasiyadeed ee Safaarada Somaliland ku leedahay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.


Hadaba waxaynu maanta qormadeenan kusoo qaadanaynaa isbedelka Diblumaasiyadeed iyo Guulaha waaweyn ee ay ku Talaabsatay Safaarada Somaliland ee Jabuuti. Iyadoo Safaarada Somaliland  ee Jabuuti sadexdii sanaadood ee u dambeeyey ku Talaabsatay horumarka dhinacyo badan, kuwasoo isaggu jira guulo Diblumaasiyadeed iyo isbedel ku yimi xaga bilicda Safaarada Somaliland ee Jabuuti iyo weliba iskaashiga labada dawladood ee dhinaca wax wada-qabsiga iyo hirgelinta mashaariicaha ay iska kaashanayaan.
Guulaha iyo isbedelkaas waxa ku suntan Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo la yimi Xil-gudasho iyo daacadnimo dheeraada.Guulaha iyo kor-u-qaadista bilicda Safaarada ee u sameyey Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed waxa kamid ah, dayac-tir iyo qalabayn dhamaystiran ku sameeyey xafiisyada Safaarada Somaliland ee fadhigeedu yahay Magaalada Jabuuti, iyadoo la kordhiyey tirada xafiisyada iyo shaqaalaha, isla markaana qalab cusub oo ilaa heer diblumaasiyadeed ah, lagu soo kordhiyey Safaarada Somaliland ee dalka Jamhuuriyada Jambuuti.
Waxa kaloo, xusid mudan oo tilmaamaya kor-u-kaca qiimaha diblumaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay dalka jabuuti, mudadii uu safiirka ahaa Amb. Cabdifatax Siciid Axmed in Shir kastoo lagu qabanaayo dalka jabuuti lagu soo casuumo Somaliland, isla markaana safiirka la gaadhsiiyo meeqaam lamid ah, ka safiiradaha shirarka ka qaybgalaya ee ka socda wadamada Africa iyo kuwa kale Yurub, waana guul usoo hoyatay Siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland iyo shacabka aqoonsi raadiska ah ee reer Somaliland, waxana dedaalka ku suntan Safiirka iyo labada Madaxweyne ee labada Wadan oo ku kaalmeeyey Safiirka, guulahan Tarikhiga ah.
Teeda kale, waxa uu Safiir Cabditafax ku guuleystay inuu hirgeliyo, isla markaana kor-u-qaado meeqaamka diblumaasiyadeed ee lagu soo dhoweynaayo, marka Wafti reer Somaliland ahi, dalkaas safar ku tagaan, haday tahay heer Madaxweyne, Wasiiro, Janaano iyo weliba Masuul haya Xil kastoo muhiima in ay soo dhoweeyaan masuulo kaloo u dhigma xilalka ay hayaan kuwa Somaliland, oo kamid ah Xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti, waxana mudadii uu Safiir Cabdifatax joogay Safaarada uu ku guuleystay in waftiyada Somaliland in lagu casuumo qolalka Madaarka Jabuuti ee sida gaarka ah loogu furo waftiyada caalamka ee qaybta V.I.P-da loo yaqaano, oo lagu nasiyo wafti kastoo ka socda Somaliland.
Sidaas daraadeed Safiirku waxa uu qaranka Somaliland usoo hooyey guulo diblumaasiyadeed oo waaweyn, kuwasoo dhamaantood sharaf u ah qaranka Somaliland iyo shacabkiisa, waxana si gaar ah, ugu amaanan tis-qaadka ay Safaaradu samaysay madaxweynayaasha labada wadan, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Amb. Cabdifatax.La soco qaybaha dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured